6 arrimood oo ku saabsan mid ka mid ah xayawaannada dunida ugu foosha xun

Kalluunka 'blobfish' ayaa lagu tilmaama inuu yahay mid ka mid ah noocyada kalluunka dunida ugu foosha xun.
Kalluunka ayaa ah mid soo jiddasho leh oo laga helo gunta hoose ee badda hase yeeshee waa mid aragtidiisa ku cusub Saayniska maadaamaa ay aragtidiisu naadir tahay. Muuqaalka kalluunkan ayaana noqday mid ay dad badan oo daafaha dunida ku nool oo kalluunkaasi xiiseeya ay si weyn ula dhaceen.
Waxaana loo sameeyey sawir gacmeedyo loo ekeysiiyey muuqaalka kalluunkaasi uu leeyahay.
Haddaba maxaan ka ognahay kalluunkan? Maxaa keenay inuu muuqaalkiisa dadka soo jiito? Maxaynu ka baraneynaa ilaalinta bey'ada naga qarsoon ee la midka ah halka uu kalluunkaasi ku nool yahay?
Kalluunkan marka la soo hadal qaado waxa ugu horreeya ee soo kormaraya ayaa ah magaca kalluunka. Magaca kalluunkan oo afka Ingiriisiga loo yaqaanno 'blobfish' waxaa lagu tiriyaa iney ka mid ah bahda kalluunka ee Psychrolutidae.
Badmaaxigi ugu horreeyey oo kalluunkan helay wuxuu shaaciyey sanadka marka uu ahaa 1983-kii isaga oo kalluunkaasi ka helay xeebta New Zealand.
Macluumaad faahfaahsan oo kalluunkaasi la xiriiro in markale la shaaciyana waxay qaadatay 10 sano oo kale walow ay jireen tiro kalluun ah oo ay 'blobfish' isku dhow yihiin iney shabaqa kalluumeysatada soo qabteen.
Sanadka marka uu ahaa 2003-dina badmaaxi kale ayaa shaaciyey sawirka kalluunkan wixi intaa ka dambeeyeyna kalluunka wuxuu noqday mid ay jecleystaan dadka xiiseeya noolaha badda ku jiro.
Muddo kaddibna koox khubara ah oo ku takhasusay arrimaha deegaanka kalluunkan waxay u aqoonsadeen inuu yahay xayawaanka dunida ugu foosha xun. Mr Blobby oo qayb ka ahaa daraasad 2007-dii kalluunkaasi lagu sameeyey ayaa looga naaneysi jiray iyada oo wixi intaa ka dambeeyey kalluunka looga yeero 'blobfish'.

Xigashada Sawirka, Shutterstock
Waa maxay kalluunka 'blobfish'?
Kalluunkan inta uu barta interneetka si weyn u qabsanin wuxuu ahaa mid ay saaynisyahannadu si aad ah u xiiseeyenayeen. Kalluunkan oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay bahda Psychrolutidae ayaa wuxuu yahay mid hilibka ugu badan uu madaxa ka saaran yahay.
Kalluunka 'Bolfish' waxay ku nool yihiin goobo ka mid ah gunta badaha iyada oo laga helo gunta badda oo u dhaxeyso 600-1200 oo miitir. Caddaadiska badda gunteeda oo 100 jibbaar ka badan dusha sare ee badda balse kalluunkaasi si wanaagsan uu ula qabsaday.
Kalluunka maqaarkiisa waa mid jilicsan wuxuuna leeyahay lafa aad u yar oo jilicsan. Markay kalluumeysatadu kalluunkan soo dabtaan oo ay u soo bixiyaan dusha sare ee badda ama ay doontoda ku qaataan wuxuu maqaarkiisu noqonayaa mid nasto maadaamaa cadaadiski gunta badda ku haystay uu halkaasi ka jirin.
"Sawirka qof kasta uu arkay waa midka uu ka muuqdo kaluunka oo bakhtiyey" ayuu yiri Simno watta oo ah xubin ka mid shaqsiyaadka aasaasay ururka xannaaneeyo xayawanaadka ama xasharaadka foosha xun.
Kalluunka wuxuu leeyhay madax weyn oo hilib badan leh, indho madow ah iyo baadad yaryar oo uu ku dabaasho. Midabka maqaarka kalluunkana waa mid casaan ah halka seyntiisa ay leedahay midab madow xiga. Kalluunkan dhirikiisa wuxuu gaaraa 30 cm miisaankiisana kama badno 2 kiilo.

