Trump oo hanjabaad u diray Putin kuna tilmaamay dagaalka uu ku jiro mid macno darro ah

Trump and Putin

Xigashada Sawirka, EPA

Donald Trump ayaa ku goodiyay inuu canshuuro badan iyo cunaqabatayn dheeri ah ku soo rogi doono Ruushka, haddii Vladimir Putin uu ku guuldareysto inuu soo afjaro dagaalka Ukraine.

Isagoo wax ku qoraya bartiisa bulshada ee Truth Social, wuxuu sheegay in dadaalku uu ku bixinayo dagaalka in la dhameeyo "uu yahay ansaax uu sameynayo" Ruushka iyo madaxweynahoodaba.

Trump ayaa horay u sheegay in uu kala xaajoon doono Ruushka in uu dhameeyo duullaanka buuxa ee Ruushka ee Ukraine kaas oo billowday bishii Febraayo 2022 kii, hal maalin gudaheed.

Ruushka ayaan weli ka jawaabin hadalkaas, balse saraakiil sare ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegayay in ay jirto fursad yar oo Moscow ay kula macaamili karto maamulka cusub ee Mareykanka.

Putin ayaa marar badan sheegay in uu diyaar u yahay in wada xaajood lagu dhammeeyo dagaalka oo markii hore bilowday 2014-kii, balse Ukraine ay ku qasban tahay inay aqbasho xaqiiqada dhabta ah ee dhulalka Ruushka oo hadda ah qiyaastii 20% dhulka ay leedahay Ukraine. Waxa uu sidoo kale diiday in Ukraine ay ku biirto Nato.

Kyiv ma dooneyso in ay ka tanaasusho dhulkeeda, in kasta oo madaxweyne Volodymyr Zelensky uu qirtay in laga yaabo in uu si ku meel gaar ah u wareejiyo qaar ka mid ah dhulka hadda la haysto.

Talaadadii Trump wuxuu shir jaraa'id ka sheegay inuu Putin la hadli doono "dhawaan" waxayna "u muuqataa inay u badan tahay" inuu ku soo rogi doono cunaqabatayn dheeraad ah haddii hogaamiyaha Ruushku uusan iman miiska wadahadalka.

Laakiin qoraalka uu ku daabahay barta Truth Arbacadii, wuxuu ka mid ahaa hadalkiisa: "Waxaan u sameyn doonaa Ruushka, oo dhaqaalihiisa uu sii burburayo, iyo Madaxweyne Putin labada, asxaan aad u weyn,".

"Hadda xaalka deji, oo jooji dagaalkan macnodarada ah KALIYA WUU KA SII DARI DOONAA. Haddaynaan 'heshiinin', dhawaan, ma waxaan wayn doonaa khayaar aan ahayn inaan wax kasta dul dhigo heerar sare oo Canshuur ah, lacago, iyo Cunaqabatayn aan saarayno wax walba oo Ruushku ka iibiyo Maraykanka, iyo dalalka kaleba,".

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu yiri: "Aan isaka soo afjarno dagaalka oo aan bilaabanba lahayn waligiis hadii aan anigu madaxweyne ahaan lahaa! Waxaan u dhamayn karnaa hab fudud, ama hab adag – balse marwalba habka sahlan ayaa fiican. Waa waqtigii "AAD SAMEYN lahayd heshiis"."

Dagaal

Xigashada Sawirka, EPA

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ku xigeenka safiirka Ruushka ee Qaramada Midoobay Dmitry Polyanskiy ayaa mar sii horreysay u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Kremlin-ka looga baahan yahay inay ogaato waxa Trump uu ka doonayo heshiiska lagu joojinayo dagaalka, ka hor inta uusan waddanku hawlihiisa sii bilaabin.

Dhanka kale Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa u sheegay Madasha Dhaqaalaha Adduunka Talaadadii in ugu yaraan 200,000 oo nabad ilaalin ah loo baahan doono heshiis kasta oo la gaaro.

Waxa uu Bloomberg u sheegay in ciidan kasta oo nabad ilaalin ah oo lagaynayo dalkiisa ay qasban tahay in lagu daro ciidamada Mareykanka si ay uga hortagaan Ruushka.

" Mareykanka la'aantii wax ma shaqaynayaan... Xitaa haddii qaar ka mid ah saaxiibada Yurub ay u maleynayaan in laga maarmi karo, wali ma shaqaynayso" ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in cid kale uusan halis u gelineyn tallaabadan oo kale Mareykanka la'aantiis.

In kasta oo madaxda Ukraine laga yaabo inay qadariyaan hadalka adag ee Trump - waxay had iyo jeer sheegi jireen in Putin oo kaliya uu fahmo awood - falcelinta bilowga ah ee Kyiv ee ku aadan hadalka madaxweynaha Mareykanka waxay muujineysaa in ay dadku ficil sugayaan, ee aysan rabin hadal oo kaliya.

Trump ma uusan cayimin halka laga yaabo in ciqaab dhaqaale oo dheeraad ah lagala beegsan karo Ruushka, ama goorta intaba. Badeecadaha Ruushka uu ka soo dajiyo Mareykanka ayaa hoos u dhacay ilaa 2022 kii, waxaana jira dhammaan noocyada xayiraadaha culus oo horay u saarnaa dalka Ruushka.

Waqtigan xaadirka ah, waxyaabaha ugu muhiimsan ee Ruushku u dhoofiyo Maraykanka waxaaa ka mid ah bacriminta fosfooraska ku salaysan iyo kuwa wax lagu beero.