Dil aad looga argagaxay oo loo tiirinayo aano qabiil oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Ku soo dhowaada tebinta tooska ah ee BBC Somali

Kooban

  • Madaxweynaha Kenya oo dibadbaxayaasha ku ballansaday X Spaces
  • Rag hubeysan oo arday ku afduubtay Itoobiya
  • Rishi Sunak oo iska casilay xilka raysal wasaaraha UK
  • Xisbullah oo weerar aargoosi ah ku qaadday Israa'iil kadib dilkii taliyaheeda sare
  • Ku dhowaad 100 meydadka muhaajiriin laga soo saaray Badweynta Atlaantikada
  • Goorma ayuu bannaynayaa kursiga Raysalwasaarihii hore ka cusubna iman doonaa?
  • Maxaa helay xisbigii hayey tallada UK ee Conservativeka oo si daran loo diray
  • Ninkii hore u hoggaamin jriey xisbiga shaqaalaha oo isla xisbigiisii ku garaacay doorashada UK
  • Doorashadii UK oo lagu kala baxay iyo Xisbigii oommanaa 14 sano oo guulaystay

Tebin toos ah

  1. Tobaneeyo ayaa geeriyooday garoon kubbadda cagta lagu dheelo dalka Guinea

    isboorti

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan 56 ayaa ku dhintay kaddib markii ay isbuurteen dadweyne ciyaar ka daawanayay garoon kubbadda cagta lagu dheelo oo ku yaal magaalada ugu weyn dalka Guinea ee Nzérékoré, sida ay dowladdu sheegtay.

    Raysalwasaare Mamadou Oury Bah ayaa sheegay in dadka oo isbuurtay ay keentay in tiro badan ay wax soo gaaraan, wuxuuna ku baaqay deganaan.

    Dhakhtar aan dooneyn in magaciisa la sheego ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in tiro badan oo meydad ah ay indhahiisu qabteen.

    “kuwa kale ayaa yaalay dhulka, qeybta meydka la dhigo waa buuxeen”, ayuu yiri dhakhtarka.

    Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in boolisku adeegsadeen suntan dadka ka ilmeysiiso kaddib markii taageerayaasha naadiga martida ahaa Labe ay dhagxaan ku tureen garoonka iyagoo ka careysan garsooraha.

    Muuqaallo la soo dhigay baraha bulshada ayaa lagu arkayay inta ay la egtahay dhibaatada ka taagneyd dibadda garoonka. Sidoo kale waxaa lagu arkayay dad fuulaya darbiga garoonka iyo meydad. Inkastoo muuqaaladaas baraha bulshada la dhigay, hadana BBC-da ma xaqiijn karto.

    Wariye ku nool magaalada ayaa BBC-da u sheegay in internet-ka gobolka xayiraad la saaray, booliskuna waxay ilaalo ka hayaan albaabka laga galo isbitaaalka halkaas oo lagu daaweynayo dadka dhaawaca ah.

    “Waxaan arkay lix ka mid ah gawaarida booliska oo la dhigay saddex meel oo laga galo isbitaalka. Shaqaalaha oo kaliya ayey u ogolaadeen in ay gudaha isbitaalka galaan iyadoo inta kale loo sheegayay in ay dib u laabtaan”.

    Baaris ayaa la bilaabay lagu ogaanayo kuwa ka dambeeyay shilka. Raysalwasaare Bah waxa uu u tacsiyeeyay qoysaska dhibanayaasha.

    Kumanyaal ayaa garoonka joogtay, waxaana la sheegay in ciyaartaas ay qeyb ka aheyd xuska madaxweyne Mamady oo xukunka dalka afgembi ku qabsaday bishii sebtamber ee sanadkii 2021-kii

  2. Dab ka kacay qeyb kamid ah baarlamaanka Kenya

    .
    Qoraalka sawirka, .

    Boqolaal qof oo kamid ah dibexbaxayaasha dalka Kenya ayaa gaaray goob u dhow baarlamaanka waddanka,

    Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsaday mudaaharaadayaasha, kuwaas oo ka soo hor jeeda hindise-sharciyeed cusub oo dowladda Kenya ugu kordhineyso canshuuraha.

