Maxay Jubaland ka tiri eedeynta dowladda federaalka ee ah inuu xiriir kala dhaxeeyo al-Shabaab?

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya ayaa kulan ay maanta Muqdisho ku yeeshay kaga hadlay dagaalka ka dhacay Raaskambooni.
Wasiir Kuxigeenka Warfaafinta Dawladda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf al-Caddaala oo hadlay markii uu soo dhammaaday shirka golaha wasiirrada dawladda federaalka ayaa sheegay in goluhu cambaareeyay weerarka lagu qaaday ciidamada dawladda.
"Golaha wasiirrada waxay si adag ugu cambaareeynayaan weerarkaas Axmed Madoobe ku soo qaaday ciidanka qaranka Soomaaliyeed, falkaas wuxuu ahaa mid laga xumaado aan la fileyn, ciidankaas waxay halkaas u joogeen in ay kala wareegaan ATMIS goobaha ay baneeyeen".
Al-Caddaala waxa uu sheegay in golaha wasiirrada ay soo gaartay warbixin ku saabsan in al-Shabaab kala shaqeeyeen weerarkaas maamulka Jubbaland.
"Waxay u suuragaliyeen in gaadiid badan oo dagaal oo ka yimid Kismaayo gaaro goobtaas, halkaas oo sida la ogyahay u jirta wax ka badan 270 kilo mitir Kismaayo, dhul badan oo Shabaab joogaan ayey soo dhexmareen ciidamadaas".
Wasiir al-Caddaala waxa kale oo uu sheegay in golaha wasiiradu sameeyeen guddi baaris ku sameeya nooca xiriir ee dhexmari kara madaxweynaha Jubbaland iyo al-Shabaab.
"Golaha wasiirrada waxay isla garteen in loo magacaabo guddi gaar ah oo heer qaran oo baaris rasmi ah ku sameeya xiriirka ka dhexeeya nooca uu yahay". Ayuu yiri.
Maxay Jubaland ka tiri?
Dhinaca kale maamulka Jubbaland waxay si kulul u diideen eedeymaha ka imaanaya Dawladda Federaalka. Wasiir Kuxigeenka Amniga ee Jubaland Aaden Axmed Xaaji, ayaa sheegay in eedahaas aysan waxba ka jirin.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
"Gaadiidkeenna, annaga badda ayaan marinnay, Buurgaabo ayaan joognay difaaceenna u dambeeya, Raaskambooni iyagaa ciidankeenna kala furay annagaa joognay".
Wasiirka ayaa ku eedeeyay dowladda in iyada ay weerarka soo qaadday sidaasina uu dagaalka ku bilowday.
"Warka ay sheegeen waxba kama jiraan, dowladda iyadaa weerarka soo qaadday, dagaalka drone ayuu ku bilowday, wa haynaa drone-ka".
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in warka dowladda ay warbaahinta u gudbineyso uu been yahay.
"Dowladda hadii aysan iyada weerarka qaadin, intaas oo diyaaradood ayey meesha geysay, ciidan ATMIS ahaa oo degganaa Raaskambooni ma jiro, maxay ciidamada u geysay".
Ciidamada dowladda ee la geeyay Raaskambooni waxaa hoggaaminayay Xasan Aadan Maxamed oo loo yaqaan Xasan Ciraaqi oo ah taliyaha guutada 18 -aad ciidanka Soomaaliya ee Gorgor.
Wararka waxay sheegayaan in isaga iyo ciidamo la socday ay u gudbeen dhinaca Kenya oo halkaas ay joogaan, balse ma jiraan warar rasmi ah oo madaxbannaan oo dowladda federaalka ama Jubaland ka soo baxay kuna saabsan halka uu ku dambeeyay.
Xaaladda goobaha lagu dagaallamay

Xigashada Sawirka, FACEBOOK
Xaaladda deegaanka Raaskambooni iyo aagagga ku xeeran oo shalay dagaallo ka dhaceen ayaa la sheegaya in ay deggan tahay oo aysan jirin wax dagaal ama iska horimaad ah oo halkaas ka dhacay maanta.
Labada ciidan ee dagaallamay ayaa kala joogay magaalooyinka Buurgaabo iyo Raaskambooni oo labaduba ka tirsan gobolka Jubbada Hoose, kuwaas oo qiyaastii isku jira dhowr iyo lixdan kiilo mitir.
Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya oo war-saxaafadeed kasoo saartay markii uu dagaalka bilowday ayaa sheegtay in ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ay weerareen fariisin ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Jubaland ay ku leeyihiin gobolka Jubbada Hoose.
Dhanka Jubaland waxa ay sheegeen in weerarka ay soo qaadeen ciidamada Dowladda Federaalka waxayna ku eedeeyeen dowladda "in xitaa ay adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn."













