Maxay tahay sababta Iran ay weerarro duqaymo ugu qaadday dhulka xulafadeeda?

Gantaallada Iran

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Gantaallada Iran

Iran ayaa laba maalmood gudaheed qaadday duqeymo ka dhan ah bartilmaameedyada saddex dal oo xulafo la’ah Suuriya, Ciraaq iyo Pakistan. Pakistan ayaa kaga jawaabtay gantaal ay ku weerartay dhulka Iran. Haddaba maxay tahay sababta ay Iran u samaysay, maxayse hadda ugusoo beegantahay?

Wax kastaa waxay soo jeedinayaan in militariga Iran, ay Ilaalada Kacaanka cadaadis ku saareen inay tallaabo ka qaadaan kooxaha mayalka adag ee Islaamiyiinta ah ee gudaha dalka.

Dadkan mayalka adag ayaa si isa soo taraysa uga xun in Iran aysan wax ka qabanin sida muuqata in Israa’iil ay dad badan oo Falastiiniyiin ah ku laysay Qasa.

Waxa kale oo ay ka caraysan yihiin in Iran aysan wax ficil ah qaadin kadib markii ay cadawgeeda soo jireenka ah ee Israa’iil ku dileen tiro ka mid ah taliyayaasha Ilaalada Kacaanka ee Suuriya iyaga oo afka uun ku taageeray Xuutiyiinta markii ay la kulmeen weerarrada Maraykanka iyo UK.

Kadibna waxaa dhacay weerar bambaano oo ay sheegatay kooxda isku magacawda Dowladda Islaamka ee (IS) oo laba toddobaad ka hor ka dhacay magaalada Kerman ee dalka Iran, kaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 84 qof.

Ilaaladu waxa ay dareemeen in ay ku qasbanyihiin in ay si uun ficil u qaadaan, iyaga oo aan kor u qaadin xiisadda kala dhaxaysa Israa'iil iyo Maraykanka. Iran ayaa ka taxadartay in ay si toos ah ugu lug yeelato dagaalka Israa’iil iyo Qasa, inkastoo ay taageero militari siiso Xamaas, Xuutiyiinta iyo Xisbullah.

Hase yeeshee, weerarradii ay ku qaadeen Suuriya, Ciraaq iyo Pakistan, waxay u muuqdaan inay iska dhaliyeen dhawr gool.

Iran ayaa sheegtay in weerarka gantaallada iyo kuwa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee gudaha Pakistan lagu bartilmaameedsaday kooxda xagjirka ah ee Jaish al-Adli, waxa ay ugu yeertay "koox argagixiso oo Iraniyiin ah". Balse Pakistan waxay sheegtay inay dishay laba carruur ah.

Pakistan, oo kamid ah quwadda nukliyeerka, ayaa dareentay inay ku qasban tahay inay ka jawaabto weerarka, kaas oo xadgudub cad ku ahaa madaxbannaanida Pakistan iyo madaxbannaanideeda dhuleed.

waxa ay qaadday weeraro ka dhan ah waxa ay ku sheegtay “argagixisada” Pakistan ee fadhigoodu yahay Iran iyo in ay halkaas gabbaad ka dhiganayaan, waana ciidanka Xoraynta Balochistan iyo Jabhadda Xoraynta Balochistan. Iran ayaa sheegtay in saddex dumar ah, laba rag ah iyo afar carruur ah la dilay.

Weerarrada Iran

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Weerarrada Iran
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Weerarrada ku dhufo oo ka dhaqaaqda ah ayaa si xun u dhaawacay xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeyay dalalkan deriska ah. Ilaalada Kacaanku ma aysan filanayn falcelintan Pakistan.

Iran iyo Pakistan waxay wadaagaan xuduud 900-km ah taas oo ay adag tahay in midkoodna la xakameeyo wada shaqayn la'aan. Pakistan waxa ay xulafo culus ku lahayd golayaasha caalamiga ah, iyada oo inta badan u codayn jirtay Tehran.

Weerarka lagu qaaday Suuriya ayaa u muuqda mid jawaab u ah dilalka ka dhacay Kerman. Laakiin xitaa halkaas, ma jiraan warar sheegaya in weerar weyn lagu dilay xubno IS ah ama kooxaha mayalka adag ee Sunniga ah, sida Iran ay sheeganeyso.

Ciraaq, laga yaabee dalka deriska la’ah ee ugu dhow iyo xulafada Iran, dowladdu waxay aad uga carootay weerarrada halkaas oo Iran ay u adeegsatay ilaa 11 gantaal oo balaastiik ah si ay ugu garaacdo bartilmaameedka Irbil, ee gobolka Kurdistan ee Ciraaq.

Iran ayaa sheegtay in ay bartilmaameedsatay xarun hawlgal oo ay ku lahayd Mossad, oo ah hay’adda sirdoonka Israa’iil. Balse maamulka Ciraaq iyo Kurdiyiinta ayaa sheegay in la weeraray guriga nin ganacsade ah oo caan ah, kaasoo ay ku dhinteen xaaskiisa iyo labo caruur ah oo uu midkood ka yar yahay hal sano.

Dowladda Ciraaq ayaa u dacwootay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo lagu wado in lagala hadlo weerarradan. Dhacdadani waxa ay meesha ka saartay xiriirkii derisnimo ee soo socday muddo sannado ah, in kasta oo ay dhawr arrimood oo macaamil ah oo labada ummadood dhexdooda ah jiraan.

Ilaalada Kacaanka ayaa laga yaabaa in ay qaateen go'aanka ay ku qaadeen weerarrada ka dhanka ah saddexda waddan kadib markii ay la tashadeen oo keliya hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran. Waxaa jira arrimo muujinaya in waxyaabaha qaar aan lagala tashan wasiirka arrimaha dibadda ka hor inta aan weerarrada la qaadin.

Weerarada todobaadkan ayaa u muuqda kuwo sii wiiqay mawqifkii caalamiga ahaa ee Iran, isla markaana halis galiyay difaaceeda, waxaana sidoo kale ay u muuqdaan kuwo ilaalada Kacaanka aysan ka fiirsan iyagoo la sheegay in ay u nugul yihiin in ay galaan khataro aan la qiyaasi karin.