Xujeyda dawlad deegaanka oo ka cabanaya 'qiimaha xajka ee sannadkan oo aad u badan' maxay tahay sababta

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, Cabdiraxmaan Buux
- Role, Weriye jooga Jigjiga
Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in qiime dhaca lacagta Itoobiya ay saamayn xooggan ku yeelatay lacagta sannadkan lagu aadayo xajka, taas oo noqonaysa laba jibbaar qiimihii sannadkii la soo dhaafay.
Lacagtii ku baxday dadkii gutay waajibaadka xajka sannadkii hore, oo ahayd 329 kun oo Birr ayaa hadda noqon doonta 625 kun oo ah lacagta Birr-ta ee Itoobiya, sida ay shaaciyeen golaha eare ee arrimaha Islaamka ee deegaanka Soomaalida.
Taas ayaa la macne ah in kharashaadka laga rabo qofka gudanaya xajka uu gaadhay halkii ugu sarraysay taariikhda dalka Itoobiya.

Maxaa keenay sare u kaca qiimaha xajka?
Sannadkii la soo dhaafay dawladda Itoobiya waxa ay shaacisay in meesha laga saaray sarrifka xaddidan ee lacagta Doollarka, iyada oo taasi beddelkeeda uu suuqa xorta ahi jaangoyn doono.
Tallaabadaasi waxay dhalisay in lacagta Itoobiya ay wajahdo qiimo dhicii ugu weynaa ee taariikhdeeda, waxayna taasi saamayn ku yeelatay qaybaha kala duwan ee nolosha dadka ku nool Itoobiya. Si gaar ah, waxa ay tallaabadani u saamaysay dadka raba sannadkan in gutaan waajibaadka xajka.
Maxamed Cabdiraxmaan, madaxa arrimaha xajka ee Deegaanka Soomaalida oo BBC-da waraysi siiyay ayaa sheegay in tani ay tahay go'aan ka soo baxay Golaha Sare ee Arrimaha Islaamka Itoobiya, ka dib markii la darsay isku beddelka labada lacagood ee Doollarka iyo lacagta Birr-ta ee Itoobiya.
"Xajku ma aha mid laga xajinayo Itoobiya gudaheeda ee waxa la tagayaa waddan dibadda ah. Sidaa darteed, lacagta xajka lagu aadayo ma aha Birr ee waa Doollar. Arrinatn waxa sabab u ah isbeddelka ku yimid isku sarrifka lacagta Birr-ta iyo Doollarka. Sanandkii hore waxa xajka lagu aadayay 329,000 Birr oo u dhigantay $5772. Halka maanta lacagta la qaadayo ay u dhiganto $4921oo sarrifka maanta noqonaysa 622,014 Birr. Markaas meesha ay dadku wax ka dareemayaan waa lacagtii Doollarkii oo cirka isku shareertay iyo tii Itoobiya oo dhulka tagtay. Laakiin marka la eego nidaamka xajka loo shaqaynayo sannadkan ayay jaban tahay" ayuu yiri.
Golaha Arrimaha Islaamka ee Deegaanka Soomaalida ayaa tallaabadan ku tilmaamay in ay tahay nidaam dawli ah oo ay la qabaan gobollada kale ee Itoobiya.
''Itoobiya waxa ka jira nidaam dawli ah oo xajka qaabilsan ee ma jiraan shirkado loo maro fududaynta hawlaha xajka. Waxa jira xafiis u xilsaaran shaqooyinkan. Waana mid ay ka wada siman yihiin dhammaan Muslimiinta Itoobiya ee gudanaya waajibka xajka. Dhankeenna, waxa aan sannadkan joojinnay lacago khidmad ahaa oo aan saari jirnay dadka isku diwaangelinaya in ay xajiyaan" ayuu sii raaciyey.

Tirada xujeyda ee deegaanka Soomaalida oo hoos u dhici karta
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Inkasta oo xafiiska qaabilsan arrimaha xajka ee deegaanka Soomaalidu uu sheegay in ay kordhiyeen adeeg bixinta dadka raba in gutaan waajibaadka xajka ee sannadkan, isla markaana ay xafiisyo ka furteen magaalooyin hor leh oo ay ku jiraan magaalooyinka Godey iyo Mooyaale, haddana waxa muuqata in sare u kaca qiimaha lagu aadayo xajku uu saamayn doono dad badan oo isku diyaariyey inay aadaan Xamarka Barakasyan.
Asad Sheekh Cabdiraxman iyo qoyskiisa waxa ay ka mid yihiin dadka sanadkan qorshaystay in ay soo gutaan xajka balse uga baaqday sababo la xidhiidha qiimaha laban-laabka ah ee laga rabo in ay bixiyaan. Waxa uu sheegay in markii ugu horraysay uu doonayey in uu la xajiyo aabbihiis iyo hooyadiis, balse tallaabadan ay dawladdu qaaday aanay isaga farxad gelinayn.
"Sannadka oo dhan ayaan ka shaqaynayay sidii aan u raadin lahaa dhaqaale aan xajka ku geeyo waalidkayga, balse markii la gaadhay wakhtigii ayaan ogaannay in la iska rabo lacag laba jeer ka badan middii uu qorshahayagu ahaa. Waa dhacdo nagu abuurtay niyadjab weyn oo saamaysay niyad-wanaaggii aniga iyo qoyskayga" ayaa uu yidhi.
Geesta kale, xafiiska arrimahan qaabilsan ayaa ku dooday in xajku uu yahay waajib saaran cidda awoodda oo keliya, sidaas awgeedna aanay khasab ku ahayn qofkii aan bixin karin lacagta dheeraadka ah ee sannadkan lagu aadayo xajka, waxaana uu intaasi raaciyay in la joojiyay lacago dheeraad ah oo la saari jiray dadka tagaya xajka oo hore walaac xooggan looga muujiyay, sida uu sheegay Maxamed Cabdiraxmaan, madaxa arrimaha xajka ee deegaanka Soomaalida.
Deegaanka Soomaalida ayaa muddo dheer ahaa meelaha ugu jaban ee dadka ka xajiyaan marka loo barbar dhigo deegaannada kale ee Soomaalida. Hase yeeshee wax ka beddelka sanandkan lagu sameeyay qiimaha xajka ayaa noqonaya mid aan wax badan ka duwanayn xujeyda ka tagaysa Soomaaliya.