    Xildhibaanada ayaa maanta ka doodayay qorshahan muranka badan dhaliyay.

  3. Roob saacado badan da’ayay oo burbur u geystay qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho

    Wadada 21-ka Oktoobar
    Qoraalka sawirka, Wadada 21-ka Oktoobar

    Saacadihii la soo dhaafay roob xoog leh oo ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa keenay in ay go’aan wadooyin dhawra, waxana culeys weyn ku yimid isu socodka gaadiidka dadweynaha.

    Wadooyin badan ayuu roobku biyo dhigay, halka kuwa kale uu burbur u geystay.

    Qiimaha lagu raaco gaadiidka ayaa kordhay, waxana yar gaadiidka dadweynaha ee shaqeynaya.

    Imtixaanaadka dugisyada sare ee socda ayaa saacad dib loo dhigay magaalada Muqdisho roobka da’aya dartiis.

    Suuqyada waaweyn iyo mehradaha ganacsiga ayaa badidood xirnaa maanta, lamana soo werin khasaare nafeed oo ka dhashay roobka da’aya.

  4. Masar oo shatiyada kala laabatay 16 shirkaddood oo ah kuwa sanad kan la siiyay fududeynta arimaha xujeyda Masaarida

    Kacbada oo xujeydu dawaafayaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Kacbada oo xujeydu dawaafayaan

    Masar ayaa shatiyadii kala laabatay 16 shirkadood oo la siiyay hawllaha xajka ee sanad kan, waxana loo gudbiyay kiiskooda xafiiska xeer ilaalinta qaranka, iyadoo lagu eedeynayo in ay masuul ka ahaayeen dhimashada xujeyda Masar ku soo gaartay magaalada Maka.

    Illo dhinaca caafimaadka iyo amniga ah ayaa sheegay in ugu yaraan 530 masaari ah ay dhinteen intii lagu jiray xiliga xajka ee sanad kan magaalada Maka, halka kooxda loo saaray arintan ay sheegeen in 31 qof la xaqiijiyay geeridooda kuwaas oo u dhintay xanuuno daran.

    Shirkaddahan oo fududeynayay socdaalka dadka dhintay ayaan wax adeeg ah oo caafimaadku ku jiro aan siinin sida warbaxinta lagu sheegay, in kastoo aan la magac dhabin shirkaddaha ku lugta leh kiiskan.

    Shirkaddahan ayaa lagu eedeeyay in xujeyda ay ku direen dal ku gal booqasho Sucuudiga ah, halkii ay u soo saari lahaayeen dal ku galka xajka ee u fududeyn lahaa gaaritaanka magaalada Maka, halkaas oo ah meesha acmaasha xajka lagu sameynayo.

    Adeegyada caafimaad ee masuuliyiinta Sucuudigu bixinayeen waxa la siinayay kaliya dadka wata dal ku galka xajka, lamana siineyn dadka wata dal ku galka booqashada gaarka ah.

    Xujeyda dhimatay ayaa lugeynayay buurraha lama dagaanka ah ee ku teedsan Maka, si ay uga fogaadaan in la xiro ama la musaafuriyo, sida warbixinta lagu sheegay.

    Masuuliyiinta Masar waxa kale oo ay sheegeen in shirkaddaha socdaalka aanay bixin adeeggii loo baahnaa, iyagoo intaa ku daray in taasi sababtay dhibaatada gaartay xujeyda oo heer kulkuna uu aad u sarreeyay.

    Masuuliyiinta Masar waxay diiwangaliyeen dhimashada 31 kamid ah xujeyda masaarida ee diiwaan gashanaa, kuwaas oo u dhintay xanuunno aad u daran.

    Inta badan kuwa dhintay ayaan diiwaan gashaneyn, sida warbixinta lagu sheegay.

