Lix sababood oo ka danbeeyay dhimashadii tirada badnayd ee xujayda sanadkaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
Gudashada waajibkaadka Xajka ayaa sanad walba waxaa dalka Sacuudiga u taga xujay aad u tiro badan oo ka kala imaanaya wadamada Caalamka.
Waxaa marka la eego tirooyinka ay soo gudbiyeen ilaa toban wadan iyo diblumaasiyiin ku howlan baadigoobka dhibanayaasha xajka, tirada dhimashadu gaarsiisan tahay 1,096 xaaji, iyadoo sababa inta badan aan la cayimin, sida ay sheegtay wakaalada wararka AFP.
BBC-du way awoodi wayday inay si madaxbanaan u xaqiijiso tirada dhimashada xujeyda sanadkan.
Waxaan isku daynay inaan la xiriirno mas’uuliyiinta Sacuudiga labo jeer: markii koowaad 19-kii Juun, iyo marlabaad oo ah 20-kii June, si aan uga faalloonno tirada dhimashada ee lagu sheegay warbixinnada warbaahinta iyo dhaleeceynta hay’adaha, balse ma aannu ka helin jawaab rasmi ah.
Inkastoo tirada dhimashada ay jirto, Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku dhawaaqday inay ku guuleysatay qorshaheeda caafimaad ee sanadkan xajka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Wasiirka caafimaadka Sacuudiga Fahad Al-Jalaajel ayaa sheegay inuu xajku ahaa mid xor ah “ aysana jirin wax cudurada faafa ama khatar caafimaad”, inkastoo tirada xujeydu badneed sanadkan, iyo caqabadaha la xiriira heerkulka sare."
Maamulka Sacuudiga ayaa sanadkan tirada xajka gudanaysay ku sheegay inay dhammaayeen 1.83 milyan oo xujey ah, oo 1.6 milyan ay ka yimaadeen dalka dibaddiisa.
BBC-da ayaa isku dayday inay ogaato sababaha keenay dhimashada tirada badan ee xujeyda sanadkan.
Kulayl xad dhaafa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kuleylka aadka u darnaa ee ka jiray dalka Sacuudiga oo heerkulkiisu gaaray 51.8 darajo Celsius, ayaa la rumeysan yahay inay ka mid ahayd sababihii ugu waaweynaa ee keenay dhimashada tirada badan ee xujeyda sanadkan.
Wasaaradda caafimaadka Sacuudiga ayaa hore uga digtay xujeyda cawaaqib xumada ka dhalan kartay haddii ay la kulmaan qorraxda iyo kulaylka daran, waxayna kula talisay in ay cabbaan xaddi ku filan oo biyo ah balse iyadoo ay taasi jirto ayaa xujey badan waxa ay la kulmeen daal iyo kulayl.
Diblomaasi carab ah ayaa sheegay in 658 xujay Masaari ah ay geeriyoodeen, isaga oo ku sababeeyey kulaylka xad dhaafka. Inta badan dadkaasi waxaa ka maqnaa adeegyadii loogu talagalay xujeyda caadiga ah, taasoo u diiday inay helaan taageeradii loo baahnaa.
Iyadoo la hadlaysay BBC-da, Caisha Idris, oo u dhalatay dalka Nigeria, kana mid ahayd xujayda ayey tiri “Ilaahay naxariistiisa iyo wax kaleba, weli waan noolahay. Kulaylku wuxuu ahaa mid aad u daran oo aan la rumaysan karin."
Caa’isha waxa ay intaa ku dartay: “Waxay xidheen dhammaan albaabadii Kacbada soo galayay, markaa waxa ay noqotay in aanu gabaad ka dhigno saqafka sare ee uu kulaylku aad u daran yahay”.
“Waxaan isku dayay inaan cadceedda dallad iskaga ilaaliyo , anigoo ku waraabanaya biyaha barakaysan ee Zamzam. Waxaan filayaa in aan mar uun ku sigtay in aan xanuunsado, balse mid ka mid ah xujaajta ayaa i caawiyay oo dallad i siiyay. Runtu waxa ay tahay in aanan filaynin kulaylkan xad dhaafka ah.” ayay tiri haweeneydaan.
Wiil ay dhashay mid ka mid ah haweenkii sanadkan ku dhintay Xajka oo la hadlay BBC-da ayaa yiri: “Xiriirkii hooyaday ayaa si lama filaan ah u lumay. Maalmo ayaan raadinaynay, ka hor inta aanan ogaanin in ay geeriyootay intii ay ku guda jirtay Xajka”.
Wuxuuse wiilkan u sheegay BBCda in hooyadii ay u sheegtay “inay rajaynayso in lagu aaso Makkah”
Saxmad xad dhaafa ah iyo dhibaatooyinka la xiriira nadaafadda

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iyadoo laga duulayo marqaatiyo badan, maamul xumada maamulka Sacuudiga ayaa xaalada uga sii dartay, taasoo keentay xiisado badan oo ka dhacay meelo badan oo loo qoondeeyay xujayda.
Goob joogayaal ayaa ka hadlay sida xun ee loo maamulay meelaha lagu hoyanayey iyo tasiilaadka kale iyagoo sheegay in teendhooyinku ay arkayeen inuu ka jiray cidhiidhi badan, uusana jirin qalab ku filan oo qaboojiyaal ah iyo fayadhowrka.
