Dowladda cusub ee Kanada oo hirgalineysa sharciyo adag oo xakameynaya soo galootiga

Raysal wasaaraha Canada Mark Carney

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Raysal wasaaraha Canada Mark Carney

Dowladda Kanada ayaa soo jeedisay sharci cusub oo xaddidaya qaybo ka mid ah hannaanka sheegashada magangalyada isla markaana siinaya hay'adaha dowladdu awood dheeraad ah oo ay ku joojin karaan hab-socodka codsiyada soo galootiga.

Wasiirka socdaalka ee Kanada, Lena Diab, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee la yiraahdo Strong Borders Act (Sharciga Xuduudaha Adag) uu ujeeddadiisu tahay in lagu xakameeyo dambiyada abaabulan iyo qulqulka daroogada iyo hubka sharci darrada ah, iyadoo sidoo kale la xoojinayo "daahfurnaanta iyo hufnaanta" nidaamka socdaalka ee dalkaas.

Sharcigani waxa uu bixinayaa awood dheeraad ah oo ay boolisku ku kormeeri karaan xuduudda Kanada la wadaagto Mareykanka.

Sidoo kale, waxaa laga yaabaa inuu mamnuuco in qof degganaa Kanada in ka badan hal sano uu dalbado magangelyo. Laakiin dhaleeceeyayaashu waxay sheegeen in sharcigan, oo oggolaanaya in la ballaariyo awoodda dowladda ee baaritaanka taasoo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta.

Sharcigan la soo jeediyay ayaa yimid iyadoo cadaadis xooggan la saaray Kanada – waddan si taariikhi ah ugu furfurnaa martida cusub – si loo xadido tirada muhaajiriinta, maadaama adeegyada dadweynuhu ay aad ciriiri u noqdeen, islamarkaana ay jirto dhibaato ba'an oo guryo la'aan ah.

Dowladdii hore ee Ra'iisul Wasaare Justin Trudeau waxay ku tiirsanayd bartilmaameedyo socdaal oo aad u ballaaran si kor loogu qaado dhaqaalaha, taasoo keentay in si weyn kor ugu kacdo tirada dadka ku imanaya Kanada shaqo ku-meel-gaar ah iyo waxbarasho ahaan.

Sidoo kale, waxaa sare u kacay tirada codsiyada magangalyo doonka, iyadoo dadku ay sugayaan illaa laba sano si dacwadooda loo dhageysto sababo la xiriira dib-u-dhacyo iyo xad-dhaafka codsiyada.

Ra'iisul Wasaare Mark Carney, oo ku guuleystay doorashadii federaalka bishii Abriil, ayaa ballan qaaday inuu wax ka qaban doono heerka socdaal ee aan la xamili karin ee dalka.

Sida uu hadda qabo sharciga socdaalka ee Kanada, qofka magangalyo doonka ah wuxuu dalban karaa magangelyo marka uu yimaado albaabka laga soo galo dalka, sida garoonka diyaaradaha, ama marka uu horeyba u joogo gudaha Kanada – iyadoo aan la xaddidneyn muddada uu ku sugnaa dalka ka hor inta uusan codsan magangelyada.

Xannibaad lagu soo rogayo lacag dirista

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Xeerarka cusub waxay mamnuucayaan sheegashada magangelyo ee dadka ku sugnaa Kanada in ka badan hal sano, taasoo keeni karta in dadkaa la tarxiilo.

Waxay sidoo kale waajibinayaan in dadka Kanada ka soo galaya xadka Mareykanka iyaga oo hoos imaanaya Heshiiska heshiis hore u jiray oo qasab ka dhigaya in muhaajiriintu magangelyo ka codsadaan waddanka ugu horreeya ee tageen (ha ahaado Mareykanka ama Kanada) — ay gudbiyaan codsiga magangelyo muddo 14 maalmood ah si loo tixgeliyo.

Dadka aan la iman codsigooda muddadaas la cayimay weli waxaa la siin karaa qiimayn khatar ah si loo go'aamiyo in noloshoodu khatar ku jirto haddii dib loogu celiyo halkii

Sharcigan waxa uu sidoo kale siinayaa dowladda awood ay ku joojin karto gebi ahaanba hab-socodka codsiyada cusub xilliyada ay jiraan arrimo la xiriira caafimaadka dadweynaha ama amniga qaranka.

Sharcigan baaxaddiisu weyntahay ayaa ka kooban 127 bog wuxuu kaloo ballaarinayaa awoodda dowladda ee baaritaannada dambiyadeed.

Waxaa intaa dheer, sharcigu wuxuu soo rogayaa xannibaado ku saabsan lacago dirista caddaanka ah ee ka badan 7,300 oo doallar iyo dhigaalka lacagta caddaanka ah ee uu qof dhigto anooknkiisa.

Ka jawaabista waxyaabaha dhibka ku ah Mareykanka

Kanada iyo Mareykanka ayaa horey u gaaray heshiis ku saabsanaa dadka muhaajiriinta ah

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kanada iyo Mareykanka ayaa horey u gaaray heshiis ku saabsanaa dadka muhaajiriinta ah

Jenny Kwan, oo ah xildhibaan ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga ee bidix u janjeera, ayaa sheegtay in sharcigan cusub uu yahay "mid dad badan oo reer Kanada ah ay ka naxeen."

Qayb weyn oo ka mid ah sharcigan cusub waxay la xiriirtaa xakameynta qulqulka daroogo halis ah iyo hubka sharci darro ah oo ka gudba xadka u dhexeeya Mareykanka iyo Kanada,.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa u adeegsaday arrintaan marmarsiiyo uu ku saaro cashuur dheeraad ah Kanada taasoo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Gary Anandasangaree, wasiirka amniga gudaha ee Kanada, ayaa sheegay inuu wargelin siin doono Tom Homan, oo ah madaxa xuduudaha Mareykanka, si uu uga warbixiyo sharcigan cusub.

Wuxuu qirtay in sharcigan uu wax ka qabanayo arrimo ay Mareykanku ka cawdeen oo uu ugu yeeray "waxyaabaha dhibka ku ah Mareykanka", isla markaana ay u badan tahay inuu saameyn ku yeesho wadaxaajoodyada ganacsi ee Kanada iyo Mareykanka dhexmara.

Laakiin wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in sharcigan "uusan si gaar ah ugu wajahneyn Mareykanka," balse uu sidoo kale ku saabsan yahay ilaalinta xuduudaha Kanada.

Dhinaca kale, qaar ka mid ah ururrada u dooda xuquuqda dadka ayaa si adag u cambaareeyay xeerarka cusub. Shabakadda Migrant Rights Network waxay ku tilmaantay tallaabooyinka la soo jeediyay inay yihiin "anshax xumo", waxayna sheegeen in sharcigu "si ba'an u xaddidayo ilaalinta qaxootiga, isla markaana uu fursad u furaayo tarxiil ballaaran."