    Dhawaan boqollaal qof oo ka kala yimid wadamo kala duwan ayaa u dhintay xaaladdaha xajka ee sanad kan, halkaas oo heer kulku gaaray 51 degree.

  5. Maroodi dilay haweeney Maraykan ah oo ku tamashleynaysay wadanka Zambia

    Saraakiisha Zambia ayaa kula taliyay dalxiisayaasha in ay taxadar gooni ah qaataan xiliyada ay tagayaan goobaha xayawaannada halista ah joogaan

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Qoraalka sawirka, Saraakiisha Zambia ayaa kula taliyay dalxiisayaasha in ay taxadar gooni ah qaataan xiliyada ay tagayaan goobaha xayawaannada halista ah joogaan

    Haweeyney dalxiise ah oo ka timid gobolka New Mexico ayaa waxa dilay Maroodi, kaddib markii gaarigii ay la socdeen ay weerarreen koox moroodiyaal ah dhulka keynta ah ee wadanka Zambia Arbacadii la soo dhaafay.

    Maroodiga ayaa weerar ku qaaday Juliana Gle Tourneau oo 64 jir ah markii ay gaariga ka dagtay, sida saraakiisha wadankaasi sheegeen.

    Ms Tourneau ayaa la socotay koox kahor inta aanay istaagin buundada Livingstone sababo la xiriirra ciriiri ka jiray wadada taasoo ay sababeen maroodiyaal badan oo jidka marayay, kaas oo mid kamid ah uu weerarka geystay sida sarkaal boolis ah u sheegay warbaahinta qaranka Zambbia ee ZNBC.

    Tan ayaa noqonaysa dhacdadii labaad ee uu ku dhinto qof Maraykan ah oo dalxiise ah Koonfurta Qaarada Afrika sanad kan.

    Gail Mattson oo 79 sano jir ahayd kana timid gobolka Minnesota ayaa ku dhimatay beerta qaranka ee Kafue oo ku taala Zambia. Dhacdadaas ayaa maroodigu weerrary gaariga ay la socdeen kooxdan, waxana halkaas ku dhimatay Mattson, waxana ku dhaawacmay shan kale.

    Zambia ayaa noqotay dalka ugu khatarta badan dhimashada ay geystaan maroodiyaasha sanadahan dambe.

  6. Dil aad looga argagaxay oo loo tiirinayo aano qabiil oo ka dhacay gobolka Galgaduud

    Sawir oo hore duleedka Dhuusamareeb

    Xigashada Sawirka, Cabdullahi Warsame Rooble

    Qoraalka sawirka, Sawir oo hore duleedka Dhuusamareeb

    Warrarka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in dil aad u foolxun uu xalay ka dhacay tuulo la yiraahdo Bulacle oo kamid ah deegaannada hoostaga degmada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

    Rag hubbeysan ayaa la soo weriyay in ay u dhaceen guri uu daganaa macalin dugsi quraan, waxayna halkaas ku dileen macalinka iyo xaaskiisa oo ahaa aroos dhawaan gal ah sida uu BBC-da u sheegay Daahir Cabdulle Jalaqle oo ay walaalo yihiin marxuumka la dilay.

    Lama oga sababta ka dambeysa dilka macalinka iyo xaaskiisa, laakiin sida aan ka soo xiganay dad kala duwan oo ku sugan gobolka, waxa loo tirinayaa aano qabiil oo in dhawaalaba ka taaganayd deegaannadaasi.

  7. Israel oo duqeyn ku dishay 42 qof magaalada Gaza

    gaza

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Ugu yaraan 42 qof ayaa ku dhintay waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan

    labo weeraro oo cirka ah ayey Israel ku qaaday dhisme ku yaal magaalada Gaza sida ay sheegtay Xamaas.

    Ciidamada Israel waxay sheegeen in ay duqeeyeen dhismo ay leeyihiin militeriga Xamaas, waxayna sheegeen in faahfaahinta ay dib ka soo sheegi doonaan.

