Sixitaan ku saabsan walaaca Eritrea ee heshiiska Itoobiya iyo Soomaaliya

Xigashada Sawirka, @VillaSomalia
Ka dib sheekadii dhawaan aan baahinay "maxay Eritrea uga soo horjeesatay heshiiskii dhex maray Itoobiya iyo Soomaaliya" BBC Somali waxay samaynaysaa sixitaan iyo caddayn.
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ku kulmay magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea, maalmo kadib markii Muqdisho iyo Addis Ababa ay Ankara ku gaareen heshiis uu garwadeen ka ahaa madaxweyaha Turkiga.
Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa ka dhexeeyay xiisad soo taagneyd ilaa maalinkii koobaad ee sanadkan, taas oo salka ku heysay is-afgarad ay kala saxiixdeen dowladda Addis Ababa iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland. Is-afgaradkaas ayaa Itoobiya siinayay marin toos ah oo badda ah, halka ay Somaliland ka heli laheyd Itoobiya aqoonsi rasmi ah.
Labada hogaamiye ma aysan carrabaabin heshiiskii Ankara, ayadoo wasiirka warfaafinta ee Eritrea uu sheegay in labada hogaamiye ay ka wada hadleen adkaynta heshiisyadii hore u dhexmaray, oo ay ku jiraan heshiiskii seddex geesoodka ahaa ee ay Asmara ku wada saxiixeen Erittrea, Soomaaliya iyo Masar.

Xigashada Sawirka, Xukuumadda Eritrea
Kulanka u dhaxeeyey madaxweyneyaasha Eritrea iyo Soomaaliya ayaa yimid wakhti la isla dhex marayo sida laga yaabo in Eritrea ay uga jawaabto in Itoobiya oo aan bad lahayn ay u hesho marin badeed ama xataa saldhig ciidan badeed.
BBC oo xiganaysa Cabdiqaadir Idiris, oo aan ku sheegnay in uu La-taliye u yahay Wasaaradda arrimaha Dibedda ee Eritrea, ayaa baahisay in Eritrea ay ka walaacsan tahay heshiiskaas, iyo in Soomaaliya ay Itoobiya siiso marin badeed toos oo ku xiraya badda cas.
Laakiin safaaradda Eritrea ee London oo la soo xiriirtay BBC ayaa beenisay arrinkaas, iyada oo sheegtay in qof magacaas iyo xilkaas leh uusan u shaqeynin wasaaradda arrimaha dibedda ee Eritrea, islamarkaasna uu yahay been-abuur.
BBC Somali waxay isku daydaa inay soo gudbiso sheekooyin dhinacyo kala duwan leh oo saamaynaya akhristayaasheenna, waxaan sidaas u samaynaa annagoo raacayna qiyam iyo habraacyo tifaftir oo adag. Haddaba, markan waxaan ka gaabinnay habraacyadaas. Waxaan si kal iyo laab ah raalli galin uga bixinaynaa khaladkaas. Waxaan fahamsannahay muhiimadda sax ahaanshaha iyo sharafka wararkeenna, waxaanan xaqiijin doonnaa in qiyamkaas uu nagu hagi doono saxaafad lagu kalsoon yahay.
Fadlan ha ka welwelinina, waxaan qaadeynaa tallaabooyin aan ku eegi doono oo aan ku hagaajin doono habraacyadeena si aan uga hortagno in arrimo sidan oo kale ah ay mustaqbalka soo baxaan.
TILMAAN:
Sheekadaan waa la cusbooneysiiyey maadaama tii ka horreysay aysan noqon mid waafaqsan heerarka tifaftirka ee BBC, taasoo aan raalli gelin ka bixinayno.













