Maxaan ilaa iyo hadda ka ognahay weerarkii gantaalaha ee Iiraan ay ku qaadday Israa'iil?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Iiraan waxay habeenkii xalay ahaa gantaalo ku weerartay Israa’iil - militariga Israa’iil ayaana sheegay in qiyaastii 180 gantaal lagu soo riday, kuwaas oo intooda badan la qabtay sida ey sheegeen.
Hubka ayaa cirka ka ifiyay Tel Aviv iyo Qudus, waxaana jiray qaraxyo joogto ah markii ay difaaca gantaalaha ee Israel, Iron Dome, soo ridayeen.
Gambaleello ayaa laga maqlay guud ahaan Israa’iil, waxaana lagu amray shacabkii Israa’iil in ay galaan xarumaha gabbaadka qaraxyada. Afhayeenka Ciidanka Difaaca Israa’iil - Daniel Hagari - ayaa sheegay in weerarka uu yeelan doono cawaaqib:
“Waxaan ku jirnaa feejignaan sare, difaac iyo weerarba. Waxaan ilaalin doonnaa muwaadiniinta Israa’iil. Weerarkan wuxuu yeelan doonaa cawaaqib. Waxaan haynaa qorshayaal, waxaana tallaabo ka qaadi doonnaa meeshii iyo waqtigii aan go'aansano.”
Saacado gudahood kadib duqeyntii gantaalaha ridada dheer ee Iiraan, ciidanka cirka ee Israa’iil ayaa weerarro dheeraad ah ku qaaday waxa ay ku sheegeen bartilmaameedyo Xisbullah ah oo ku yaalla caasimadda Lubnaan, Beyruut.
Baaxad intee la’eg ayuu lahaa weerarkii Iiraan?

Xigashada Sawirka, Reuters
Iiraan ayaa ku dhawaad 180 gantaal ku ridday Israa’iil, sida uu sheegay militariga Israa’iil. Taasi waxay ka dhigi doontaa weerar wax yar ka weyn kii bishii Abriil, kaas oo lagu arkay ilaa 110 gantaalaha ballistic-ga ah iyo 30 gantaallo ah oo loo ganay dhanka Israa'iil.
Muuqaalo uu lagu baahiyay TV-ga Israa’iil ayaa u muuqday inay muujinayaan qaar ka mid ah gantaallada oo dul heehaabaya agagaarka Tel Aviv wax yar ka hor 7:45 xilliga maxalliga.
Inta badan gantaallada waxaa soo riday nidaamka difaaca hawada ee Israa'iil, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan ciidamada ammaanka ee Israa'iil, halka weriyaha BBC-da ee magaalada Quddus uu sheegay in laga yaabo in qaar ka mid ah saldhigyada milatariga la garaacay, maqaayadaha iyo iskuulladana la waxyeello soo gaartay.
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa ku adkeystay in 90% gantaalada ay garaaceen bartilmaameedyadooda, iyagoo sheegay in gantaalada guuxooda ka dheereeraya la isticmaalay markii ugu horeysay. IRGC ayaa sheegtay in saddex saldhig oo milatariga Israa'iil la beegsaday.
Maamulka difaaca Falastiiniyiinta ee ku sugan magaalada la haysto ee Daanta Galbeed ee Jericho ayaa sheegay in nin halkaas ku dhintay intii uu socoday weerarka gantaalada Iran.
Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AFP, oo la hadashay guddoomiyaha magaalada Xuseen Hamayel, dhibbanaha waxaa uu ku dhintay burburka gantaallada.
Saraakiisha Israa’iil ma aysan sheegin dhaawacyo halis ah oo ka dhashay weerarradii cirka ee Talaadadii, laakiin dhakhaatiirta Israa’iil waxay sheegeen in laba qof ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen firir.
Maxay Iiraan u weerartay Israa'iil?
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah Iran ee IRGC waxay sheegtay in weerarradan ay jawaab u yihiin dilka Israa'iil ee mid ka mid ah taliyayaasheeda ugu sarreeya iyo hoggaamiyeyaasha xoogagga ay Iiraan taageerto ee gobolka.
Waxay xustay dilkii loo geystay madaxii Xisbullah Xasan Nasrallah iyo taliyihii IRGC Abbas Nilforoshan ee caasimadda Lubnaan ee Beirut 27-kii Sebtembar.
Waxa kale oo ay tix-raacday dilkii Hogaamiyihii siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh ee Tehran lagu dilay bishii July. Inkastoo Israa'iil aysan qiran inay ka dambeysay dhimashada Haniyah, haddana waxaa la rumeysan yahay inay mas'uul ka tahay.
Sarkaal sare oo Iran ka tirsan ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalkaas, Ayatollah Ali Khamenei, uu si shaqsi ah u bixiyay amarka weerarka gantaallada ee Talaadadii.
Iiraan ma aqoonsana jiritaanka Israa’iil waxayna raadisaa ciribtirkeeda. Waxay sannado ku qaadatay inay taageerto ururrada militariga ee ka soo horjeeda Israa'iil.
Israa'iil waxay aaminsan tahay in Iran ay leedahay khatar jirta waxayna sannado badan ku qaadatay hawlgallo qarsoodi ah oo ka dhan ah Tehran.
Gantaallada ma waxaa joojiyay habka difaaca Israa’iil ee Iron Dome?
Israa'iil waxay leedahay nidaam casri ah oo difaaca hawada ah, kan ugu caansan kaas oo ah Iron Dome. Waxaa loogu talagalay in lagu qabto gantaallada riddada gaaban ee nooca ay rideen Xamaas iyo Xisbullah.
In kasta oo loo isticmaalay in lagu difaaco qaar ka mid ah cunsurrada weerarkii ugu dambeeyay ee Iran bishii Abriil, qaybaha kale ee nidaamka difaaca ee "lakabka" ee waddanka ayaa laga yaabaa inay qabteen shaqada ugu badan Talaadadii.
David's Sling - oo ah hab difaac oo ay si wadajir ah u soo saareen Maraykanka iyo Israa'iil, waa nidaam loo isticmaalo in lagu qabto gantaallada riddada dhexe iyo kuwa riddada dheer, iyo sidoo kale gantaallada ballistic-ga.
Markay timaaddo gantaallada riddada dheer ee ballistic-ga, kuwaas oo ku duula jawiga dhulka ka baxsan, Israa'iil waxay haysataa Arrow 2 iyo Arrow 3 oo ah nidaam qabta gantaalladaas.

Sidee uga falceliyeen xulafada Israa'iil?
Madaxweyne Joe Biden ayaa mar kale xaqiijiyay taageerada Mareykanka ee Israa’iil kadib weeraradii gantaalada ee Iran.
Waxa uu weerarka Tehran ku tilmaamay mid laga adkaaday oo aan waxtar lahayn. Biden ayaa shaaca ka qaaday in militariga Mareykanka ay Israa’iil kala shaqeeyeen sidii ay isaga caabin lahaayeen weerarka Iran.
Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra'iisul wasaaraha Britain ayaa lagu sheegay in Keir Starmer uu la hadlay ra'iisul wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz waxa ayna labada hoggaamiye - oo labaduba ah xulafada muhiimka ah ee Israa'iil - ay dhaleeceeyeen weerarka Iran.
Faransiiska iyo Japan ayaa sidoo kale codkooda ku daray cambaareynta. Laakiin waxay sidoo kale ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ka fogaadaan xiisad kale.