    Afhayeen u hadlay kooxaha gurmadka Gaza ayaa sheegay in dhismo deegaan ah oo ku yaal xaafadda Al-shadi dhowr jeer la duqeeyay. Duqeymaha kale waxaa lagu beegsaday guryo ku yaal degmada Al-tufaax sida ay sheegeen warbaahinta Xamaas.

    Muuqaallo laga duubay goobta ayaa lagu arkayay dad dhaawac ah oo la sido iyo baadigoobka in cid badbaaday. Warar markii hore soo baxay waxay ku qiyaaseen dhimashada 42 qof.

    In ka badan 37,551 ayaa lagu dilay Gaza ilaa markii uu bilowday dagaalka. Tiradaas kalama saareyso rayidka iyo kuwa dagaallamayay balse waxaa la sheegay in 14,680 ay yihiin carruur, haween iyo waayeel.

  8. TikTok ayaa xaqiijisay in ay u ogolaatay Mareykanka in uu ka damin karo gudaha dalkiisa

    Tiktok

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Shirkadda TikTok waxay u ogolaatay Mareykanka in ay damin karaan bartooda hadii sharci- dajiyayaasha dalka ay doonayaan in ay wax ka qabtaan arrimo la xiriira ilaalinta xogta ama ammaanka qaranka.

    Waxay u sameysay “Amarka dami” kaas oo ay soo saartay 2022-kii markii uu bilowday dagaalka dhanka sharciga ee u dhexeeya shirkadda iyo dowladda Mareykanka.

    Sharci ayaa loo soo saaray sababo la xiriira walaac uu Mareykanka ka qabay shirkadda oo ah in xogta macaamiisha Mareykanka in ay la wadaagaan dowladda Shiinaha taas oo ah eed ay shirkadda beenisay.

    TikTok iyo ByteDance oo ah shirkadda leh waxay maxkamadda ka dalbadeen in ay ka laabtaan sharciga.

    TikTok waxay sheegeen in farsamadan ay dowladda u ogolaaneyso in awood cad oo dowladeeda ay kaga joojiso bartooda Mareykanka hadii aysan u haggaansamin qeynuuno cayimin.

    Qoraalka qabyada ee heshiiska amniga qaranka oo ay soo jeedisay TikTok bishii Agoosto ee 2022-kii ayaa dhigaya in shirkadda ay raacdo qeynuuno ah in ay xaqiijiso in ByteDance aysan awood u helin xogta macaamiisha Mareykanka.

    Dowladda ayaa adeegsaneysa “Amarka dami” hadii shirkadda jabiso heshiiska

  9. Ololaha doorashada Rwanda ayaa bilaabmay

    Rwanda

    Xigashada Sawirka, THE NEW TIMES RWANDA

    Qoraalka sawirka, Bidix:Paul Kagame, Frank Habineza, iyo Phillipe Mpayimana.

    Ololaha rasmiga doorasada Rwanda ayaa maanta oo sabti ah ka bilaabmay dalka. Wadanka ayaa isu diyaarinaya doorashada madaxweynaha iyo tan baarlamaamka.

    15ka bisha July waxay dadka kala dooranayaan saddax musharax oo ku tartamaya doorashada madaxweynaha. Waxay kala yihin musharaxiinta, madaxweynaha hadda xilka haya Paul Kagame, Frank Habineza iyo Phillipe Mpayimana.

    Dadka isu diwaangeliyay in ay codeeyaan ayaa gaaraya 5 milyan.

    Sida laga soo xigtay guddiga doorashada Rwanda, shan boqol oo musharax ayaa loo ogolaaday in ay u tartamaan sideetan kursi.

    Toddobaadyada soo socda siyaasiyiinta waxay tagi doonaan dhowr goobood oo dalka ah si ay siyaasadooda uga gadaan dadka una helaan taageero.

    Madaxweyne Kagame oo xukunka hayay ilaa 20 sano ayaa doonaya in uu soo laabta markii afaraad. Waxaa lagu amaanaa in dalka uu nabad ka dhigay inkastoo lagu dhaliilo in uu aamusiyay cododka mucaaradka taas oo ah eed uu beeniyo.

