Nolosha qoyskan muddada 50ka sano ah iska dhaxlayey xabaal-qodista

Xigashada Sawirka, Ifiokabasi Ettang / BBC
- Author, Mansur Abubakar
- Role, Weriye BBC
In ka badan 50 sano, qoys ayaa xil iska saaray maamulka qabuuraha ugu weyn magaalada Kaduna ee waqooyiga Nayjeeriya, taas oo raalligelisey bulshada deegaanka ee hawsha duugta mayd ay ka xigsadeen.
Waxay dhaqaan oo duugaan maydka, isla markaana waxay ilaaliyaan xabaalaha, hadda ka-horse wax mushaar ah kuma helin hawsha baaxaddaas leh marka laga reebo xoogaa faraduug ah oo ay ka helaan dadka laga dhintay.
Qabuuraha ballaaran ee Tudun Wada waxaa loo asteeyey muslimiinta ku nool magaalada muddo haatan boqol sano laga joogo.
Qoyska reer Cabdullaahi waxay xilkan qaadeen todobaatameeyadii, markaas oo labo walaalo ah oo la kala oran jirey Ibraahim iyo Adamu ay billaabeen inay halkaas ka shaqeeyaan. Labadii ninba hadda wey naga hooseeyaan, waxaana hawshoodi halkii ka ambaqaaday dhashoodi oo qabuuraha gacanta ku haya.
"Waxay na bareen in shaqadani tahay mid Ilaah jecel yahay islamarkaana uu naga abaalmarin doono xitaa haddii aanan wax faa'ido ah ka helin", ayuu yiri Magaji oo ah wiil uu dhalay Ibraahim Cabdullaahi oo BBC la hadlay mar la weyddiiyey waxa dan ah ee ugu jira hawshan.
Magaji oo 58 sano jir, ayaa hadda gacanta ku haya qabuuraha Tudun Wadi, halkaas oo madax uu u yahay koox muddo yar ka horow isxilqaan ku shaqeynayey oo ka kooban 18 ruux. Isaga iyo labo ay ilmo adeer yihiin oo ka yar yar, Cabdullaahi oo 50 jir ah iyo Caliyow oo 40 jir ah (uuna dhalay Adamu Cabdullaahi) ayaa ah si toos ah uga shaqeeya xabaalaha. Waxayna dhammaantood goobta joogaan maalinta oo dhan 7 maalmood. Mar walbana waa rigli maadaama diinta Islaamku qabto in maydka goor hore la duugo.

Xigashada Sawirka, Ifiokabasi Ettang / BBC
Magaji oo ka hadlayey sida ay u qaybsadaan hawsha maamuuska maydka ayaa sheegay in teleefoonkiisa ay haystaan dadweynaha, gaar ahaan imaamada misaajidda, ku waas oo soo waca marka qof dhinto. Intaas ka dibna ay u diyaar garoobaan xabaasha, iyadoo mid cabirayo dhirirka maydka, mid godka qodayo, mid kalena dhaqayo dabadeedna karfanayo.
Magaji oo xabaala qodista ku billaabay 20 sano jir ayaa intaas ku daray in qodista qabrigu aysan fududeyn, taas oo uu u aaneeyey dhulka Kaduna oo dhagax ah iyo qorraxda oo kulul. Sidaas oo ay tahayna wuxuu xusay in ay maalintii qodaan ugu yaraan toban xabaalood.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida caadiga ah, inta ay raggani qabriga qodayaan, imaamka misaajidka deegaanka ayaa mid ka mid ah xilliyada salaadda ku dhawaaqa geeri dhacday, ka dibna dadka ayaa u dareera Meesha lagu diyaarinayo maydka, intaas ka dibna waxaa maydka loo qaadaa qabuuraha si loogu duugo.
Intaas ka dib maydka oo karfan ku duuban tahay ayaa waxaa la dhigaa godka qarkiisa, intaas ka dib waxaa lagu ridaa godka, waxaa lagu daboolaa lakabyo ulo iyo xarar ah, markaas ka dibna ciid ayaa si habboon loogu xabaalaa.
Marka aasku dhammaado ayey dadku kala dareeraan, dabadeedna dadka xabaalaha qoda waxay sameeyaan yabooh dhaqaale oo lagu taakuleynayo dadka shaqada qabtay.
Inuwa Maxamed oo 72 jir ah, sidoo kalena ah ninka ugu waayo-aragsan ragga xabaalaha qoda oo sharraxaya ahmiyadda qoyska reer Cabdullaahi ay ugu fadhiyaan bulshada kaduna ayaa BBC-da uga sheekeeyey sidii raggii hawshan billaabay ay xil isaga saareen gudashada mid ka mid ah waajibaadka Muslimiinta ka saaran sagootinta dadka ka baxa. Wuxuuna intaas ku daray in jiilba jiil ku barbaariyey hawshan ay ka dhaxleen waalidiintooda, iyaga oo aan ka fikirin maareynta noloshooda maadaama ay hayaan hawl Alle ku ogyahay. Halka wixii dhaqaale ah oo lagu yabooho qado looga dhigo hadba inta maalintaas hawsha qabta.
Inuwa wuxuu intaas ku daray in qabuuraha la dib loo dayactiro 40-kii sanaba mar, si looga ilaaliyo in dhulku isku dumo ama ay farateystaan dad doonaya in ay jiingadaha kala baxaan. Wuxuuse ka cawday in aysan haysan agab ku filan in la maareeyo qabuuraha baaxaddaas leh.
Intii lagu guda jirey booqasho dhawaan BBC-du ku tagtay qabuuraha Tudun Wada, waxaa dhacday arrin yididiilo leh, ka dib markii Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee kor ka maamula goobtu uu go'aansaday in dadka ka shaqeeya xabaaluha mushaar loo qoro.
Rayaan Xuseen ayaa sheegay in raggani ay bulshada u hayaan hawl muhiim ah, isla markaana u qalmaan abaalgud iyo daryeel joogto ah.
"Qabuuruhu waa meesha noo dambeysa ee loo wada socdo, sidaas darteedna in aan xilkan hayo waxaan ballanqaadayaa in aan noloshooda daboolo", ayuu yiri Rayaa.
Dhanka kale, Magaji oo goor dambe BBC-du la hadashay wuxuu noo xaqiijiyey in hawlwadeennada mushaar heleen.