Aamina, ma aha magaceeda saxda ah, waa 38 sano jir Pakistaniyad ah waxay u sheegtay BBC da “Ma jirin qaboojiyayaal teendhooyinkeenna ku jiray. Waxaa jiray dad ku neef qabatimoobay teendhooyinka”
Fowsiyo, waxay ahayd xaajiayd ka timi Jakarta, waxay sheegtay in qaar badan oo ka mid ahaa dadkii ay la dhaceen daal sababta oo ahayd ciriiriga iyo kulayka ba’an ee ka jiray gudaha teendhooyinka
Dhibaatooyinka gaadiidka

Xigashada Sawirka, Getty Images
Xujaajta ayaa sidoo kale lagu qasbay inay masaafo dheer lugeeyaan iyadoo uu jiray kulayl aad u daran.
Dad badan ayaa dhibaatadan u sababeeyay isbaarooyin yaalay waddooyinka, iyo sidoo kale habacsanaan dhanka howlaha gaadiidka xujeyda ah.
Xaajiyad Pakistani ah, oo codsatay inaan magaceeda la xusin, ayaa tidhi, “Waxay na saareen waddo toddoba KM ah oo aan lahayn biyo iyo dallado naga celiya kulaylka qorraxda. Booliisku waxa ay dhigteen isbaaro wax lagu baaro, markaa waxa aanu isku aragnay in aanu lug ku galnay masaafo dheer oo aan loo baahnayn”.
Waxay u sheegtay BBC-da: “Xeryaha dhexdooda, xujaajta waxaa looga tagay sidii iyagoo digaag ama xoolo beer ku jira ah. Ma jirin meel bannaan oo sariiraha u dhaxaysa oo lagu wareego. Ma jirin musqulo ku filan.”
Xujay ku timi sifo an caadi ahayn
Si loo guto xajka waa in la helaa fiisaha xajka. Balse dadka qaarkood ayaa doonaya in ay soo gutaan waajibaadka Xajka iyaga oo aan helin fiisahaan, inkastoo ay digniino ka soo baxeen maamulka Sacuudiga oo ku aadan cawaaqib xumada ka dhalan karta arrintan.
Maadaama aysan si rasmi ah u diiwaan gashaneyn, waxay ka taxadaraan inay la soo xiriiraan maamulka xilliyada adkaa iyagoo ka baqaya in la kashifo, sidaas darteedna waxaa meesha ka baxday inay helaan taageero wakhtiyada ay u baahan yihiin.
Dhibaatadan, ayaa dad badani aaminsan yihiin inay ka qayb qaadatay kororka tirada dhimashada ee xilliga Xajka ee sanadkan.
Maamulka Sucuudigu waxay ku eedeeyaan "xujaajta aan caadiga ahayn" ee aan kor ku soo xusnay inay dhaliyeen ciriiriga teendhooyinka.
La-taliyaha Guddiga Xajka iyo Cumrada ee heer Qaran Sacad Al-Qurashi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in xujeyda aan caadiga ahayn aysan haysan kaararka saxdaa ee lagu gudanayey cibaadada sidaas darteena ana loo ogolayn melaha cibadada ee ay galayeen xujaajta caadig ah.
Xujaaj waayeel ah, tabar darran ama bukay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Waxa laga yaabaa in sababaha tirada badan ee sannad kasta u dhintaan xujeyda ay ka mid tahay in qaar badan oo ka mid ah ay da’ yihiin, lagana yaabo in ay sannado badan ku bixiyeen in ay kaydsadaan kharashaadka xajka.
Dad badan oo Muslimiin ah ayaa jeclaan lahaa in ay ku dhintaan gudashada waajibaadka xajka oo lagu aaso meelahaas barakeysan.
Maxaa dhacaya haddii qofku ku dhinto xajka?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hadii xaajiga ama xaajiyadu ay geeriyoodaan iyadoo gudanaya waajibaadka xajka, waxaa la ogaysiinayaa ergada xajka. Aqoonsiga xaajiga waxa lagu gartaa kaarka aqoonsiga ee ugu xiran gacanta ama luqunta. Shahaadada ayaa markaa laga soo qaadanayaa dhakhtarka, ka hor intaanay maamulku bixin shahaadada dhimashada.
Salaadda Janaasada ayaa lagu tukadaa masaajido waaweyn sida Masjidka weyn ee Maka, ama Masjidka Nabiga ee Madiina. Meydka marxuumka ayaa la dhaqaa, la daboolaa, waxaana loo gudbiyaa qolka meydadka ee ay diyaariyaan mas’uuliyiinta Sacuudiga, kaasoo bixinaya dhammaan kharashaadka.
Intaas waxaa lagu aasaa qaburaha, waxaa jira buugaag ay ku qoran yihiin magacyada dadka la aasay iyo meelaha ay ku aasan yihiin, si ay qoysasku u helaan eheladooda oo ay u soo booqdaan haddii ay rabaan.
Iyadoo la kaashaneysa Bisha Cas iyo ururada kale, dowladda Sacuudiga waxay hubisaa in la ilaaliyo sharafta dadka dhintay.













