Maxay isku hayaan shirkadaha dayaaradaha ee Soomaaliya iyo dawladda federaalka

Xigashada Sawirka, SATTA
Qaar kamid ah shirkaddaha diyaaraddaha ee Soomaaliya ayaa maanta joojiyay hawlihii duulimaadyada ee ay ka sameyn jireen garoonka Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho kadib markii ay ka cawdeen caqabado ay sheegeen in ay uga yimaadaan wasaaradda gaadiidka iyo hay'adda duulista rayidka Soomaaliyeed.
Shirkaddahan ayaa ku eedeynaya dawladda in ay 'lacago dheeraad ah soo rogeen' iyo in 'la kala jeclaysanayo shirkadahaas', halka dawladdu ku doodayso in shirkadaha qaar aanay u hoggaansamin shuruucda iyo xeerarka u yaala duulimaadyada iyo la tacaamulka macaamiisha.
"Sababta aannu shaqo joojinta u samaynay waxaan la shaqayn waynay hay'adihii dawladda, dhawr arrimood ayaana ka mid sida lacago badan oo nala saaray oo aanan bixin karin" ayuu BBC-da u sheegay gudoomiyaha ururka shirkaddaha diyaaradaha Xasan Xaashi Maxamuud.
Xasan ayaa sheegay in cabashadooda muddo ay dawladda la wadaageeyeen laakinse waxba laga qaban waayey. Waxaana uu sheegay in cabashadani ay muddo dheer soo taagnayd.
Diyaaradaha shaqada joojiyey ayaan maanta aadin ku dhawaad labaatan iyo dhawr garoon.
Waxaase jiray diyaarado baxay maanta, kuwaas oo ururka shirkaduhu ku eedeeyeen in ay ahayd hal diyaarad oo dhanka dawladda ay la xidhiidhiyeen, eeddaas oo aanay BBC-du si madax bannaan u xaqiijin.
Shirkadaha ayaa sheegaya in lacagaha lagu soo rogay aanay ahayn kuwo wasaaradda Maaliyaddu ogtahay.
"Lacagtan la soo dallacay ee shirkadda ajnabiga ahi qaadayso, shirkaddaas hore heshiis ayaannu ula galnay 2013, haddii la keenayo wax cusub waa in aan annaga iyo iyagu ka wada hadalnaa haddii kale waa in heshiiskii hore la baabi'iyaa" ayuu yidhi Xasan Xaashi.
Midawga diyaaradaha ayaa shirkadda ay sida gaarka u carrabaabeen ay tahay shirkadda Favori, oo ah shirkad Turkiga leeyahay oo qayb ka ah maamulka garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Dhanka kale maareeyaha hay'adda duulista rayidka ayaa sheegay in cabashooyin badan oo dhanka macaamiisha ah darteed ay tallaabooyin u qaadeen.
Waxaana maareeyuhu sheegay in diyaaradaha garoonka ka shaqeeyaa ay yihiin keliya toddoba shirkadood halka labaatameeyo shirkadood ay u diwaan gashan yihiin hay'adda. Taas oo ka dhigan in diyaaradahaas la wada isticmaalo, taas oo marar badan dadka shacabka saamayso, sida uu sheegay Maareeyaha Hay'adda duulista.
"Dhacdooyin badan oo cabasho ah ka dib, ayaannu soo saarnay shuruuc lagu maaraynayo arrintaas" ayuu BBC-da u sheegay Maareeyaha Hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Axmed Macalin Xasan.

Xigashada Sawirka, Hiiraan Online
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Sida oo kale warsaxafaadeed lagu baahiyey barta Hay'adda Duulista iyo Rayidka Soomaaliya ku leedahay Facebook ayaa lagu sheegay amar la siinayo shirkadda Favori, taas oo lagu amray in aanay ka dhex shaqayn garoonka shirkad aanay diyaaradi u taagnayn.
"Shirkad dawladdu leedahay ma jirto, shirkaduhu waa noo siman yihiin, cid loo kala eexday ma jirto, waxaana ay diyaaridihii u kala baxeen kuwo awaamiirta u hoggaansamaya iyo kuwo aan u hoggaansamayn" ayuu sheegay Maareeye Axmed, xilli uu ka jawaabayey in ay u kala eexdaan shirkadaha qaar.
Dhanka kale hay'adda ayaa iska fogeysay in lacago sharci darro ay ka qaadaan shirkadaha diyaaradaha ee ka shaqeeya Soomaaliya.
Khilaafka dawladda iyo diyaaradaha gaarka ah ee Soomaaliya ayaa dhawr jeer soo noqnoqday, kaas oo dhan kastaa dhanka kale ku eedaynayo in ay sharci jebin samaynayaan.
Shirkadaha diyaaradaha ee Soomaaliya ayaa u kala baxa qaar ka mid ah magaalooyinka gudaha dalka, halka ay jiraan qaar dibedda u safra, sida dalalka Kenya, Jabuuti iyo Imaaraadka.
Waxaa la soo weriyay in dad shacab ah ay ku xanniban yihiin qaar ka mid ah garoomada waddamadaas, ka dib shaqo joojinta ay diyaaraduhu sameeyeen.
Hay'adda Duulista iyo Hawada ayaase ku doodday in wax kastaa sidoodii u socdaan, mar ka laga reebo shirkado kooban. Murankan ayaa waxaan shaqo ku lahayn dayaaradaha caalamiga ah ee duullimaadyada ku taga Soomaaliya.