Xigashada Sawirka, Sea Serpent
Kalluunka bolfish siduu u dabaashaa?
Si la mid ah noocyada kalluunka ee badda gunteeda laga helo ma laha baadad weyn oo ka caawiyo dabaasha. Balse qaybta neefsiga kalluunka ee dusha sare kaga taalla ayaa ka caawiso inuu biyaha iska caabbiyo.
Haddii ay taa dhici laheenna noolasha kalluunka waxay noqon lahayd mid ay khatar soo wajahdo. Jirka dufanka leh ee kalluunkana sida oo kale arrintaa si weyn ayuu uga caawinayaa maadaamaa biyaha uu kalluunkaasi ku dhex nool yahay cufkiisu sarreeyo.
"Haddii aad ka fakarto saliid sida ay dusha sare ee biyaha u dul sabbeyn lahayd, kalluunkan dufanta faraha badan uu jirkiisu leeyahay iyo cufka gunta badda ee sarreeyo oo isbiirsaday wuxuu ka caawinayaa si dhib la'aan ah inuu gunta badda iska dhex mushaaxo" ayuu yiri Watt.
Kalluunkan muxuu cunaa?
Kaallunkan wuxuu cunaa wax kasta oo hortiisa yimaadda maadaamaa uu haysan wax uu kaga maarmo. Si ay u helaan wax ay cunaanna waxay raacayaan dhaqdhaqaaqa biyaha waxkasta oo biyaha badda ay ka dhax arkaanna quuta.
Wuxuuna kalluunka adeegsadaa habka ah inuu dhaqdhaqaaqiisa yareeyo balse wixii u soo dhawaado aysan dhaafin oo uu cuno.
Kalluunkan halkuu ku nool yahay?
Kalluunka 'blobfish' oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay bahdaka kalluunka 'Psychrolutidae' waxaa laga helaa badaha Atlantic, Pacific iyo Indian. Halka tira aad u yar oo kalluunkaasi ka mid ahna meela kooban oo badahaasi ka baxsan.
Waxaa sida oo kale kalluunkan laga helaa dhul biyood guntiisa uu gaarayo 500 mitir oo u dhaxeeya Australia iyo New Zealand.
Siduu u egyahay kalluunkaasi?
Waxaa barta interneetka lagu arkayo sawirro badan oo been abuur ah oo lagu sheegayo inuu yahay kalluunka 'bolfish', balse ma jirta cid si faahfaahsan u sheegi karto kalluunkaasi sida uu u egyahay.
Waxaa taa adkeysay kalluunka maadaamaa uu ku nool yahay gunta hoose ee badda taaso ah meel aad u madow oo ay adagtahay noola kasta oo halkaasi ku nool in si fudud sharraxaad looga bixiyo.
Aqoonyahannada ku takhasusay cilmi Biology-ga waxay iyagauna ku taliyeen waxyaabaha sii adkeynayo nooca kalluunka in la sharraxo iney tahay dhaqdhaqaaqa kaluunka oo xaddiidan iyo sida fudud ee ay labada jinsi ee kalluunkaasi ay isugu dhagan.
Ilaalinta kalluunka 'blobfish'
Ma cadda inuu kalluunka 'blobfish' uu khatar ugu jiro inuu ciribtirmo maxaa yeelay waxay ku nool yihiin gunta hose ee badda oo ah meel aad uga fog aadanaha inuu si fudud u gaaro.
Tusaale ahaan ma ogin tiradooda inta ay dhan tahay, si ay ugaarsatada badda dhexdeeda u saameeyaan, sida aashatada gunta badda ay u saameyso iyo inta sano uu kalluunkaasi noolaan karo.
"Kalluunkaasi si la mid ah noocyada kale ee kalluunka oo badda laga hela oo khatarta ugu jiro iney cirib tirmaan waxaa suuragal ah inuu kalluunkanna khatar ugu jiro" ayuu yiri Watt.
"Aad ayeyna u adagtahay in laga shaqeeyo aagagga kalluunkaasi uu ku nool yahay. Waxaanse ognahay iney jirto khatar kaga timaaddo maraakiibta badda gunteeda kalluunka ka dabto. Waxaana cilmiyan la ogyahay wax kasta oo badda gunteda ku nool cimrigiisu inuu dheer yahay. Tusaala ahaan kalluunka loo yaqaanno 'Orange roughy', da'diisu waxay gaartay ilaa iyo 30 sano marka qofki jilaabta ama soo qabsada mid ka mid ah kalluunkaasi baddalkiisa in la helo waxay qaadaneyso 30 sano oo kale," ayuu yiri.