  10. Ruushka ayaa weerar weyn ku qaaday kaabayaasha tamarta Ukraine

    ukraine

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Waa markii sideedaad ay Ruushku weeraraan kaabayaasha tamarta Ukraine saddexdii bilood ee la soo dhaafay sida ay sheegtay wasaaradda tamarta Ukraine.

    Nidaamka difaaca cirka ayaa soo riday 12 ka mid ah 16 gantaal iyo dhammaan drones-kii ay Ruushku ku soo weerareen dhowr gobol xilli habeen ah sida ay sheegeen ciidamada cirka Ukraine.

    Labo ka mid ah shaqaalaha korontada oo dhaawac ahaa ayaa loo qaaday isbitaalka gobolka Zaporizhzhia. Sidoo kale waxay waxyeelo soo gaartay warshad koronto oo ku taal magaalada galbeedka Lviv.

    Mas’uuliyiinta gobolka koonfureed ee Ivano-Frankivsk waxay sheegeen in sidoo kale ay waxyeelo soo gaartay guryo iyo xanaanada carruurta.

    Ruushka waxay dib u bilaabeen weerarooda xarumaha tamarta Ukraine taasna waxay keentay in korontada ay joogto u go’do.

    Volodymyr Zelensky ayaa dhawaan sheegay in Moscow ay burburisay kala bar awoodi korontada dalka ilaa markii ay bilowday in ay duqeyso xarumaha tamarta bishii March. Weerarkii xalay waa kii labaad oo lagu qaado xarumaha tamarta toddobaad gudahiis.

    Khamiisti waxay Ukraine sheegtay in 7 shaqaale ah ay ku dhaawacmeen warshad koronto oo la duqeeyay.

  11. Qoyska ugu taajirsan UK oo lagu helay in ay dhiigmiirteen shaqaalihii gurigooda

    Qoyska ugu taajirsan UK

    Xigashada Sawirka, SHUTTERSTOCK

    Afar ka mid ah qoyska ayaa lagu xukumay xabsi kaddib markii shaqaale ay ka keeneen Hindiya oo uga shaqeynayay gurigooda Geneva ay dhiigmiirteen.

    Maxkamad dalka Switzerland ku taal ayaa Prakash iyo Kamal Hinduja, wiilkooda iyo sidoo kale xaaskiisa Namrata ku heshay dambi ah shaqaaleysiin aan sharci aheyn iyo ka faa’ideysi dad. Waxaa lagu xukumay inta u dhexeysa afar sano ilaa iyo afar sano iyo bar.

    Qareenada difaacayay ayaa sheegay in ay racfaan ka qaadanayaan xukunka maxkamadda.

    Saddex ka mid ah shaqaalaha oo laga keenay Hindia ayaa la sheegay in ay 18 saac ku shaqeynayeen 8 doolar taas oo ka yar toban meelood meel inta qeynuunka dalka uu ogol yahay. Sidoo kale waxaa laga qaatay baasaboorada.

    Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay qoyska oo haysta hanti lagu qiyaasay 41 bilyan oo doolar in ay mar dhif ah u ogolaadaan in ay ka baxaan guriga oo ku yaal xaafadda dadka hodanka deggan yihiin ee Cologny.

    Inta ay maxkamadda socotay waxay dacwad oogayaasha ku eedeeyeen qoyska in ay eygooda siiyeen waqti ka badan inta ay siiyaan shaqaalaha guriga.

    Qoyska Hinduja waxay leeyihin shirkad caalami ah oo ka shaqeysa ganacsiga shidaalka iyo bangiyada.

  12. ICRC oo sheegtay in 22 qof ay ku dhinteen kaddib markii la duqeeyay meel u dhow xafiiskooda Gaza.

    gaza

    Xigashada Sawirka, afp

    Hay’adda ICRC ayaa sheegtay in xafiiskeeda Gaza la duqeeyay iyadoo ay ku dhinteen 22 qof oo duqeynta halkaas ka galay dueynta.

