Muxuu yahay nidaamka cusub ee difaaca hawada ee Israa'iil ay dooneyso in ay rakibto?

.

Xigashada Sawirka, Social Media

Israa’iil ayaa qorsheyneysa in ay bilowdo in ay ku shaqeysiiso nidaamka Iron Beam ee qabta gantaalaha, kaas oo ay filayso in ay isticmaasha sanadka 2025-ka, waxaana ay u qoondeysay qiimo dhan 535 milyan oo doolar.

Wasaaradda Difaaca Israa'iil ayaa sheegtay in $ 5.2 bilyan oo doolar loo qoondeeyay hagaajinta hababka difaaca hawada, taas oo ay qorshaha ka mid tahay "xoojinta iyo horumarka ku socda nidaamka difaaca laysarka ku shaqeeya ee aadka u horumarsan, kaas oo hadda ku jira marxaladii ugu dambeeysay ee horumarinta."

Shirkadda difaaca ee Elbit ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in wasaaradda gaashaandhigga Israa’iil ay siisay qandaraas dhan $200 oo milyan oo doolar si ay u horumariso “Iron Beam ka”.

Warbaahinta Israel oo soo xiganeysa bayaanka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee tilmaamaya in nidaamkan horumarsan la filayo inuu shaqo bilaao sannad gudahiis, iyada oo lala kaashanayo shirkadaha Rafael iyo Elbit, ayaa sheegtay in uu "si weyn u kordhin doono" heerka soo saarista nidaamkaan cusb ee laser ka ku shaqeeya.

Nidaamka Iron Beam wuxuu ku tiirsan yahay isticmaalka leysarka si uu uga hortago gantaalada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Wasaaradda difaaca ee Israa’iil ayaa sheegtay in nidaamkani aanu beddeli doonin Iron Dome ka ama nidaamyada kale ee difaaca cirka ee Israa’iil, balse uu ka garab shaqayn doono, isaga oo soo ridi doono madaafiicda yaryar halka kuwa waaweynna u dhaafi doona nidaamyada baytariyada waawayn leh ee awoodda badan sida David Sling iyo Arrow system, sida ay sheegtay warbaahinta Israa’iil.

Nidaamka Iron Beam ka waa "qalab wax ku ool ah, la isku hubo, si sahlana loo isticmaali karo kaas oo aad uga jaban dhan walba marka laga eego dhan walba, loogana hortagayo khataraha soo food saaraya Israa'iil," maadaama kharashkiisu aad u yar yahay marka loo eego kharashka Iron Dome ka.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda gaashaandhigga oo ay baahiyeen warbaahinta Israa’iil, inta badan gantaallada lagu soo ganay Israa’iil waxa dhexda ka qabtay nidaamka loo yaqaan ‘Iron Dome’ ama waxa ay ku dhaceen meelo bannaan, taas oo lagu macneeyay in kharashka ku baxay gantaal kasta oo Iron Dome uu qiyaastii yahay inta u dhaxaysa $40,000 iyo $50,000.

Nidaamka Iron Beam waxa uu awood u yeelanayaa in uu dhexda ka qabto gantaallada isaga oo kharashka ahaan yar. Si kastaba ha noqotee, nidaamka ay Israa'iil dooneyso inay isticmaasho waxa uu leeyahay "iino", sida ay sheegtay warbaahinta Israel, maadaama uusan si fiican ugu shaqeyn karin xilliyada ay jiraan daruuro qaro weyn ama xaalado kale oo cimilo oo daran ah.

.

Xigashada Sawirka, Israeli media

Si taas looga fogaado, wasaaradda gaashaandhigga ee Israa’iil waxa ay ku talo jirtaa in ay nidaamkan ku rakibto diyaaradaha si ay uga gudbiyaan waxyaabaha caqabadaha ku noqon kara, maadaama diyaaraduhu awood u leeyihiin in ay ka dul duulaan daruuraha culus dhexdooda.

Israa'iil waxay qorshaynaysay in ay keento nidaamkaan laser-ka-ku shaqeeya horaantii 2024, laakiin bayaanka Isniintii ayaa muujiyay in hawlgallada nidaam Iron Beam uu bilaaban doonin ilaa laga gaaro haafka dambe ee sanadka 2025.

Warbaahinta Israa'iil ayaa aaminsan in horumarinta nidaamkan ay wali wax u laaban yihiin ugu yaraan dhowr sano.

Dabayaaqadii Sebtembar, Israa’iil waxa ay ku dhawaaqday in ay ka heshay Maraykanka deeq cusub oo gargaar milatari ah oo ku kacaysa 8.7 bilyan oo dollar “si loogu taageero dadaalka milatari ee Israa’iil” ee dagaalka ay ka waddo Gaza iyo Lubnaan.