Donald Trump oo 90 maalmood siinaya TikTok

Aaladda TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images

Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay "inay u badan tahay" inuu sagaashan cisho siinayo aaladda TikTok ee gudaha dalka Maraykanka iyadoo maanta oo axada ah la filayo inay dhaqan gasho mamnuucida aaladda TikTok ee Maraykaka.

Trump oo loo dhaarin doonaa madaxweynaha 47-aad ee Mareykanka ayaa u sheegay warbaainta NBC News in ku dhawaaqista arrintan ay u badan tahay inay iman doonto Isniinta marka uu xafiiska la wareego.

Maxkamadda Sare ee Maraykanka ayaa Jimcihii taageertay sharci ka mamnuucaya app-ka gudaha Mareykanka iyadoo amarka ahaa in shirkada TikTok ay jarto xiriirka ay la leedahay shirkada ay hoos timaado ee Byte Dance oo xarunteedu tahay dalka Shiinaha ay iibiso aaladda marka la gaaro 19ka Janaayo. ByteDance ayaa diiday inay raadsato iibsade.

" kordhinta 90-ka maalmood ayey u badnaan doontaa in la siiin doonno, sababtoo ah waa ku habboon tahay. Waad ogtahay, waa ku habboon tahay. Waa inaan si taxadar leh u eegno. Waa xaalad aad u weyn," ayuu Trump ku yiri wareysi telefoon oo uu siiyay NBC News.

"Hagaag, waxaan xaq u leeyahay sida aad ogtahay, anigaa noqon doona qofka go'aanada qaata," ayuu u sheegay ABC. "Suuragalnimada ugu badan, waxaan kordhin doonaa 90 maalmood - waxaad haysataa kordhin 90 maalmood sida aad u badan tahay. Waxaan sameyn doonaa taas ilaa aan ka helno xal."

TikTok ayaa sheegtay goor dambe oo Jimcihii in Aqalka Cad iyo Waaxda Caddaaladdu "ay ku guuldaraysteen inay bixiyaan caddaynta lagama maarmaanka ah iyo dammaanadda bixiyeyaasha adeegga muhiimka u ah ilaalinta helitaanka TikTok".

Laakin xoghayaha warfaafinta ee Aqalka Cad Karine Jean-Pierre ayaa Sabtidii sheegtay in digniinta TikTok ee ah in ay mugdi geli doonto ay tahay "wax la yaab leh".

"Ma aragno sabab ay TikTok ama shirkadaha kale u qaadaan tillaabooyin dhowrka maalmood ee soo socda ka hor inta aan maamulka Trump xilka la wareegin Isniinta," ayay tiri.

"Waxaan u sheegnay mowqifkeena si cad oo toos ah: ficilada lagu fulinayo sharcigan waxay ku dhici doonaan maamulka soo socda. Markaa TikTok iyo shirkadaha kale waa inay la hadlaan wax kasta oo walaac ah iyaga."

Jimcihii, Trump ayaa sheegay in uu la hadlay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping oo uu kala hadlay TikTok iyo arrimo kale.

Maamulaha guud ee TikTok Shou Zi Chew, ayaa la filayaa inuu ka mid noqdo madaxda teknolojiyadda ee ka qayb galaysa xafladda caleema saarka Trump Isniinta.

Saraakiisha amniga qaranka Mareykanka ayaa ka digay in basaasiinta Shiinaha ay u isticmaali karaan xogta app-ka si ay ula socdaan shaqaalaha federaalka Mareykanka iyo qandaraaslayaasha, taasoo TikTok ay beenisay.

Aaladda TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Safaarada Shiinaha ee Washington DC, waxay ku eedaysay Mareykanka inuu si caddaalad darro ah u caburinayo TikTok: "Shiinuhu wuxuu qaadi doonaa dhammaan tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si uu si adag u ilaaliyo xuquuqdiisa iyo danihiisa sharciga ah," ayuu yiri afhayeen u hadlay.

Aaladda TikTok, ayaa ah mid caan ka ah gudaha Maraykanka iyadoo haysta ku dhawaad 170 milyan oo isticmaale Maraykanka. Waxa kale oo ay caddaysay inay tahay aalad muhima xilliga ololaaysha siyaasaddeed ee Maraykanka si loo gaaro codbixiyayaasha da'da yar.

Sida ku cad sharciga la ansixiyay bishii Abriil ee la soo dhaafay, nooca Mareykanka ee app-ka ayaa laga saari doonaa dukaamada app-ka iyo adeegyada martigelinta mareegta maalmaha soo socda.

Hal-abuuraysha sheekadda iyo iyo ganacsiyada yar yar ee ku tiirsan alaaddan si ay u helaan dakhli ayaa u sheegay BBC in noloshooda si xad dhaaf ah loogu beddeli lahaa haddii la xiro.

"Si dadban, TikTok ayaa ahayd inta ugu badan ee dakhligayga sababtoo ah dhammaan noocyada waxay rabaan in alaabtooda lagu xayeysiiyo app-ka," Nicole Bloomgarden, naqshadeeye dharka iyo farshaxanka isticmaala TikTok, ayaa u sheegay BBC.

TikTok kama aysan jawaabin weydiin BBC oo ku saabsan waxa ay ka dhigan tahay suurtagalnimada "galida mugdi" gudaha Mareykanka.

Aaladda TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images

Malaayiinta qof ee Maraykanka ah ee isticmaala aaladdan waxaa ka mid kumanaan Soomaali ah oo deggan Maraykanka.

Ayuub Axmed Xuseen (Ayuub Kaarlo) oo ku nool gobolka Minnesota, kana mida isticmaalayaasha Aaallada TikTok oo mar sii horreysay la hadlay BBC-da, ayaa shegay sheegay inuu kasoo horjeedo tallaabadan Mareykanku qaaday.

"Aniga sharcigan kuma farxin, sababtoo ah dadka Soomaaliyeed meesha ugu badan ee laga caawiyo waa TikTok. Sidaas darteed, waa sharci saameyn doona dad badan oo Soomaaliyeed," ayuu yiri.

Dhanka kale, wuxuu Ayuub sheegay in inta bada dadka isticmaala barta TikTok ay sidoo kale leeyihiin akoonno Facebook iyo Youtube, kuwaasoo si ugu buuxin kara booskii TikTok, balse haddana aan siyaabo badan looga maarmin bartan.

"Aniga waxaan leeyahay Facebook iyo Youtube oo saameyn weyn iguma yeelan doonto. Laakiin dadka bixiya dhaqaalaha lagu caawiyo bulshada Soomaalida waxaa laga diraa Mareykanka, sidaa awgeed, taas unbaan u arkaa inay dhibaato noqon doonto oo saameyn doonto dadka masaakiinta ah," ayuu yiri.