    Hay’adda waxay sheegtay in dhammaan qeybaha dagaallamaya ay taxadaraan si looga fogaado in rayidka waxyeelo loo geysto iyo xarumaha bani’aadannimada.

    Afhayeen u hadlay ciidamada Israel ayaa u sheegay wakaaladda wararka AFP in baaris hordhac ay muujineyso in goobtaas aan la weerarin balse ay eegayaan.

    Weerarka ayaa sababay in burbur soo gaaro xafiiska ICRC oo hareerahiisu deggan yihiin boqolaal rayid barakacayaal ah oo ku nool teendhooyin iyo shaqaale hay’adda u shaqeynayay oo halkaa deganaa sida ay sheegtay ICRC.

    “Weerarka waxa uu sababay waxyeelo balaaran. 22 ayaa geeriyootay 45 way dhaawacmeen, waxaana jira warar sheegaya in tirade ay intaas ka badan tahay”

    Wasaaradda caafimaadka Gaza waxay sheegtay 25 dhimasho ah iyo 50 dhaawac ah waxayana ku eedeysay Israel.

    Dhanka kale, xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka digay in dagaalka u dhexeeya Israel iyo Xisbullah uu horseedi karo musiibo ka dhacda gobolka iyo meelo ka baxsan.

    Mr. Guterres waxa uu ku eedeeyay labada dhinac in ay dagaalka hurinayaan, waxa uuna ugu baaqay in ay dajiyaan xaaladda.

  13. Meydadka muhaajiriin kasoo safray Turkiga oo laga soo saaray badda Talyaaniga

    Talyaaniga

    Xigashada Sawirka, SOCIAL

    Waxaa jira siddeed carruur ah, afar wiil iyo afar gabdhood laga aqoonsaday meydad ay Ilaalada Xeebaha kasoo saareen Badda Ionian, oo boqol meyl u jirta xeebta Calabria, waxay dhibbane u ahaayeen doon kasoo baxday Turkiga oo badda ku qaraqantay.

    Guud ahaan tirada meydadka lasoo saaray maanta ayaa ah 14. Carruurtan marka laga reebo waxaa jira labo nin iyo afar haween oo kale.

    Tan iyo markii la bilaabay howlgalka, ilaa 20 meydad ah ayaa lasoo saaray (6 rag ah, 6 haween ah, 8 carruur ah).

    Waxaa kaloo jira 11 badbaaday oo loo qaaday Roccella Ionica.

    Arrintan ayaa waxaa baaritaan ka furay xafiidka dacwad-oogaha.

  14. Maxaad kala socotaa Xuska Geela ee Soomaaliya ka dhacaya?

  15. Gabar saaxiibkeed ku dacweysay inuusan garoonka u sagootin iyo waxay maxkamaddu ka tiri

    Yurub

    Xigashada Sawirka, Getty Images

    Maxkamad ku taalla dalka New Zealand ayaa diidday sheegashada haweeney ee ah in saaxiibkeedii hore uu diiday inuu u raaco garoonka diyaaradaha, taasoo sababtay inay ka baaqato duullimaadka, iyadoo ka qeybgeli rabtay xaflad ay saaxiibbadeed dhiganayeen.

    Waxay ku eedeysay saaxiibkeed xilligaas inuu jebiyay qanadaraas afka ah oo ay ku galeen inuu u qaado garoonka, sii joogo gurigeeda uuna sii xannaaneeyo eeyaheeda.

    Haweeneydan iyo saaxiibkeedii hore oo aan la magacaabin, ayaa waxay sheegtay in saaxiibkeed ay ka codsatay inyy garoonka geeyo intii u dhaxeysay 10:00 iyo 10:15am.

    Balse waa uu ku guul darreystay, sida ay u sheegtay Maxkamadda Doodaha ee New Zealand, taasoo qaadda dacwadaha yaryar ee is afgaranwaaga sababa khasaare dhan dilaa NZ$30,000 (£14,526).

