Maxaa sababay in la hakiyo duulimaadyadii Kismaayo tagi jiray

Xigashada Sawirka, Shaaciye.com
Waxaa maanta la hakiyay duulimaadyadii aadi jiray magaalada Kismaayo ee Jubbaland ee ka bixi jiray Muqdisho. Sidoo kale waxay arrintaas saamaysay rakaabkii ka soo bixi lahaa magaalada Kismaayo.
Arrinta hakinta diyaaradaha Kismaayo ayaa imaanaysa kadib markii diyaarad shalay ka baxday Muqdisho ay ka degtay magaalada Kismaayo, kadibna ay sida la sheegay qaadday wefdi ka socday Kismaayo oo ay gaysay magaalada Doolow ee gobolka Gedo.
Intii ay taagnayd xiisadda Federaalka iyo Jubbaland, waxaa ay dowladda federaalku joojisay in diyaarado aadaan Doolow. Baaqashada diyaaradaha Kismaayo, ayaa saameyn ku yeeshay rakaabkii u safrayay labada dhinac.
Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in shalay diyaarad si xoog ah Kismaayo looga afduubtay.
"Diyaarad ay leedahay shirkadda Halla Airlines ayaa si xoog ah looga afduubay magaalada Kismaayo, iyada oo lagala wareegay qalabkii isgaarsiinta taasoo halis galisay amnigii diyaaradda iyo rakaabkii saarnaa," ayaa lagu yiri warbixin ay soo saartay hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.
Sababta keentay in hakad uu ku yimaado duullimaadyadii tagi lahaa Kismaayo ayey hay'addu ku sheegtay cabsi laga qabo wixii shalay dhacay in diyaaradihii ay ku dhiiran waayaan in ay Kismaayo u safraan maanta.
"Haddaba cabsi ka dhalatay falkaas ayaa keentay in diyaardihii u safri lahaa Kismaayo, ay saaka ku dhiirran waayaan safarradoodii u qorshaysnaa ee magaalada Kismaayo", ayaa lagu yiri warka la soo saaray.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in arrinta baaqashada safarrada diyaaradaha ay shacabka ku yeelatay saameyn taban.
Mas'uuliyiinta Shirkadda diyaaradaha ee Halla Airlines oo maanta Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa iyaguna xaqiijiyay in diyaarad shirkaddu leedahay oo shalay Kismaayo dad gaysay lagu qasbay shaqaalihii in ay Doolow u duulaan arrintaas oo maamulku aanu raali ka ahayn.
"Diyaaraddu markay Kismaayo tagtay waxaa dhacday in duuliyayaashii lagu qasbay duulimaad ah Kismaayo ilaa Doolow, duulimaadkaas oo aanan raali ka ahayn oo aan qorshaha noogu jirin," ayuu yiri guddoomiyaha shirkadda oo lagu magacaabo Ismaaciil Barwaa.

Xigashada Sawirka, JUBALAND TV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, maamulka Jubaland, ayaa sheegay in aan lagu soo war-gelin in la hakinayo safarrada Kismaayo lagu imaan jiray, ilaa iyo haddana ay garoonka Kismaayo joogaan dad saaka halkaa u tagay in ay baxaan.
Wasiirka war-faafinta maamulkaas Cabdifitaax Maxamed Mukhtaar ayaa tallaabada lagu hakiyay duulimaadyadii Kismaayo imaan jiray ku tilmaamay fal aga xumaado oo horey loogu fashilmay.
"Ka Jubbaland-ahaan aad ayaan uga xunahay, waxaana u aragnaa, waddada uu hadda isticmaalayo madaxweynaha dowladda federaalka waddo horey loo adeegsaday oo lagu fashilmay," ayuu yiri wasiirka warfaafinta Jubbaland.
Wasiirku waxaa uu intaa raaciyay in dadweynihii raaci lahaa duulimaadyada Kismaayo iyo Muqdisho isaga gooshi lahaa ee la hakiyay ay isugu jiraan dad caafimaad u socday iyo kuwo dano kale oo muhiim ah lahaa.
Laakin hay'adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in arrinta taagan ay baaritaan ku sameynayso, iyadoo kaashanaysa shirkadaha diyaaradaha si xal degdeg ah loogu helo.
Wasiirka warfaafinta Jubbaland ayaa yiri "Jubbaland go'aanno ayay ka soo saari doontaan arrintaan".
Arrintan ayaa imaanaysa xilli uu taaganyahay khilaaf xooggan oo u dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland, kaasoo hadda u muuqda inuu sii ballaaranayo.
Ma ahan markii ugu horreysay oo sidaan oo kale loo joojiyo duulimaadyo isaga kala gooshi lahaa magaalooyin ku yaalla Soomaaliya oo marar hore ayay dhacday taas oo mar walba saameyn ku yeelata dadka shacabka ah ee safarradu u qorshaysnaayeen.













