Saamaynta iyo danaha Shiinuhu ku leeyahay Kanaalka Panama

Donald Trump oo jeediyey khudbadiisii ugu horeysay tan iyo markii uu qabtay xilka madaxtinimada Mareykanka Isniintii, ayaa ku celiyay arrin uu horay u sheegay maalmo ka hor, taasoo ahayd in uu aaminsan yahay in "ciidamo cajiib ah oo ka socda Shiinaha" ay "si jaceyl ah laakiinse sharci-darro ah uga hawlgalaan Kanaalka Panama".
Sheegashadaas waxaa beeniyay mas'uuliyiin ku sugan magaalad Panama iyo Beijing.
Madaxweynaha Panama Jose Raul Mulino ayaa ku celceliyay arrintan isagoo ugu yeeray "wax aan macno lahayn", wuxuuna carabka ku adkeeyay in gabi ahaanba aysan jirin faragelin Shiinees ah oo ku saabsan kanaalka.
Todobaadyadii la soo dhaafay, Trump waxa uu ku hanjabay in uu xoog ku soo celin doono kanaalka, isaga oo jeediyey eedeymo ah in canshuuro "aad u badan" lagu soo rogay maraakiibta Mareykanka, taas oo ah sheegasho kale oo ay diideen mas'uuliyiinta Panama.
Marin-biyoodkam istaraatiijiga ah, oo ay maraan qiyaastii 5% ganacsiga baddaha ee adduunka u kala goosha waxaa maamula "Panama Canal Authority," oo ah hay'ad dawladeed oo Panama ah, mana maamulaan askarta Shiinaha.
Laakin sheegashada Trump ayaa ka tarjumaysa walaaca ay qabaan qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee ku saabsan maalgashiga muhiimka ah ee Shiinaha ee kanaalka iyo kaabayaasha ku xeeran.

Taariikhda Kanaalka
Taariikh ahaan, Maraykanku wuxuu door muhiim ah ka ciyaaray dhismaha iyo maareynta marinka, kaas oo isku xira badweynta Atlantic iyo badda Pacific.
Kadib markii Faransiisku ku guuldareystay inuu dhiso, Mareykanka ayaa helay xuquuqda inuu fuliyo mashruuca.
Dhismaha kanaalkan ayaa la soo gabagabeeyey 1914kii.
Wuxuu ku sii jiray gacanta Maraykanka ilaa 1977-kii, markaas oo madaxweynihii xilligaas Jimmy Carter uu saxiixay heshiis uu si tartiib tartiib ah kanaalka ugu wareejinayo Panama, kaas oo Trump uu ku tilmaamay "nacasnimo".
Tan iyo 1999, Maamulka Kanaalka Panama, oo ay leedahay dowladda Panama balse si madax-bannaan u shaqeeya, ayaa leh xakameyn gaar ah oo ku saabsan howlgallada marin biyoodka ee u dhexeeya badaha.
Heshiisyadii ay Mareykanka iyo Panama saxiixeen waxay qeexayaan in kanaalku uu ahaan doono mid si joogto ah u ah dhexdhexaad, laakiin Mareykanku wuxuu xaq u leeyahay inuu difaaco wixii khatar ah ee soo wajaha dhexdhexaadnimada kanaalka iyadoo la adeegsanayo awood milatari heshiiskan gudahiisa.
Waa maxay doorka Shiinaha ee hawlgallada kanaalka?
Ma jirto caddeyn muuqata oo muujinaysa in dowladda Shiinaha ay gacanta ku hayso kanaalka, laakiin shirkadaha Shiinaha ayaa si weyn ugu jirta halkaas.
Laga soo bilaabo Oktoobar 2023 ilaa Sebtember 2024, Shiinuhu wuxuu ka qeyb qaatay 21.4% mugga xamuulka ee mara Kanaalka Panama, taasoo ka dhigaysa isticmaalaha labaad ee ugu weyn ka dib Mareykanka.
Sanadihii u dambeeyay, Shiinaha sidoo kale wuxuu si weyn u maalgashaday dekedaha iyo terminal-yada ku dhow kanaalka.
Laba ka mid ah shanta dekedood ee ku xeeran kanaalka, Balboa iyo Cristobal, oo ku yaalla dhinacyada Pacific iyo Atlantic siday u kala horreeyaan, waxaa hawlgallo ka sameeyay shirkad ka tirsan Hutchison Port Holdings tan iyo 1997.
Shirkaddaas waa laan ka tirsan CK Hutchison Holdings, oo ah shirkad weyn oo fadhigeedu yahay Hong Kong, waxaana aasaasay ganacsade ka soo jeeda Hong Kong ah oo la yiraahdo Li Ka-shing.

Waa maxay danaha Shiinaha ee Panama?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marinkan istaraatiijiga ah ee Panama ayaa keentay in Shiinuhu uu sannado badan u tartamo sidii uu u kordhin lahaa saamaynta uu ku leeyahay dalkaas oo uu ku balaariyo.
Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqashadiisii ugu horreysay ku tagay Panama sanadkii 2018-kii.
Sannadkii 2017-kii, Panama waxay u jartay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Taiwan, waxayna xiriir rasmi ah la samaysay Shiinaha, taas oo muujinaysa guul weyn oo u soo hoyatay diblomaasiyadda Shiinaha.
Bilo ka dib, Panama waxay noqotay waddankii ugu horreeyay ee Laatiin Ameerika ah ee ku biira Hindisaha Belt and Road Initiative ee Shiinaha, oo ku kacaya trillion dollar kaas oo taageeraya kaabayaal caalami ah iyo mashruuc maalgashi.
Dalalka Dominican Republic, El Salvador, Nicaragua iyo Honduras ayaa raacay oo sidoo kale xiriirka u jaray Taipei iyaga oo door biday Beijing.
Shirkadaha Shiinaha ayaa sidoo kale kafaala qaaday "koorsooyinka tababarka warbaahinta" ee saxafiyiinta Panama.













