Ma iska soo xaji baa? Maya ee wax ka baro macluumaadkan muhiimka ah ee caafimaadkaaga ku saabsan

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Esther Kahumbi
    • Role, BBC World Service

Sannad kasta, ku dhawaad ​​labo milyan oo Muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa u xajiya magaalada barakeysan ee Maka ee dalka Sacuudiga si ay u soo gutaan waajibaadka Xajka, iyagoo soo dhammeysanaya mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Waa safar ruuxi ah oo dhaca inta lagu jiro Dul-Xijja, oo ah bisha ugu dambeysa ee taariikhda Islaamka. Sannadkan, waxa uu dhacayaa inta u dhaxaysa 4-9 June, halkaas oo in ka badan hal milyan oo Muslimiin ah la filayo in ay u safraan.

Laakiin kaliya maaha safar ruuxi ah, ee waa hawl jireed oo daran. Inta u dhaxaysa kulaylka saxaraha, dad aad u fara badan, iyo socod dheer oo u dhexeeya caadooyinka la sameeyo, Xajku wuxuu jirka ku riixi karaa xadkiisa.

Sacuudi Carabiya ayaa sheegtay in ugu yaraan 1,300 oo qof ay sannadkii hore ku dhinteen Xajka, kuwaasoo intooda badan ay masaafo dheer u socdeen xilli uu jiray kulayl xooggan. Dad lagu qiyaasay 1.8m ayaa ka soo qayb galay.

Waa kuwan qaar ka mid ah talooyin ku saabsan sida aad u caafimaad qabtid intaad ku jirto falkan caqiidada ee aan caadiga ahayn.

Muslimiinta, oo u imaanaya Maka adduunka oo dhan si ay u gutaan waajibaadka Xajka, oo waqti ku qaataan oo ku tukadaan Xaramka Al-Shariif ee Mecca, Saudi Arabia 2da Juun 2025

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, In ka badan 1.8m oo Muslimiin ah ayaa sanadkan gudanaya Xajka

Diyaargarawgu waa muhiim ka hor inta aan cagta la saarin dhulka Sacuudi Carabiya.

Khubarrada caafimaadku waxay ku talinayaan in caafimaadka jirka si buuxda loo baaro, gaar ahaan xujayda da'da ah iyo kuwa qaba xanuunnada dabadheeraada, sida macaanka, neefta, kansarka ama wadne xanuunka.

Hubi in aad haysato dhammaan tallaallada qasabka ah ee ay u baahan tahay dawladda Sucuudigu. Tan waxaa ku jira kuwa loogu talagalay qoorgooyaha, oo la xakameynayo ugu yaraan toban maalmood ka hor inta aan la imaan Xajka, iyo Covid-19.

Dadka safarka ah ee ka imaanaya waddamada ay ku badan yihiin cudurka dabeysha iyo qandhada jaallaha ah waa inay sidoo kale haystaan ​​tallaalkooda cusub.

Dad badan oo dallado kor u heysta

Xigashada Sawirka, Getty Images

Kahor inta aadan safrin

Marka la eego tirada badan ee dadka Xajka tagaya, adeegyada caafimaad ee maxalliga ah ayaa noqon kara mid xad dhaaf ah, sidaas darteed waxaa habboon inaad adigu isku tiirsanaato halka ay suurtagal tahay.

Haddii aad qaadanayso dawo laguu qoray, iska hubi inaad sidato in kugu filan muddada safarka. Khubarradu waxa ay ku talinayaan inaad soo qaadato bac ay ku jiraan xanuun baabi'iye, dawooyinka shubanka, sahayda gargaarka ee dhaawacyada fudud, gacmo nadiifiyaha iyo waji-xirka.

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Gudashada Xajku wuxuu ka mid yahay shanta tiir ee Islaamka

Tababarka jireed ayaa lagula talinayaa dadka, gaar ahaan kuwa aan u baran inay masaafo dheer u socdaan heerkulka sare.

Xajku waxaa la gutaa dhawr cibaado oo ku baahsan meelo kala duwan oo ku xeeran Maka. Celcelis ahaan, xaajigu wuxuu socon doonaa shan ilaa 13 kilomitir maalintii inta u dhaxaysa goobahaas.

