Maxay Puntland u mamnuucday jillaabashada qubada?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Maamulka Puntland ayaa mamnuucay in qeyb ka mid ah noolaha badda ku jira la jilaabto iyaga oo sidoo kale mamnuucay qalab macmal ah oo gudaha lagu farsameeyay oo ay kalluumaysatadu adeegsadaan kuwaas oo dhimasho sababay.
Amarkaan ka soo baxay Puntland ayaa la duldhigay kalluumeysatada maxalliga ah ee deegaannadaas iyo kuwa shisheeye ee haysta shatiga Puntland ee xeebaha ka kalluumeysta.
Qodobbada la soo saaray oo ka kooban toddobo qodob ayaa lagu xusay xayawaanada badda ee aan la oggoleyn in la jilaabto waxaana kamid ah Qubada, iyo Libaax-badeedka noociisa indha-buurka la yiraahdo.
Puntland ayaa sheegtay in sababta ay u mamnuucday jillaabashada noocyadaan ay tahay inay sii dabar go’ayaan ayna tahay in la ilaaliyo.
Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi Xagaa, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in kalluumaysatay ay khatar ku yihiin kheyraadka badda ayna ka qeyb qaataan dabar goyntiisa.
“Kalluumeysatada waxa ay jillaabtaan noolaha badda oo iyaga oo uurey ah oo ilmihii iyo ugxaantii sida, ama iyaga oon gaarin da’dii la dhoofin lahaa ama la qalan lahaa,” ayuu yiri wasiir Xagaa.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in kalluumeysatada ay halis ku yihiin deegaanka ay ku noolaan lahaayeen kalluunka ayna jarayaan dhirta ka baxda xeebaha qaar taas oo waxtar u leh badda iyo noolaha badda ku jira, dhirtaas ayuuna ku sheegay in ay dabar go’eyso.
Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Cabdirisaaq Cabdullaahi, ayaa sidoo kale ka hadlay qalab macmal ah oo oo ay isticmaalaan qaar kamid ah kalluumeysatada ka jillaabta xeebaha Puntland kaas oo sababay dhimasho.
“Kalluumeysatada waxa ay isticmaalaan qalab macmal ah oo ka sameysan haamihii taayarada lagu aaryeeyjiray, marka ay badda ula baxaana waa uu quusaa, illaa iyo haddana waxaa la xaqiijiyay in ay sababtay 11-qof oo dhimasho ah,” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga Puntland.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda kalluumeysiga Puntland
Wasiirka ayaa sheegay in haamahaan macmalka ah ee ay farsameystaan kalluumeysatada ay go’aan ka soo saareen loona ogoleyn in ay isticmaalaan.
“Cidkasta oo ka kalluumeysata badda Puntland ee ku xadgudubta noolaha dabar go’aya sidoo kale ku kalluumeysata qalab macmal ah waxaa la marinayaa sharciga kalluumeysiga,” ayuu yiri wasiir Xagaa.
Wasiirka ayaa xusay in laga wadahadlay sidii loo fulin lahaa amarkaan laamaha amniga eek u shaqada lehna la faray ka hortagga waxyaabaha sharci darrada ah.

Xigashada Sawirka, Wasaaradda kalluumeysiga Puntland
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qubadu waa xayawaan u eg diidiinka oo ku nool badda, waxaana afka qalaad lagu yiraahdaa diidiinka badda, waxayna ka mid tahay xayawaannada ka sii dabar go'aya dunida.
Badaha Soomaaliya ayaa waxay qani ku yihiin qubada, taasoo inta badan la isticmaalo subaggeeda iyo hilibkeeda oo la shiilo. Ma jiro caddeymo caafimaad, balse waxaa la sheegaa in subagga qubada uu leeyahay faa’iidooyin dhowr ah.
Caafimaad ahaan lama xaqiijin lamana garanayo faa,iido goonni ah oo ay leedahay, aan ka ahayn faa’iidada ay la wadaagto noolaha badda ku nool oo la sheego in borotiin iyo nafaqo laga helo.
Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta Soomaalida oo wax laga weydiiyay faa’iidad qubada ayaa sheegay in fakradda ah in hilibkeeda amaba subaggeeda lagu daweeyo tabaryarida ragannimada ay tahay wax aan la hubin oo ay aamisan yihiin Soomaalida qaarkood.
Waxay sheegeen in fekraddan ay kasoo jeeddo Shiineeskii hore oo iyagu hammi yarida ku daweyn jiray cunista qubada.
Dalal badan oo dunida ah ayaa hore u mamnuucay in la ugaarsado qubada, maaddaama ay kasii dabar go’eyso dunida.













