Muxuu yahay ganacsadaha iska leh diyaaradii shalay laga celiyay 'hawada Soomaaliya'?

Xigashada Sawirka, flightradar
Sida ay baahisay hay'adda duulista rayidka ee Soomaaliya, diyaada ayaa ku diiwaan gashneed lambarka P4-JAG, waxaana laga leeyahay dalka Thailand.
Balse sida ay BBC da u sheegeen ilo ka tirsan Hay'addda Duulista Rayidka ee Soomaaliyaayaa sheegaysa in uu diyaaradda iska leeyahay ganacsade Hindi ah. Ma jirto xog dheeraad oo laga bixiyay ganacsadahaan.
Sida ay sheegayso xog aan ka helnay hay'adda duulista, ninkaas ayaa xiriir la soo sameeyay hay'adda kadib markii diyaaradiisa laga celiyay hawada Soomaaliya.
Balse sida ay baahisay hay’adda duulista oo warsaxaafadeed la wadaagtay warbaahinta, diyaaraddu ay ku guul darreysatay in ay bixiso macluumaadka xamuulka ay waddo, waxayna qaadatay go’aan ah in dib loo celiyo.
Waxa ay ku guda jirtay safarkeeda magaalooyinka Sharjah iyo Hargeysa.

Xigashada Sawirka, Google
Sarkaal ka tirsan hay'adda duulista oo BBC da la hadlay ayaa sheegaysa in hay'addu ay dareentay in duulimaadku noqon karo mid khatar leh.
“Xamuulka ayaa kala duwan, waxaana uu kala yahay xamuul alaabaha caadigaa ah iyo xamuul ‘khatar’ ah," ayuu u sheegay BBC da.
"Kuwa khatarta ah waxaa kamid ah alaabaha kiimikada, hubka, shidaalka iyo waxyaabaha lamidka ah, qolada diyaaradduna waxa ay diideen in ay caddeeyaan waxa ay wadaan”.
Somaliland ayaa dhankeeda beenisay in duulimaadkaas laga celiyay hawada Soomaaliya.
"Ma jirto diyaarad laga leeyahay Thailand oo xamuul ah oo maanta imanaysay Somaliland ama soo kacdayoo hawada laga celiyay." ayaa lagu yir war ay soo saartay Somaliland.
Waxa kale oo ay sheegtay in ay marti galiyeen dhamaan duulimaadyadii caadiga ah ee imaan jiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Xigashada Sawirka, Google
Horay ayay u imaan jirtay
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ma ahayn markii ugu horreysay ee diyaaraddan ay usoo safarto hawada Soomaaliya, sida ay sheegayso Hay'adda Duulimaadka Rayidka. Waxa ay timid xilliyo kala duwan iyada isticmaalaysay hawada Soomaaliya. Si bed qab ah usoo dejisay xamuul ay sidday dhamaan waqtiyadaas hore.
“Horay waxa ay u keentay xamuul kale, waxa ay ahayd mar laga joogo qiyas ahaan saddex ilaa afar toddobaad, xilligaasna waxa ay soo gudbiyeen wax waliba oo caddeyn iyo dhammaan dukumentiyadii laga rabay”, ayuu BBC da u sheegay sarkaalka ka tirsan hay'adda dullista.
"Maamulka diyaaraddan ayaa dhowr maalmood kahor xiriir lasoo sameeyay haamulka hawada ee Soomaaliya", ayuu yiri sarkaalkaan, "Iyaga oo markaas doonayay in ay helaan oggolaanshaha ay hawada kusoo geli karaan, balse markaas kadib ay ka dhego adeygeen in ay warbixin sax ah bixiyaan".
Dhamaan diyaaradaha soo gelaya hawada Soomaaliya ayaa laga hubiyaa waxyaabaha ay sidaan iyo dokumentiyadooda la xiriira safarka sida ay noo sheegtay hay'addu.
Celinta diyaaraddan ayaa kusoo beegantahay iyadoo hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ay maalinnimadii talaadada hawada ka celisay diyaarad ay leedahay shirkadda Ethiopian Airlines, noceeduna yahay Dash 8-Q400, kuna duuleysay lambarka duulimaad ee ET8372, taas oo ku socotay Hargeysa kanasoo duushay magaalada Addis Ababa, hay’adda ayaa sheegtay in diyaaraddu aysan heysan wax fasax ah oo ay kusoo gashay hawada Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys, ayaa xaqiijiyay warkan, isagoo caddeeyay in diyaaradda ay la socdeen saraakiil sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya.
Dhacdooyinkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo maalmihii lasoo dhaafay ay jirtay xiisad u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya kadib markii Dowladda Itoobiya ay heshiis is afgarad la gashay Somaliland arrintaas oo Soomaaliya ka careysiisay.
Soomaaliya ayaa dooneysa in dowladda Itoobiya ay heshiiskan dib uga laabato, iyada oo Addis Ababa ay ku madax adeygtay go’aankeeda.
Heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee 1 dii January ay kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya u ogolaanaya in ay Somaliland ka kirayso qayb kamid ah xeebaha Somaliland, kaas oo lagu sheegay in Itoobiya ay kiro ku dooneyso si ay uga sameyso saldhig ciidan iyo Deked.
Saxiixa heshiiskan ayaa waxaa si kulul uga carooday Soomaaliya oo u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Itoobiya, waxayna xiriir diblomaasiyadeed oo dhow la bilowday Masar iyo Eritrea oo ah laba dal oo daneynaya in la xakameeyo damaca Itoobiya ee gobolka.













