Magaalada 30 ka dib looga fariistay imtixaanka qaran iyo macalimiinteeda qaar oo dareenkooda ka hadlay

Xigashada Sawirka, Social Media
Sanadkan imtixaanka dugsiga sare wuxuu meelo ka mida Soomaaliya u lahaa taariikh iyo tijaabo adag oo ay galayaan. Deeganaadaas waxaa ka mid degmada Ceeldheer oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee dowlad goboleedka Galmudug.
Magaaladan oo leh hal iskuul, ayaa saaka ardayda dhigata dugsigaas waxay u fariisteen imtixiaanka qaranka markii ugu horeysay muddo 30 sano ka baan, sida ay sheegtay dawladda Soomaaliya.
Ceeldheer ayaa waxaa muddo dhawr iyo toban sano ah maamulayay ururka al Shabaab, waxaana laga xoreeyay laba sano ka hor.
Ardeyda ayaa saaka u kala fariistay labo itixaan oo kala ahaa midka dugisga sare ee fasalka afaraad iyo midka dugsiga dhexe fasalkiisa siddeedaad.
Iskoolka Ceeldheer ayaa waxaa dhigta sida mid ka mida macaliliinta u sheegay BBC da ilaa 200 arday oo dhigta dugsiyada hoose, dhexe iyo kan sare.
Tirada ardayda u fariistay intixaanka shahaadiga ee fasalka afaradad ee dugsiga sare ee Ceeldheer ayaa dhan 12 arday oo shan ka mid ah ay gabdho yihiin.

Xigashada Sawirka, SOCAIL
Mid ka mid ah macalimiinta waxbaray ardeydaas oo BBC da la hadlay ayaa sheegay in farxad wayn ay u tahay in ay fursadaan u helen ardeydooda oo ay aad u gu dadaleen in ay waxbaraan.
“Ardayda waxaan galinayey waqti ka badan xilliyada waxbarashada ee meelaha qaar sababtoo ah waxaan u diyaarinayey inay muddo labo sano ka dib xorreynta degmada ay intixaanadka galaan, marka waxaanba rajaynayanaa inay kaalimo sare ka galaan” ayuu yiri macallinka iskoolka Ceeldheer.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Macallinka ayaa sidoo kale BBC-da u sheegay in ardaydu ay u sheegeen markii ay intixaanka ka soo baxeen inay “u arkeen imtixaan si wanagsan ay fahmeen ayna ku faraxsanaayeen”.
Wasiirka waxbarashada Galmudug, Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa BBCda u sheegay in maamulka Galmudug ay guul weyn ugu dhigan tahay in deeganadii laga xorreeyey al-shabaab ay waxbarasho gaarsiiyeen.
“Runtii waa iftiin iyo horumar waxbarasho in maanta ilmihii joogay Ceeldheer ay galeen intixaankii shahaadiga ahaa, wixii kale ee baahiya ah ee wali ka jirana waa la gaarsiinayaa sida dayactirka iskoolada, agabkii waxbarashada, iyo macallimiina loo dirayo” ayuu yiri wasiir Dhoore.
Wasiir Dhoore oo ka jawaabayey Su’aal BBC-du waydiisay oo ahayd sida ay ardadan ula qabsan karaan intixaan shahaadi ah oo aysan mudddo dheer waxba ku soo dhiggan hanaankan ayuu yiri; “Ardaydu intixaankaas waa u diyaarsan yihiin, waana qaateen maadooyinka ay intixaanku ay ku galayaan, horena meesha waxbarasho ay dalado wadeen ayaa ka jirtay”.

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALI
Dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa maanta dalka ka daahfurtay Imtixaanka shahaadigaa ee dugsiga sare fasalkiisa afaraad kaas in ka badan 37,000 arday ay u fariistaan maamulada dalka iyo Muqdisho marka laga reebo Puntland.
In ka badan toddobo boqol iyo soddon iskool ayaa ka qayb galaya imtixaanaadkan oo socon doono muddo afar maalmood ah.
“Maanta waa maalin weyn oo mudnaan gaara u leh dalka, waxbarashadu waxay la ahmiyad tahay amniga, maalmaha intixaanku socdana waa in dhammaanteen aan askar u ahaano wasaaradda waxbarashada oo an kala shaqayno sidii intixaanku guul ugu soo dhammaan lahaa” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo si rasmi ah u daahfuray intixaanka.
Wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa sheegay in dhan walba ay diyaar ugu noqdeen hirgalinta intixaanka.
Dhanka kale, wasiirka waxbarashada Galmudug ayaa xusay in uu rajaynayo in Galmudug iyo dowladda Federalka Soomaaliya ay mudnaan dheeriya oo ka duwan ardada kale la siiyo ardayda degmada Ceeldheer, maadaama waqti dheer ka dib u fariisteen inixtaan Qaran.
Asad Abuukar Wardheere, oo ka mid ah kormeerayaasha imtixankanayaa BBC da u sheegay in ardayda Ceeldheer ay ka muuqatay inay u hamuun qabeen inay imtixaanka u fariistaan.
“Dareenka ardaydu aad ayuu u kacsanaa...waxaa ka dareemi kartaa, arday rabitaan badan ka muuqdo inay waxbartaan horumar gaaraan,” ayuu yiri Asad.
Degmada Ceeldheer, ayaa labo sano ka hor gashay gacanta maamulka Galmudug ka dib dagaal ay ciidamada dowladda federalka iyo maamulka ku qadeen degmadaas oo muddo dheer ay maamulayeen ururka al-shabaab, balse waxa jiro tiro weeraraa oo ay alshababa ku soo qaadeen fariisimo ciidanku halkaas ku leeyihiin.













