Trump oo amray in daaha laga qaado xogo sir ah oo ku aadan shirqoolo lagu dilay madax Maraykan ahaa

JFK

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku amray saraakiisha inay sameeyaan qorshe ay ku doonayaan inay ku soo bandhigaan dukumiintiyada la xiriira saddex ka mid ah dilalkii ugu khasaaraha badnaa ee taariikhda Mareykanka - dilkii John F Kennedy, Robert F Kennedy, iyo Martin Luther King Jr.

"Dad badan ayaa arrintan sugayay muddo dheer, oo tobanaan sano ah," Trump ayaa u sheegay saxafiyiinta Khamiista. "Wax walba waa la muujin doonaa."

Amarka ayaa ah mid faraya madaxda sare ee maamulka inay sameeyaan qorshe ay ku soo bandhigaan xogtaan muddo 15 maalmood gudahood.

Madaxweyne John F Kennedy waxaa lagu dilay Dallas 1963 dii. Walaalkii Robert F Kennedy ayaa isna la dilay isagoo u tartamayay madaxtinimada California 1968 dii, laba bilood uun ka dib markii King, oo ahaa hoggaamiyihii xuquuqda madaniga ee ugu caansan Mareykanka, lagu dilay Memphis, Tennessee.

Qaar badan oo ka mid ah dukumeentiyada la xiriira baaritaannada ayaa la sii daayay sannadihii ka dambeeyay dilkooda, in kasta oo kumannaan weli ay dhiman yihiin kuwa kale, gaar ahaan kuwa la xiriira baaritaanka ballaaran ee la xiriiray JFK.

.

Xigashada Sawirka, Reuters/Dallas Police Department

Madaxweyne John F Kennedy ayaa waxaa toogtay Lee Harvey Oswald oo ka tirsanaa ciidamada badda kadibna u goostay Midowgii Soofiyeeti, kadibna dib ugu laabtay Mareykanka.

Guddi dawladeed ayaa go'aamiyay in Oswald keligiis uu go'aansaday falka.

Si kastaba ha ahaatee, su'aalaha aan laga jawaabin ee kiiska ku aadan ayaa muddo ka hor istaagay, waxaana jiray fikrado kale oo ku saabsan ku lug lahaanshaha dilalkaas wakiilada dawladda, maafiyo iyo dad kale oo u jeedo xun - iyo sidoo kale fikrado shirqool oo ka baxsan kuwaan.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ra'yi ururin muddo tobanaan sano ah la sameynayay ayaa muujisay in badi dadka Maraykanku aanay rumaysnayn in Oswald uu ahaa gacan-ku-dhiiglaha keliya ee ku lugta leh kiiska.

Sannadkii 1992-kii, Koongarasku wuxuu soo saaray sharci lagu sii daynayo dhammaan dukumeentiyada la xiriira baaritaanka 25 sano gudahood la sameeyay. Trump waqtigiisii koobaad iyo Madaxweyne Joe Biden ba waxay sii daayeen dukumeenti la xiriira JFK, laakiin kumanaan - ka mid ah malaayiin dukumiinte - ayaa weli qayb ahaan ama si buuxda sir u ah.

Trump ayaa ballan qaaday in uu baahin dooono dhammaan xogtaas waqtigiisii koobaad, balse wuu ka laabtay ballan-qaadkiisii ka dib markii saraakiisha CIA iyo FBI-da ay ku qanciyeen inuu qariyo xogaha qaar. Amarka fulinta ee maanta wuxuu dhigayaa in sirta oo sii socotaa "aysan waafaqsanayn danta guud".

"Waxaa haboon in madaxweynuhu uu balanqaadyadiisa ka dhigo kuwa dhaqan gala. Taasi waa muhiim, "ayuu yiri Jefferson Morley, oo ah wariye hore oo ka tirsanaan jiray Washington Post, Khabiirna ku ah arimaha la xiriira dilka JFK, sidoo kalana ah tifaftiraha warsidaha online-ka ah ee JFK Facts.

"Laakin tafaasiisha iyo fulintu waa waxa la wada sugayo. Habkani waa bilow. Sida saxda ah ee loo sameyn doonana ma ahan mid cad," ayuu yiri.

Dukumeentiyadii u dambeeyay ee la sii daayay ayaa daaha ka qaaday tafaasiil cusub oo ku saabsan duruufaha ku xeeran dilka, waxaana ka mid ahaa dabagalka ballaaran ee CIA-du ku qaaday Oswald.

Sannadkii 2023-kii, Paul Landis, oo 88-jir ah, horena u ahaan jiray wakiilka sirdoon, isla markaana joogay meel u dhow dilka, ayaa sheegay inuu xabbad ka qaaday gaariga kaddib markii Kennedy la toogtay.

Khubarada ayaa sheegay in tafaasiisha ay adkeyneyso sheekada rasmiga ah ee ah in hal xabo ay ku dhacday madaxweynaha iyo barasaabka gobolka Texas John Connally, kaasoo oo ka mid ahaa kolonyada kana badbaaday toogashada.