Si loo dhiso adkeysi loona yareeyo khatarta daalka ama dhaawaca, khubarradu waxay ku talinayaan in la bilaabo jimicsiga khafiifka ilaa dhexdhexaadka ah ugu yaraan saddex toddobaad ka hor si uu jirku ula qabsado.

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kulka daran ayaa dhibaato ku keena Xujeyda qaar

La qabsashada kulka daran

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Heerkulka Sacuudi Carabiya wuxuu gaari karaa ilaa 51C. Jirka bini'aadamka, taasi waxay la mid tahay in la hor istaago foorno kulul oo furan oo aan laga baxsan karin.

Kulaylka aadka u ba'an, jirku wuxuu bilaabaa inuu la halgamo si uu isu qaboojiyo, taas oo markaa u horseedi karta dhib ka soo gaarta kulaylka iyo daal.

In kasta oo ay digniinno ka soo baxday wasaaradda caafimaadka Sucuudiga oo ku saabsan in laga fogaado kulaylka iyo in aad biyo badan cabto, haddana xujaaj badan ayaa dhibbane u noqday kulaylka.

Sannadkan, dawladdu waxay sheegtay in ay ballaarisay awoodda shaqaalaha caafimaadka oo ay samaysay 400 oo biyo qaboojiye ah iyo sidoo kale mishiinnada biyaha buufiya si ay xujaajta uga caawiyaan kulaylka.

"Sanadkan, waxaa diiradda la saaray xaaladaha kulaylka la xiriira, sababtoo ah Xajku wuxuu ku soo beegmayaa kulayl aad u daran. Sannadkan heerka kulaylku wuxuu marayaa heerkii ugu sarreeyay," ayuu wasiir ku xigeenka caafimaadka dadwaynaha Sucuudiga,Cabdullaahi Asiri u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Xujaajta waxa lagula talinayaa in ay si joogto ah biyo u cabaan xitaa marka aanay harraadin, halka ay suurtagal tahayna, waxa ay sidanayaan dhalooyin biyaha qaboojiya.

Waqti u qabo hawlahaaga dibadda si aad uga fogaato saacadaha kulaylka ugu sarreeya, kuwaas oo u dhexeeya 11:00 iyo 15:00. Ka fogow meelaha dadku ku badan yahay oo had iyo jeer raadi hadh ama meelo hawo fiican leh.

Kareen ka-hortagga cadceedda oo xaddigiisu yahay 30 ama ka badan waa in la isticmaalo oo dib loo marsado labadii saacadoodba mar si looga fogaado gubashada. Dharka la neefsan karo, midabka iftiinka ah ayaa sidoo kale caawiya inuu jirku qaboojiyo sababtoo ah waxay ka tarjumaysaa iftiinka qorraxda. Kabo hawo fiican leh oo leh taageero weyn ayaa lagula talinayaa.

Dalladaha midabka khafiifka ah ama milicsiga ayaa ka celin kara kulaylka.

Ha illoobin calaamadaha daal, dawakhaad ama lalabbo, sababtoo ah waxay caddayn karaan khatar.

Badqabka meelaha la buuxo

Xajka

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Xajka sanadkii 2024

Meesha ay dadku isugu yimaadaan iyagoo ah tiro aad u badan, khatarta caabuqu way korortaa, nadaafadda oo xunna waxay qufac fudud u rogi kartaa mid faafa.

Si looga hortago cudurrada, xujaajta waxaa lagu dhiirigelinayaa inay si joogto ah gacmaha ugu dhaqdaan saabuun iyo biyo ama ay isticmaalaan gacmo nadiifiyaha.

Maaskarada wejiga ayaa sidoo kale lagula talinayaa si looga fogaado faafinta cudurrada neef-mareenka. Meelo badan oo gudaha ah ayaa qaboojiyaha hawada lagu xiray, markaa waxaa laga yaabaa inaad u aragto wax fudud xirashada maaskarada meelaha qabow.

La soco wixii ku saabsan ogaysiisyada maamulka. Saraakiisha Sacuudiga ayaa sheegay in ay diyaariyeen habab lagu bixinayo digniinaha caafimaadka iyo cimilada inta lagu jiro xaaladaha ugu daran iyo ciriiriga.

Waxaa kale oo lagugula talinayaa inaad haysato kaar ay ku qoran yihiin taariikhdaada caafimaad iyo macluumaadka xiriirka degdega ah mar kasta. Soo ogow meesha tas-hiilaadka caafimaad ee kuugu dhow.