Maxay heshiiskii Ankara u dhimi karaan eedeymaha Soomaaliya ee ay u jeedisay Itoobiya?

Xigashada Sawirka, X
Waxaa maalintii shalay ahayd uu dagaal ka dhacay magaalada Dolow ee gobolka Gedo ee Soomaaliya.
Dagaalkan ayaa waxaa sida la sheegay uu u dhaxeeyay ciidamo taabacsan Jubaland iyo kuwa dowladda Federaalka ee Soomaliya.
Balse waxaa dhinacyada kala duwan ka soo baxaya warar i khilaafsan oo ah in dagalka ay ku lug lahaayeen ciidamada itoobaya.
Dowladda federaalka ee Soomaliya ayaa ku eedeysay ciidamada Itoobiya ee halkaasi ku sugan in dagaalkaasi ay soo qaadeen.
Bayaanka dowladda ayaa lagu yiri "Saaka abaare 10:00AM, ayaa Ciidamada Dowladda Itoobiya weerar lama filaan ah kusoo qaadeen fariisimo ay Ciidanka Qaranka Soomaaliya ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo,".
Dowladda oo faahfaahin ka bixinaysasida ay wax dhaceen ayaa sheegatay in la weeraray dhowr xero oo ay cidamada dowoladda ku sugnaayeen.
"Weerarkan oo u muuqday mid si qorsheysan loo fuliyay ayay Ciidamada Itoobiya ku beegsadeen saddex saldhig oo ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Nabad sugidda NISA, iyo Booliska" ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda arrimaha dibadda.
wasaaradda arrimaha dibadda ee soomaaliya ayaa dhanka kale ka digtay in falkan uu wax u dhimi karo dadaaladii socday ee lagu xalinayay khilaafka u dahxeeya Itoobiya iyo soomalaiya.
"Falkan waxaa lagu soo beegay xilli Dawladda Soomaaliya ay ku jirto dadaallo nabadeed oo lagu xoojinayo heshiiskii Ankara, iyadoo isla maanta wafdi sare u dirtay magaalada Addis Ababa, Nasiib-darro, ficiladan ka yimid dhanka Itoobiya waa kuwo si cad ugu xadgudbaya heshiiskii Ankara, Axdiga Midowga Afrika, qawaaniinta Qaramada Midoobay, iyo dhaqanka deris-wanaagga" ayaa lagu yiri.
Maxay ka tiri Jubaland?
Maamulka Jubaland ayaa dhankooda wixii ka dhacay shalay dolow ku eedeeyay in ay masuul ka ahayd dowladda federaalka ee Soomaaliya.
Dagaalka ayay Jubaland sheegtay in uu yahay mid lagu qalqal galinayo xasiloonida iyo deganashiyaha Jubaland.
"Dowladda Jubaland waxay caddeynaysaa in khasaaraha weerarkaasi gardarada ah ka dhashay uu qaaday dagaal-ooge Xasan Sheekh Maxamuud oo aan ka waantoobin in dagaal ehli ah oo khasaaro badan ka dhasho ka huriyo dagaanada Juabaland tan iyo 2013-kii". ayaa lagu yiri bayaanka Jubaland.
Maxay arrintan u dhimi kartaa heshiiskii Itoobiya iyo Soomaaliya?

Xigashada Sawirka, SNTV
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa magaalada Ankara kaga dhawaaqay 12 bishan December in ay ka heshiiyeen khilaafkii diblamaasiyadeed ee u dhaxeeyay 11-kii bilood ee lasoo dhaafay.
Khilaafka ayaa ahaa mid salka ku hayay is-afgarad ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaasi oo dowladda Soomaaliya ay si adag uga hortimid kuna tilmaantay weerar ka dhan ah madax banaanideeda dhuleed.
Qaar ka mid dadka falanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in arrintan ay xagal daacinayso dadaalkii socday ee ku aadanaa in Itoobiya iyo Soomaaliya ay isku soo dhawaadaan oo ay ka heshiiyana arrimaha ay isku hayaan.
Maxamed Mukhtaar oo ka faalooda arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in arrintan ay halis galin karto dadaalada socda ee labada dhinac.
"Arrintan waxay micnaheedu tahay in ay Itoobiya xagal daacinayso baaqii ankara dhawaan lagu soo gaaray iyo dadaalka la rabo in lagu xojiyo oo lagu soo wanaajiyo xiriirkii u dhaxeeyay labada dal" ayuu yiri Mr Mukhtaar.
Mr Maxamed ayaa dhanka kale sheegay in arrintan ay saameyn ku yeelan doonto dadka gobolka Gedo oo ah meesha imika la isku hayo.
"Waxay sidoo kale saameyn ku yeelanaysaa dadka reer Gedo oo nqonaya dadkii dushooda lagu dagaalamayay ama dadka deegaanka oo ay saameyn ku yeelanayso " ayuu intaa ku daray.
Maxamed Mukhtaar ayaa dhanka kale farta ku fiiqay in madaxda Soomaalida looga baahan yahay in ay dhexdooda ka heshiiyaan khilaafka u dhaxeeya.
"Anaga soomaali ahaan waxaan u baahanahay inaan anaga dhexdeena ha noqoto dowladda federaalka ama Jubaland inay farqi u dhaxeeya ay xalistaan oo aynan keenin in labada dhinac ay qori isu adeegsadaan sidoo kalana aan la siu adeegsan ciidamo shisheeye" ayuu xusay Mr Mukhtaar.