    Haweeneyda ayaa ka baaqatay duullimaadka waxayna ku qasbanaatay inay bixiso lacag dheeraad ah, sida inay safarto maalintii ku xigtay iyo inay eeyaha geyso meel lagu xannaaneeyo.

    Labada lammaane ayaa xiriir lahaa muddo lix sano iyo bar ah ilaa murankan uu yimid.

  16. “Nolosheedoo dhan waxay keydineysay lacagtii ay Xajka ku aadi lahayd balse dayac ayay ugu dhimatay Maka”

  17. Faah-faahin: Xildhibaannadii Soomaaliya ee la sheegay in lagu xiray Nairobi oo BBC-da kala hadlay sidii ay wax u dheceen

    Saacadihii lasoo dhaafay waxaa si wey loo hadal hayay xildhibaanno ka tirsan dowladda Soomaaliya oo lagu xiray gudaha Nairobi.

    Labo xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in muddo kooban xorriyadda looga qaaday gudaha magaalada Nairobi oo ay sheegeen inay u joogaan fasax.

    Riix lingaxa hoose si aad u akhridid

  18. Kenya: sidee shalay wax uga dhaceen muddaharaadkii dhallinyartu horkacaysay?

    .

    Xigashada Sawirka, Reuters

    Hal qof ayaa lagu soo warramayaa in uu ku dhintay in ka badan sodon kalena ay ku dhaawacmeen dibadbaxyo ballaaDHan oo Khamiistii ka dhacay dalka Kenya, kuwaas oo lagaga soo horjeeday canshuur kordhin.

    Dhakhaatiirta ayaa sheegay in dhibanuhu uu dhiig baxay kadib markii uu dhaawac kasoo gaadhay rasaasta lagu soo riday xillli u uku sugnaa magaalada caasimada ah ee Nairobi.

    Laanqayrta cas ee Kenya ayaa sheegtay in siddeed ka mid ah dadka dhaawacmay ay xaaladoodu halis tahay.

    Tobaneeyo qof ayaa lagu xidhxidhay dibadbaxyadan oo ka dhacay magaalooyin dhowr ah.

    Dhallinyarada mudaaharaadaysa ayaa ka soo horjeeda canshuur kordhinta ku jirta sharciga maaliyadda ee muranka dhaliyay, kaas oo maray akhrintiisii ​​labaad ee baarlamaanka.

    Waxay ku doodayaan in canshuurtu ay dhaawici doonto dhaqaalaha ayna culeys ku keeni doonto dadka Kenyaanka ah ee la daalaa dhacaya nolol maalmeedkooda.

  19. Kursigii hoggaanka Midawga Afrika yaa ka faa'iidaya cadaadiska ay Fawsiya sheegtay?

    .

    Xigashada Sawirka, .

    Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa shalay sheegtay in ay wejahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika.

    Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted?

    Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa.

    Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan.

    Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore, cadaadiska Fawsiya wuxuu siin doonaa jaanis hor leh.

    Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona.

    Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib.

    Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028.

  20. Goorma ayay doodi doonaan Trump iyo Biden doorashada ka hor?

    .

    Xigashada Sawirka, G

    Tartanka doorashada Mareykanka ayaa sii kululaanaya – doodii ugu horeysay ee dhexmarta madaxweyne Joe Biden iyo ninka la tartamaya ee Donald Trump waxaa ka hadhsan keliya hal todobaad.

    Xilliga xagaaga dalkaas, labada nin waxay si rasmi ah u noqon doonaan murashaxiinta xisbiyadooda 2024.

    Laakiin toddobaadka soo socda ayaa xisbiga Dimuqraadiga ah ee xilka haya iyo kii ka horreeyay ee Jamhuuriga ay ku kulmi doonaan telefishanka CNN.

    Waxaa jiri doona ugu yaraan laba doodood ka hor doorashada 5 November.

    Dooddu waxay bilaabanaysaa 21:00 EST (01:00 GMT) Khamiista 27ka Juun.

    Waxaana toos loogala telefishanka CNN.