Sida Masjidkani ku noqday dhismaha ugu weyn dunida ee ka sameysan dhoobo

.

Xigashada Sawirka, Raphael Bick

Qoraalka sawirka, Masjidka Faca weyn ee Djenne
    • Author, Maxamed Maxamuud Cabdille

Dhoobadu waxay ahayd wixii ugu horreeyay ee laga sameeyo dhismeyaasha casriga ah ee aan hadda ku hoyanno. Kumannaan sano ayaa loo adeegsanayay in dhoobo laga sameeyo guryaha, iyadoo ay cilmi-baarayaashu ay heleen caddaynta dhismayaal dhoobo ah oo toban kun oo sano kahor la dhisay.

Dhismayaasha dhoobada ah waxay aad ugu fiican yihiin inay na qaboojiyaan xilliga kuleelka, iyo in aan diitrimaad ka helno xilliga qaboobaha, iyaga oo u adkeysta isbeddelka cimillada xun. Haddaba, dalkan Soomaaliya u jira masaafada ku dhow lixda kun kiilomitir ee safarka dhanka cirka ah waxaa ku yaal dhismaha ugu weyn dunida ee ka sameysan dhoobo, kaas oo haddana ah Masjid weyn iyo xarun lagu barto diinta.

Masjidka faca weyn ee dhoobada ka sameysan

Dadku wax badan ayay ka maqleen magaalada qadiimiga ah ee dalka Mali, halkaas oo ay hay'adda UNESCO ku dartay astaamaha dhaxalka adduunka ee ay tahay in la dhowro. Waa magaalo qadiimi ah oo xarun iyo gundhig u ahayd dhaqanka islaamka qarniyaddii 14aad ilaa 16aad. Waxa ay hoy u tahay Jaamacadda Qur'aanka ee Sankorem, iyada oo lagu tilmaamo in magaaladan caasimad u ahayd garashada islaamka iyo ku faafintiisa Afrika.

Laakiin meel u jirta 500km Tumbuktu, waxaa ku yaal masjida faca weyn ee mucjisada ah, kaas oo ah dhismaha ugu ballaaran dunida ee dhoobo ka sameysan. Waa masjidka Djenne, oo ah mid ka mid ah astaamaha ugu caansan Afrika, halkaas oo ay hay'adda UNESCO u aqoonsan tahay mid ka mid ah xarumaha taariikhda iyo dhaxalka adduunka ah wax ku dhow afartan sano kahor. Waxa u uku yaal isla goobta uu horey uga dhisnaa masjidkii ugu horreeyay ee gobolkaas laga dhisay, xilli lagu qiyaasayo wax ku dhow toddobo boqol iyo kontan sano kahor.

Masjidkaas hore, waxay taariikhyahannadu weriyeen in uu ahaa xarunta madaxtooyada boqorkii Mali ee Kunburu. Wuu islaamay kaddibna xaruntisii ayuu u beddeley Masjid, isaga oo guri ka dhistay meel ku dhow masjidka. Boqorkii xigay ayaa ku daray minaaradaha, isaga oo sidoo kale derbi ku wareejiyay masjidka.

Masjidka oo dib loo dhisay, markii ugu dambeysay, kan hadda dhisan ee ka wada sameysan dhoobada ayaa dib loo dhisay wax ku dhow boqol iyo labaatan sano kahor, xilligaas oo ku began 1907dii.

Dhismaha dambe ee masjidka weyn ee Djenne ee120 sano jirka ah

Hay'adda UNESCO ayaa u aqoonsatay Masjidka Djenne in uu ka mid yahay waxyaabaha dhaxalka dunida ah, oo ay tahay la dhowro.

Xigashada Sawirka, Reuters

Masjid weynaha Djenne ee ku yaalla koonfurta Mali, dhismahiisu waa qaab dhismeed gaar ah oo isla markiiba sawiraya xadaaradda Islaamka. Ku dhawaad 20m sare, oo lagu dhisay madal dhererkeedu dhan yahay 91m, waa dhismaha ugu wayn ee dhoobada ah iyo tusaalaha ugu wanaagsan ee qaab dhismeedka guryihii hore ee qadiimiga ah.

