Muxuu salka ku hayaa kaftanka caan baxay ee "Lugo baasto" ee lagu dhaliilo ragga Soomaalida?

Dhismaha Lugaha
Qoraalka sawirka, Maxuu tababarka Lugaha muhiim u yahay?
    • Author, Issak Malin
    • Role, Wariye

Waxaa jira kaftan caan baxay kaas oo ay dumarka Soomaalidu ku xifaaleeyaan ragga Soomaaliyeed, oo la xiriira dhumucda lugahooda. "Faarax luga baasto" ayaa ah kalmada ay inta badan adeegsadaan dumarku, marka ay ka hadlaan dhuubnida lugaha raga qaar. Balse itaalka adimada ee bani'aadamka oo dhan ayaa ah mid ay ka wada siman yihiin bulshooyinka oo dhan.

Marka laga soo tago bulshooyinka caalamka arintaan ayaa si gaar ah dumarka soomaaliyeed waxa ay ka dhigteen hadal-heyn ay ku xifaaleeyaan gayaankooda.

Waxaana jira rag badan oo arinkaan ka gadoodsan oo diidan in loogu yeero magacaas, kuwaas oo qaarkood tagay goobaha jirdhiska si ay u nabad galaan.

Balse Cabaas Cali Maxamed oo ka tirsan dhalinyarada macalimiinta ka ah mid kamid ah goobaha jirdhiska ayaa ku doodaya in tani aysan ahayn wax u gooni ah raga Soomaaliyeed.

‘’Dadkeena Jir ahaan ayay yihiin dad dhuudhuuban", ayuu yiri Cabaas. "Marka yaan ragga kaliya loo saarinin lugo yaraanta oo dumarka xitaa waa kuwo jir ahaan yar, maadaama soomaalidu isku jinsi tahay, weyna jiraan dadka qaar oo jirkooda isku dheela tiranyahay’’.

Jimicsi
Qoraalka sawirka, Macalin Cabaas oo sameynaya jimicsiga lugaha

Cuntada iyo dhumacda adimada

Sababo kala duwan oo ay kamid tahay Cuntooyinka ayaa ka qeyb qaata qaab dhismeedka jirka, si ay qabaan dhaqaatiirta nafaqada.

Bulshooyinka ayaa iyana ku kala duwan hab dhaqanka iyo cuntooyinka, taas ayuu qabaa Cabaas in ay muhiim ka dhigayso in rag badan ay helaan casharo ku saabsan sida qofka uu u xakameyn lahaa cuntadiisa sidoo kale u qaadan lahaa cunto isku dheelatiran.

Cuntooyinka ayaa ah inta badan kuwa sii caawinaya dadka sameeya jimicsiga jirdhiska, sida uu sheegay Cabaas, oo shaqadiisa ay qayb ka tahay nafaqaynta jirka.

Cunto xumada ayuu tilmaamay in ay qayb wayn ka qaadato koritaanka balaca adimada. ‘’Cuntooyinka soomaalida waxa ay u badanyihiin kuwo ka sameysan bur. Waa kuwo laga helo tamar oo kaliya, dadkana waxaa laga rabaa in ay isku dheelatiraan cuntooyinkooda si caafimaadkooda iyo jirkoodaba iskugu dheelatirnaadaan’’.

Dheelitirka Cuntada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Cuntada Soomaalida

"Dadka qaar oo aan diiradda saarin jimicsiga lugaha"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Ragga taga goobaha jirdhiska ayaa iyana waxaa lagu dhaliilaa in aysan diiradda saarin dhismaha lugaha sida ay u dhisaan murqaha xabadka ama gacmaha.

Kuwa badan oo sameeya jimicsiga ayaa sheegay inay u doorbidaan dhisidda murqahaan maadaama ay yihiin inta badan meelo muuqda. Xaragada ayay sidoo kale qayb ka qaataan qaybaha jirkaas.

Kuwa kalana ayaa sheegaya in dhismaha lugaha ay ka shaqo badantahay jirka intiisa kale, waana sababta aysan xoogga u saarin in ay qaadaan biraha lugaha lagu dhiso.

"Qofka waxaa laga rabaa in jirkiisa uu ula macaamilo sida uu qeybta kore ula macaamilo in uu qeybta hoosana ula macaamilo, si jirkiisa uu u noqdo mid isku dheelitiran", ayuu yiri Cabaas oo ka hadlayay muhiimadda ay leedaha dhisidda lugaha.

"Lugaha waxa ay leeyihiin tababaro badan, mashiino badan iyo qalab loo isticmaalo, hadii aan ku soo koobo dhowr xabo, waxaa ka mid ah Kadaloobsi, waxaa kale oo jira mashiin la riixaayo iyo qalab badano oo loogu talagalay in qofka uu lugahiisa ku dhiso, laakiin ciladdu kama jirto xagga qalab la,aanta ama in aan la heysan tababar lagu dhiso ee waxa ay ka jirtaa xagga bulshada oo u maleeya in lugaha shaqo badan ama adag ay tahay in la dhiso".

Wuxuu kula taliyay dhalinyarada Rag iyo Dumar, in dhismaha murqaha lugaha uu muhiimad u leeyahay jirka, sida aasaasku muhiimad ugu leeyahay dhismaha guriga.

Dhismaha qeybta hoose ee jirka
Qoraalka sawirka, Jimicsiga lugaha

Muxuu tababarka Lugaha muhiim u yahay?

Tababarka lugaha ma aha hawl fudud, iyadoo sameynta jimicsigaan lugtu uu yahay mid ka mid ah kuwa ugu shaqada badan ee jirka qeybihiisa kale, waxaana qofka dhisaya lugaha looga baahanyahay in uu asbuuckasta maalmo gooni ah xoogga saaro jimicsigaan.

Way fududahay in la iska indho tiro tababarka lugaha iyada oo loo eegayo qaybaha kale ee jirka, laakiin tababarka lugahaagu waxay lama huraan u yihiin dhisidda jir dheeli tiran, sida ay ku talinayaan xeeldheerayaasha jimicsiga.

Ma aha oo kaliya inay kaa caawin doonto koritaanka murqaha lugahaaga, laakiin dadka sameeya jimicsiyada jirdhiska gaar ahaan lugaha ayaa ka dhisan jir ahaan kuwo xooga saara dhismaha qeybahooda kale ee jirka, sida ay qabaan xeelsheerayaashu.