Waa maxay sababta ay Israa'iil u weerarayso Suuriya?

Israa'iil

Israa'iil ayaa boqollaal duqeymo ah ku qaadday saldhigyada ciidamada Suuriya, waxayna sidoo kale ciidamadeeda u daad gureysay aagga difaaca ee buuraha Golan, taasoo kordhisay tirada dhulka Suuriya ee ay maamusho Israa'iil.

Israa'iil ayaa sheegtay in tallaabooyinkan ay qaadayso si ay u sugto ammaanka muwaadiniinteeda, balse qaar kale ayaa sheegaya in ay fursaddan uga faa'ideysaneyso sidii ay u wiiqi lahayd cadawgeeda mudada dheer soo jiray.

Hay'adda u dooda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ay diiwaan geliyeen in ka badan 310 weerar oo ay fuliyeen ciidamada difaaca Israa'iil tan iyo markii la riday taliska Asad maalintii Axadda.

Duqeymaha ayaa lagu soo warramayaa in lala beegsaday xarumaha militariga Suuriya laga soo bilaabo Xalab oo waqooyiga ilaa Dimishiq oo koonfurta, sida bakhaarrada hubka, bakhaarrada rasaasta, garoomada diyaaradaha, saldhigyada ciidamada badda iyo xarumaha cilmi baarista.

Rami Abdul Rahman, oo ah aasaasaha SOHR, ayaa sheegay in duqeymaha ay ahaayeen kuwo lagu burburinayo "dhammaan awoodaha ciidamada Suuriya" wuxuuna sheegay in "dhulka Suuriya lagu xadgudbay".

Israa'iil waxay sheegtay in sababta ay sidaasi u sameyneysay ay tahay in ay ka hortagto in hubka uu "gacanta u galo kooxaha xagjirka ah" iyadoo Suuriya gashay marxaladda xigta ee xilligii Asad ka dib.

Waa maxay welwelka Israa'iil ee ku saabsan hubka kiimikada?

Weerar looga shakisan yahay inuu kiimiko ahaa ayaa ka dhacay Douma, oo u dhow Dimishiq oo ay geysteen ciidamada taabacsan Asad sannadkii 2018-kii

Israa'iil ayaa ka walaacsan cidda laga yaabo in uu u gacan galo hubka kiimikada ah iyo gantaalaha Bashaar Al-Asad .

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Lama oga halka iyo inta uu le'eg yahay hubkan Suuriya, balse waxaa la rumeysan yahay in madaxweynihii hore ee Bashaar Al-Asad uu kayd ahaan u hayay.

Isniintii, hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan ilaalinta kiimikada ayaa uga digtay mas'uuliyiinta Suuriya inay xaqiijiyaan in nooc kasta oo hub ah oo ay haystaan uu ammaan yahay.

Ake Sellstrom, oo ahaa madaxii hore ee kormeeraha hubka Qaramada Midoobay ee Suuriya, haatanna ah Prof. wax ka dhiga Jaamacadda Umea ee dalka Sweden, ayaa sheegay in Israa'iil ay duqaymaha cirka ku beegsanayso awoodda hubka kiimikada ee Suuriya.

"Waxa ay Israa'iil samaynayso waa burburinta hanti," ayuu u sheegay BBC-da. "Tani waxay noqon kartaa dad, waxay noqon kartaa tasiilaad, ama waxay noqon kartaa qalab.

Ciidamada daacadda u ah Bashaar Al-asad ayaa la og yahay in ay isticmaaleen sunta gaaska Sarin kadib weerar ay ku qaadeen xaafad ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Dimishiq oo lagu magacaabo Ghouta sanadkii 2013, kaas oo loo malaynayo in ay ku dhinteen in ka badan kun qof.

Waxaa sidoo kale lagu eedeeyay in ay u isticmaaleen hubka kiimikada sida gaaska sarin iyo gaaska chlorine weerarro kale oo dhacay dhawaanahan.

Dr Sellstrom ayaa sheegay in ciidamada mucaardka laga yaabo inay sidoo kale haystaan kaydka hubka kiimikada, maadaama la og yahay inay hore ugu adeegsadeen cadawgooda Suuriya.

