Maxaan ka naqaanaa gacanka Panama ee uu Trump ku hanjabay inuu la wareegi doono?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu la wareegi doono gacan ku haynta marinka Panama, haddii aanay dawladda Panama dhimin cashuuraha laga qaado maraakiibta Maraykanka ee mara marinkaas.
"Qaybta canshuuraha ee Panama aad ayay u sareysaa, cadaalad ma ahan," ayuu Trump ka sheegay munaasabad ka dhacday gobolka Arizona. "Qiimaha sare ee Maraykanku waa inuu si dhakhso ah u joogsadaa."
Hadalka Trump ayaa waxaa ka xumaaday madaxweynaha Panama, Jose Raul Molino, waxaana uu yiri in biyo kasta oo Panama ku yaalla iyo nawaaxigeeda ay iska leeyihiin Panama, isagoo intaa ku daray in madax-bannaanida dalkiisa ay tahay mid aan gorgortan laga geli karin.
Maxaan ka ognahay marin biyoodka Panama ee uu Trump ku hanjabay inuu la wareegi doono? Sidee bay muhiim ugu yahay Maraykanka?
Juquraafi ahaan goobta iyo muhiimada ay leedahay
Jasiiradda Panama waa biyaha labaad ee ugu muhiimsan adduunka kadib kanaalka Suweys, waana mid ka mid ah guulaha injineernimada ee ugu weyn qarnigii 20-aad.
Waxa ay ku taallaa dalka Panama, waxayna u dhaxaysa badweynta Baasifigga iyo badweynta Atlaantigga, dhererkeeduna waa 77 kilomitir.
Waxa dhinac walba kaga wareegsan dhowr haro, sida harada Gatun, oo ah kayd biyood loo baahan yahay in lagoodu ay hawlo caadi ah u qabato.
Deegaanka aaggan waxaa lagu gartaa dabeecad qani ah oo kaymo roobaadka ah iyo kala duwanaanta deegaanka.
Jasiiraddan ayaa ah mid leh muhiimad istaraatiijiyadeed oo aad u weyn maadaama ay kaalin muhiim ah ka qaadatay ganacsiga caalamiga ah, iyadoo hoos u dhigtay masaafada safarka maraakiibta oo ahaa qiyaastii 13,000 ilaa 8,000 kiilomitir.
Kahor inta aan la dhisin marinkan, maraakiibtu waxay ku qasbanaayeen inay ka gudbaan Cape Horn ee Chile, oo ah waddo khatar ah oo dheer.
Isbeddelladan waaweyni waxay gacan ka geysteen badbaadinta wakhtiga iyo dadaalka iyo dhimista kharashka gaadiidka, samaynta marinka waxa uu noqday mid lagama maarmaan ah oo muhiim u ah ganacsiga caalamiga ah.
Maraykanku waa kan ugu badan ee isticmaala gacanka Panama?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Jaziiraddu waxaa mara in ka badan 14,000 oo markab sanad walba – oo u badan maraakiibta Maraykanka, Shiinaha iyo Japan – kuwaas oo sida badeecooyin qiimahoodu ka badan yahay 270 bilyan oo doolarka Maraykanka ah.
Maraakiibta qaada gawaarida, gaaska dabiiciga ah, iyo maraakiibta dagaalka ayaa mara biyahan, sidoo kale maraakiib wada wax soo saarka beeraha sida galleyda iyo soyanka ee ka yimaada Mareykanka ilaa Aasiya, iyo badeecadaha iyo gaadiidka elektaroonigga ah ee Aasiya ilaa Yurub iyo Mareykanka.
Jasiiradda Panama waxa ay muhiim u ahayd dhaqaalaha Maraykanka, oo ah kan ugu badan ee isticmaala jasiiradda, iyada oo 73% gaadiidka jasiiraddaasi ay ka yimaadaan Maraykanka.
Sababaha ugu waaweyn ee keenay kordhinta cashuuraha kastamka oo uu si weyn u dhaliilay madaxweynaha la doortay ee Maraykanka, Donald Trump, ayaa waxaa sabab u ah isbeddelka cimilada oo caqabad ku ah maraakiibta mara biyaha badda.