Waxa uu ku yaalla bartamaha suuqa weyn ee magaalada Djenne, iyo meel ka sarreysa dhulka si masjidka looga ilaaliyo fatahaadda webiga oo uu ku dhinac yaal. Masaajidku waxa uu leeyahay 3 minaarad oo gaar ah oo leh boqollaal ulood oo geedka timirta ka sameysan oo kasoo baxaysa gidaaradda. Waa mid qabow xilliyada kuleelka daran, iyada oo uu sidoo kale masjidku helayo ileys qoraxeed ku filan.

Lebenka masjidka weyn ee Djenne waxa uu ka samaysan yahay iskudarka ciid iyo dhoobo, biyaha iyo qolfoofta bariis iyo waxyaabo kale oo marka la isku daro noqda dhoobo xoog leh.

Mid ka mid ah sifooyinka gaarka ah ee dhismaha masaajidka waa saqafkiisa. Saqafku waxa uu ka samaysan yahay laamo timireed oo isku tolan oo tiirar alwaax ah lagu taageeray. Saqafka ayaa markaa lagu daboolaa lakab dhoobo ah, kaas oo ka caawiya in uu ka ilaaliyo dhismaha kulaylka qorraxda.

Maanta, Masjidka weyn ee Djenné ayaa markhaati cajiib ah u ah xariifnimada dhismaha dhoobada Mali iyo ilaalinta cajiibka ah ee farsamada dhismaheeda soo jireenka ah.

In kasta oo ay jiraan masaajiddo aad uga da'weyn oo ilaa maanta taagan, haddana masaajidka weyn ee Djenne ee dalka Maali waxa uu leeyahay muuqaal gaar ah oo ka dhigaya mid ka mid ah mucjisooyinka naqshadaha ee adduunka.

.

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Bulshada deegaanka ayaa si sanadle ah uga qeybqaata dib-u-dhiska Masjidka Dejnne xilliga roobka kahor.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Sanadihii la soo dhaafay, dadka deggan Djenné waxay u adkeysanayeen isku dayo soo noqnoqda oo lagu doonayo in lagu beddelo hab-dhiska iyo dabeecadda masaajidkooda gaarka ah iyo dabeecadda xafladda sannadlaha ah. Tusaale ahaan, maal-gashadayaasha ajnabiga ah ee muslimiinta ah ayaa ku yaboohay inay dib u dhisaan masaajidka si shub ah oo ay ku dhejiyaan sagxadda ciidda ee hadda. Bulshada Djenné way diideen baaqyadaas, oo waxay si hagar la'aan ah ugu dadaashay inay ilaaliso hiddaha, dhaqanka iyo dabeecadda gaarka ah ee Masjidka Wayn.

Bulshada Djenne waxay higsanayaan in qaab-dhismeedkan quruxda badan ee gaarka ah loo hayo sidii hiddo dhaqameed intii suurtogal ah, iyaga oo ka hortagaya casriyeynta. Sidaa awgeed, waxa kaliya ee lagu soo kordhiyey ee casriga ah ee masaajidka tan iyo markii la dhisay waa habka cod-baahiyaha, si meel fog looga maqlo.

Taas beddelkeed, bulshada magaaladan oo iyaduba guryaheedu ka sameysan yihiin dhoobo, waxay sanad walba sameeyaan dhoob-saar cusub una sameeyaan derbiyada Masjidka Wayn ee Djenné waxa dib loogu dhisaa oo loo mariyaa dhoobo Abriil kasta dhacdo. Sababtu waa in dhismaha masjidku u baahan yahay xoojin sannadle ah - si la mid ah guryaha caadiga ah ee dhoobada ka samaysan ka hor xilliga roobabka ee Mali oo dhacaya bilaha Luulyo iyo Agoosto.

Dib-u-dhiskan baaxadda leh iyo dib-u-dhoobo-saarkan wuxuu xaqiijinayaa in masaajidku uu badbaadi doono xilli-roobaadka, inkastoo ay suurtogal tahay in qaab ahaan isbeddel ku dhaco roobka dartiis. Waa hab derbiyada masjidka looga ilaalinayo inay dillaacaan iyo in burbur ku yimaado.