Maxay ka dhigan tahay tallaabada ay Soomaaliya ku cayrisay diblomaasiga Itoobiyaanka mase sii kordhin kartaa xiisadda labada dal?

Soomaaliya iyo Itoobiya

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Dowlada Soomaaliya ayaa dalkeeda ka cayrisay Cali Maxamed Aaden oo ahaa diblomaasi Itoobiyaan ah oo ka howlgalayey safaaradda Itoobiya ee Muqdisho kaas isaga oo ahaa la taliyaha labaad ee safaaradda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaliya ayaa soo saartay warqada ah "Shakhsi aan la rabin". Wasaaraddu waxay sheegtay in diblomaasigan uu ku howlanaa wax baalmarsan shaqadiisa.

Diblomaasigan Itoobiyaanka ah ayaa loo qabtay inuu Soomaaliya kaga baxo muddo 72 saacadood gudahood ah.

Wasaaradda waxay sheegtay in ‘‘Cali uu ku kacay fal an waafaqsanayn xilkiisa diblomaasinnimo. Ficilladiisuna waxay jebinayaan heshiiskii Veina ee xiririka diblomaasiyadeed(1961) gaar ahaan qodobbada 41 iyo 42 kuwaas oo faraya diblomaasiyiinta inay ixtiraamaan shuruucda dalka martida loo yahay oo aysan ku lug yeelan arrimaheeda gudaha,” ayaa lagu yiri warqadda, iyadoo aan wax faahfaahin kale laga soo bixin.

Dowladda Itoobiya ayaan iyadana weli wax war ah kasoo saarin arrintan.

Haddaba maxay ka dhigan tahay?

Soomaaliya iyo Itoobiya

Xigashada Sawirka, MFAS

Qoraalka sawirka, Cali Maxamed Aaden, diblomaasiyaga Itoobiyanka ee dowladda Soomaaliya ka cayrisay dalked

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa BBC-da u sheegay in tallaabadan ay ka dhigan tahay in xukuumaddu aysan ku faraxsanayn joogitaanka diblomaasigan.

‘‘Go’aankan anigu sidaan u fahansahay wuxuu ku saabsan yahay ninkaas uun, intii muddo ahna xiririka Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu xumaa ka dib is afgaradkii ay wada saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya”ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.

Cawad, wuxuu intaa raaciyey in matalaaaddii diblomaasiyada ee ka dhaxaysay labada dal hoos loo dhigay oo aysan safiiro hadda joogin, balse diblomaasiyiintii kale ay wali joogaan dalalka.

‘‘Dalalku xaq ayey u leeyihiin waa doorasho ay haystaan in diblomaasiga la cayriyo haddii diblomaasigu xad gudub sameeyo”ayuu BBC-du u sheegay.

Danjire Cawad, wuxuu sheegay in cayrinta ka hor ay jiraan dariiqyo kale oo ay soo marto mar dal uu diblomaasi ka saarayo dalkiisa.

Cawad

Xigashada Sawirka, SOCIAL

Qoraalka sawirka, Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Danjire Axmed Ciise Cawad
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Marka hore qofku xadgudub sameeyo waa loo yeeraa wasaaradda arrimaha dibadda u yeerta waa la waydiiyaa waxyaabah uu sameeyey wuxuu u sameeyey, markaasna waa lo sheegaa inana lagu faraxsanayn waxaa uu sameeyey, Marka labaadna hadduu sameeyo waxaa ku qurux badan in qoraal loo qoro dalkiisana la ogeysiiyo. Hadduu mar saddexaad sameeyo waa kan ugu dambeeya tallaabada la qaado” ayuu yiri danjire Cawad.

Cawad, wuxuu sheegay in diblomaasiyadda u wanaagsan tahay in xitaa haddii xirirku xumaado an la sii fogaanin.

Diblomaasiygan Itoobiyaanka ah ayaa sidoo kale horrey safaarada Itoobiya ee Muqdisho ugu soo qabtay xilka u qaabilsanaha arrimaha ciidamada sida uu BBC-da u sheegay Danjire Axmed Ciise Cawad.

Horraantii Abriil 2024, dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay warqad lagu wargaliyey safiirka Itoobiya ee Soomaliya Muqtaar Maxamed Waare, oo lagu sheegay " inuu ka dhoofo Soomaaliya 72 saacadood gudahood."

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliy ayaa sidoo kale isla waqtigaas sheegtay in safiirkeeda Addis Ababa “looga yeereyay Muqdisho si wada tashi buuxa loo sameeyo.”

Xiriirka labada dal

Itoobiya

Xigashada Sawirka, Reuters

Xiriirka dalalka deriska ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa gaaray heerkii ugu hoseeyey ka dib markii Addis Ababa ay horraantii sanadkan heshiis is afgarad ah la saxiixatay jamhuuriyada iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland kaas oo ay Muqdisho si weyn uga carootay.

Soomaaliya ayaa fagaarayaal badan oo caalami ah ka ashkateysay Itoobiyada iyadoo ku eedeysay inay ku xadguudbtay madaxbananida dhulleed iyo midnimada Soomaaliya.

Soomaaliya ayaana sida ay qabaan falanqeeyayaasha xirirka caalamiga masraxyada diblomaasiyada ka heshay taageero badan.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo waraysi gaara toddobadkan siiyey BBC-da ayaa mar uu ka jawaabayey sababta hirgalinta heshiiska uu u hirgali waayey

"Heshiisyada caalamiga imisa ayey socdaan, intee sano, toban, labaatan qaar baa ka dheer oo waqti dheer bay qaataan, heshiisyadu waqti bay qaataan" ayuu yiri Madaxweyne Biixi.

Turkiga ayaa ugu tun wayna dowladdo isku dayey in la dajiyo xiisadda labada dhinac iyadoo Ankara ay horkacday wadahallo dhinacyada si xal looga gaaro khilaafka.

Laba wareeg oo wadahadallo ah oo wufuud kala matalaysay Itoobiya iyo Soomaaliya ku yeesheen Turkiya ayaan natiijo ka soo bixin.

Dowladda Maraykanka ayaa sidoo dhinacyada u jeedisay in khilaafka ku xaliyaan hannaan diblomaasiyadeed oo an xiisadda looga sii darrin.

Soomaaliya ayaa sidaas oo kale xoojisay xirirka ay la leedahay dowladda Masar oo khilaaf soo jireena ka dhexeeyo Itoobiya.

Sanadkan Qaahira iyo Muqdisho ayaa kala saxiixday iskaashiga militari kaas oo si weyn ay ugu booday Itoobiya.

Horraantii bishan Oktoobar dowladdaha Soomaaliya, Eriteeriya iyo Masar ayaa shir saddex geesood ah ku yeesha Asmara, halkaas oo ay ku heshiiyeen tallaabooyin kor loogu qaadayo “awoodda ay Soomaaliya u leedahay ilaalinta xuduudaheeda berriga iyo badda.”

Heshiiskii is afgaradka ahaa ayaan ilaa hadda loo beddelin mid rasmi ah ah laakiin Somaliland waxay dhowr jeer oo hore sheegtay in is afgaradka loo rogi doono heshiis rasmi ah.