RedNote: Maxay tahay barta cusub ee beddelaysa TikTok ee reer Maraykan u haajirayaan?

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

Xilli ay soo dhawdahay waqtigii Maraykanka laga joojin lahaa TikTok, dadkii isticmaali jirey ee reer Mareykan ayaa u wareegaya barnaamijka Shiinaha ee RedNote, taas oo sare u qaadday in uu noqdo app-ka ugu badan ee lagala soo degay barta lagala dego barnaamijyada taleefanka Iphone ee App Store tan iyo Isniintii.

Muxuu yahay RedNote?

RedNote, oo sidoo kale loo yaqaan magaca Shiinaha Xiaohongshu (Buug Caska Yar), waa barnaamij isku dhafan oo u dhexeeya TikTok iyo Instagram, una badan dad dhalinyaro ah oo ku nool Shiinaha, Taiwan, iyo gobollada ku hadla luuqadda Mandarin.

Waxa ay haystaan 300 milyan oo isticmaale bishii ah, kuwaas oo badiya ku baahiiya talooyinka nolosha ku saabsan sida moodada cusub ee faashiyoonka iyo xidhiidhada jacaylka.

Sharcigii la meel mariyay bishii Abriil ee sanadkii hore ayaa dhigaya in ByteDance ay iibiso qaybteeda Mareykanka ee TikTok, kana iibiso shirkad dhexdhexaad ah si looga fogaado in barnaamijka si buuxda loo mamnuuco.

TikTok ayaase sharcigan kasoo horjeesatay, iyagoo ku dooday in uu jebinayo xuquuqda fikirka xorta ah ee 170 milyan oo isticmaale oo ku nool Mareykanka.

Si kastaba ha ahaatee, go'aanka Maxkamadda Sare wuxuu dhigaya in Maraykanka laga joojiyey lagana saari doono internetka haddii aan la helin iibsade maalmaha soo socda.

Soo dhoweynta RedNote

RedNote waxay soo dhoweysay isticmaaleyaasha cusub, iyagoo sameeyay in ka badan 63,000 oo qoraal oo lagu dul qoray "TikTok refugee – qxootigii TikTok." Isticmaaleyaasha cusub waxay wadaagaan talooyin ku saabsan sida loo isticmaalo app-ka iyo sida loo barto weedho afka Mandarin ah oo fudud.

Mid ka mid ah isticmaaleyaasha cusub ayaa qoray:

"Marti-geliyeyaashayaga Shiinaha, waad ku mahadsan tihiin noo soo dhoweynta - raalli ahaada haddii aan fowdo keenno."

Walwalka Amniga iyo Xakamaynta

TikTok

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Inkasta oo dadku ay aad u xiisaynayaan, RedNote waxay wajahaysaa eedeymo ku saabsan xakamaynta waxyaabaha ka dhanka ah dowladda Shiinaha.

Sidoo kale, Taiwan waxay xannibtay shaqaalaha dowladdu inay adeegsadaan app-kan sababo la xidhiidha dhanka amniga.

Isticmaaleyaasha badankood waxay u arkaan RedNote fursad lagu barto dhaqanka Shiinaha sida oo kalena lagu gaadhayo taageerayaal iyo dhegeystayaal caalami ah.

Sarah Fotheringham, oo ah shaqaale meel cunteed oo Utah ku nool, waxay u aragtaa ku biirista RedNote inay tahay iska caabin ka dhan ah faragalinta dowladdeeda waddo.

Marcus Robinson, oo ah naqshadeeye Virginia ku nool, wuxuu halis u galay isagoo ogolaaday shuruudaha RedNote oo ku qornaa Mandarin si uu u soo bandhigo astaanta ganacsigiisa iyo xirfaddiisa.

Sydney Crawley, oo ah shaqaale farsamo oo Tennessee ku nool, waxay ku heshay 6,000 oo raacsan 24 saacadood gudahood kadib markii ay ku biirtay bartaas.

Iyada oo mustaqbalka TikTok ee Mareykanka uu yahay mid aan la hubin, barnaamijyada sida RedNote ayaa u muuqda kuwa buuxin kara firaaqa iyo jaaniska boggaasi bannaynayo.

Waqtigaan, app-kan wuxuu noqday buundo isku xirta dhaqanada kala duwan ee labada dhinac, isagoo isku keenaya isticmaaleyaal meelo kala duwan kala jooga.

"RedNote waan ka helay ilaa hadda … waxaan u baahanahay kaliya inaan barto sida loogu hadlo Mandarin," ayuu yidhi Robinson, taasoo muujineysa dareenka isticmaaleyaasha badan ee cusub.