Trump oo bixiyay amarro kale oo ka dhan ah muhaajiriinta sharci-darada ah iyo qaxootiga

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 1,500 oo askari oo kuwa dhulka ah u diri doona xadka koonfureed si looga hortago muhaajiriinta halkaasi ka soo gala.
Waxaa sidoo kale halkaasi loo dirayaa oo diyaarado dhanka cirka ak taageeri doona, taasoo qeyb ka ah howlgalka ka dhanka ah "shisheeyaha sharci darrada ah"
Ciidamadu kuma lug yeelan doonaan "xoojinta sharciga", sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan militariga. Markii hore waxaa loo isticmaali doonaa in ay ka hortagaan caqabadaha" iyo howlgallada xuduudaha"
Trump ayaa amar ku siinayay waaxaha Amniga Gudaha, Waaxda Caddaaladda iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda inay qaadaan dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay dib ugu celiyaan ugana saaraan dhammaan "shisheeyaha sharci darrada ah" ee ka gudbaya xadka koonfureed, sida ay sheegtay wakaaladda wararka Reuters.
Dhanka kale, dhammaan socdaalka qaxootiga ee Mareykanka ayaa la hakiyay, iyadoo la raacayo amar gaar ah. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa joojisay socdaalka qaxootiga ee Mareykanka waxayna hakisay howsha qaxootiga la keeni lahaa Mareykanka.
Xalay Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xaqiijisay in la joojiyay dhammaan safarradii qaxootiga ee Mareykanka, iyadoo la raacayo amarka fulinta ee madaxweyne Trump.
"Dhammaan safarradii horey loo qorsheeyay ee qaxootiga ee Mareykanka waa la baajiyay, mana jiri doono ballan cusub oo socdaalka la xiriirta," ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
Tallaabadan ugu dambeysay ayaa sababtay in kumanaan qaxooti ah oo rajaynayay in ay gaaraan Mareykanka ay ku xayirmaan meelo kala duwan oo caalamka ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Boqolaal qaxooti ree Afgaanistaan ah -- oo ay ku jiraan qaraabada kuwii u soo shaqeeyay Mareykanka ka hor inta uusan kala bixin militarigiisa sannadkii 2021 ayaa ka mid ah qaxootiga ku go'doonsan meelo kala duwan.
Waxay ka baqayaan inay bartilmaameed u noqdaan Taliban haddii ay guryahooda ku noqdaan. Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu aanu lahayn awood uu ku qaabilo tiro badan oo muhaajiriin iyo qaxooti ah. Madaxa Hay'adda Qaxootiga ee NRC Jan Egeland oo la hadlay BBC-da ayaa cambaareeyay go'aankaas.
Amarkan waxaa uu qeyb ka ahaa wareegtoyiinkii iyo amaradii uu saxiixay Trump dhowrkii maalmood ee ugu horreeyay ee madaxweynenimada.
Trump ayaa aad u dhaleeceeyay habka maamulka Biden uu u maareeyay soo galo xudduudda koonfureed ee Mexico, isagoo ballan qaaday inuu wax ka qabanayo "diiwaangelinta" xuduudaha sharci darrada ah oo uu socdaalka hadda ku tilmaamay "duulaan".
Wadahadallada socdaalka ee u dhaxeeya Mexico iyo Mareykanka ayaa billowday, sida ay sheegtay madaxweynaha Mexico Claudia Sheinbaum.
Soo-galootiga waxay gaareen heerar sare xilligii Biden, laakiin tirooyinka ayaa si aad ah hoos ugu dhacay xitaa ka hor inta uusan Trump ku guuleysan doorashada oo uusan xafiiska la wareegin.

Xigashada Sawirka, Reuters
Dhanka kale aqalka Congress-ka Mareykanka ayaa meel mariyay sharci dhigaya in dadka soo galootiga ah ee aan sharciga wadan ee loo xiro dambiyada xatooyada ama rabshadaha in xabsiga lagu hayo inta maxkamad la soo taagayo.
Sharcigan, oo loogu magacdaray Laken Riley - oo ahayd gabadh arday ah oo lagu dilay Georgia oo uu dilay nin u dhashay Venezuela sanadkii hore - ayaa meelmariyay Aqalka Wakiilada maalin kadib markii uu ansixiyay Senate-ka.
Afartan iyo lix Dimuqraadi ah ayaa ka horyimid hoggaanka xisbigooda waxayna ka gudbeen xariiqda siyaasadeed si ay u taageeraan hindisaha Jamhuuriga uu hoggaamiyo. Dhanka Senetka , 12 Dimuqraadiyiin ah ayaa taageeray sharcigan.
Tani waa guushii ugu horeysay ee dhanka sharciga ee madaxweyne Trump uu gaaro tan iyo markii xilka loo dhaariyay Isniintii.












