Xajka iyo xilliga kuleylaha: Wax ka ogow waxyaabaha uu Sacuudigu soo kordhiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sacuudi Carabiya ayaa soo gabagabeysay mashruuc dib loogu habeynayo nidaamka biyaha la cabo ee meelaha barakeysan si loogu adeego xujeyda Muslimiinta ah ee badan, taasoo qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu dheellitirayo kulaylka inta lagu guda jiro gudashada waajibaadka xajka ee sanadlaha ah ee ku beegan horaanta bisha soo socota.
Nidaamku wuxuu bixiyaa 2,400 tas-hiilaad biyo qaboojin ah oo ku teedsan waddooyinka inta lagu jiro xilliga Xajka.
Mashruucan waxaa soo saaray Kidana, oo ah madaxa horumarinta goobaha Barakaysan ee Sucuudiga, si loo horumariyo waayo-aragnimada xujaajta inta lagu jiro xilliga Xajka iyo in la yareeyo khatarta fuuq-baxa.
Kidana, oo ka tirsan Guddiga Boqortooyada ee magaalada Makkah iyo Goobaha Barakeysan, ayaa hore ilaa 500 oo marwaxado ka hireglisay Mina, oo qiyaastii lix kilomitir bari kaga beegan magaalada barakeysan ee Makkah.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Rakibaadda biyahan ayaa qayb ka ah mashruuc lagu qaboojinayo waddooyinka ku teedsan Mina, oo daboolaya dhul ka badan 35,000 mitir oo laba jibbaaran.
Sacuudi Carabiya ayaa qaadday tallaabooyin isdaba joog ah oo looga hortagayo kulaylka ba'an inta lagu jiro xilliga xajka. Waxaa ka mid ah in waddooyinka oo lagu daboolay qalabka qaboojinta oo kulaylka yareeya, xoojinta nidaamka ceeryaanka ah iyo qaboojinta hoyga la siiyo xujaajta.
Xajka sanadkan ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee kusoo aada kulaylka xagaaga ee 16-ka sano ee soo socda dalka Sacuudiga.
Ogow qodobadan ka hor inta aadan tagin Sacuudiga
Wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa dhowaan ku dhawaaqday qodobbada Xajka ee laga doonayo xujeyda. Ujeedka qodobbadan ayey wasaaraddu ku sheegtay in ay tahay badqabka xujeyda iyo in ay si fudud oo deggan u gutaan waajiboodkooda Xajka.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa sharraxday qodobbada iyadoo sheegtay in ay ka kooban yihiin ilaa iyo shan qodob:
- Qodobka koowaad waa soo galitaanka Sacuudiga. Dadka fiisaha cumarada haysta ayaa ugu dambeyn loo ogol yahay in ay dalka soo galaan 13kii April.
- Qodobka labaad ayaa ahaa in dadka fiisaha cumarada haysta ay wadanka uga baxaan ugu dambeyn 29-ka April. Labada qodob waxay muujinayaan in dadka fiisooyinka cumrada haysta ay dalka ku soo galaan ugana baxaan bisha April inta aysan dhammaan.
- Qodobka saddexaada ayaa ka hadlayay dadka haysta deganaashaha dalka. Wixii ka dambeeyay 23kii bishii April dadkaas iskama gali karaan magaalada Makkah. Hadii aysan haysan ogolaashaha lagama maarmaanka ah waa loo diidayaa in ay galaan iyadoo lagu celinayo halkii ay markii hore ka yimaadeen. Balse waxaa jira in dadka qaar qodobkan fasaxyo. Dadka ka reeban qodobka saddexaad waxaa ka mid ah dadka haysta aqoonsiga deganaashaha magaalada Makkah, kuwa haysta ogolaashaha shaqo ee goobaha barakeysan iyo dadka soo qaata fiisaha xajka.
- Qodobka afaraad ayaa qeexaya fiisooyinka cumrada ay soo saarto 'Nusuk' in la joojiyay 29-kii April ilaa iyo 10-ka June ee sanadkan. Qodobkan xitaa wuxuu quseeya muwaadiniinta Sacuudiga, kuwa deganaashaha haysta, muwaadiniinta dalalka kale ee Khaliijka iyo cid kasta oo haysata fiiso kale.
- Qodobka shannaad ee ugu dambeeya ayaa ka hadlay sida lagu galayo Makkah. Shaqsiyaadka haysta fiisooyinka xajka ayaa loo ogol yahay in ay galaan magaalda Makkah. Wasaarada waxay ku adkeysay dhammaan dadka in ay si buuxda u raacaan qeynuunadan Xajka si loo xaqiijiyo badqabka iyo ammaanka xujeyda. Cidii jabisa qeynuunadan waxay la kulmeysaa ciqaab dhinaca sharciga ah.