"Asad waxa uu hubkan u haystay si uu ugu muujiyo xooggiisa iyo awoodiisa dagaal ee Israa'iil, laakiin waligiis uma isticmaalin hadafkiisa koobaad, haddana waxaa jira dawlad gebi ahaanba ka duwan.

"Israa'iil waxay dooneysaa inay nadiifiso ... wax kasta oo ay haystaan oo hubka kiimikada ah."

Israa'iil

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Faransiiska ayaa sheegay in Israa'iil ay tahay inay ciidankeeda kala baxdo Golan Heights.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil ayaa ku dhawaaqay in ciidamadoodu ay la wareegeen aagga gdifaaca ee buuralleyda Golan – taas oo kordhinaysa tirada dhulka Suuriya ee ay gobolkan ka haysato.

Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in tani ay tahay "goob difaac oo ku meel gaar ah ilaa laga helayo hab ku habboon."

"Israa'iil waxay sheegtay inay doonayso inay ka hortagto weerar kasta sida weerarkii 7-dii Oktoobar ee ay Xamaas geysatay in uu kaga yimaado dhinaca Suuriya," ayuu yiri Prof. Gilbert Achcar oo ka tirsan Jaamacadda SOAS ee London.

Laakiin tani waa fursad aan hore ugu socon karno oo aan ku joojin karno ciidamada kale ee u ku soo dhowaanaya xadka aagga la haysto

Qabsashada Israa'iil ee aagga difaaca ee ciidamada ka caagan ayaa waxaa si weyn u cambaareeyay bayaan ay soo saareen dalalka Carabta, iyagoo tallaabadan ku tilmaamay "qabsashada dhulka Suuriya iyo xadgudub bareer ah oo ka dhan ah heshiiskii ka bixitaanka ee 1974" sida ay Isniintii sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in ciidamda Israa'iil ay ka gudbeen aagga difaaca oo xitaa ay gaareen meel 25km u jirta Dimishiq, balse ilo-wareedyo militari oo Israa'iil ah ayaa beeniyay arrintaas.

Ciidamada Difaaca Israa'iil ayaa markii ugu horeysay qiray in ciidamadooda ay ka howlgalayaan meelo ka baxsan aagga difaaca ee Golan Heights, laakiin afhayeenka Nadav Shoshani ayaa sheegay in duulaanka Israel uusan si weyn u sii socon.

Buuraha Golan waa dhul dhagax ah oo ku yaalla koonfur-galbeed ee Suuriya, taas oo ay Israa'iil qabsatay in ka badan nus qarni.

Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967dii, Suuriya waxay Israa'iil kasoo duqaysay dhuka sare, laakiin Israa'iil ayaa si degdeg ah dib ugu riixday ciidammada Suuriya, waxayna qabsatay qiyaastii 1,200 oo km² ah oo aaggaas ah, taas oo ay gelisay xukun milateri.

Suuriya

Xigashada Sawirka, Getty Images

Suuriya waxay isku dayday inay dib u qabsato Buuraha Golan intii lagu jiray dagaalkii Bariga Dhexe (Yom Kippur) ee 1973, laakiin way ku guuldareysatay.

Labada dal waxay saxiixeen heshiis xabbad-joojin ah 1974-kii, ciidan kormeerayaal ah oo Qaramada Midoobay ah ayaa ku sugnaa khadka xabbad joojinta tan iyo 1974-kii.

Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil waxay la wareegtay aaggaas 1981-kii, tallaabadaas oo aanay aqoonsanayn inta badan beesha caalamka.

Suuriya ayaa sheegtay in aanay wax heshiis nabadeed ah la geli doonin Israa'iil haddii aysan ka bixin guud ahaan Golan.

Inta badan Carabtii Suuriyaanka ahayd ee degganaa buuraha Golan Heights way ka qaxeen aaggaas intii lagu jiray dagaalkii 1967-kii.

Deegaanka Golan waxaa hadda ku sugan in ka badan 30 deegaan oo la dejiyay dad Israa'iiliyiin ah, kuwaas oo lagu qiyaasay 20,000 oo qof. Israa'iil ayaa bilawaday inay u dhisto isla markiiba kadib markii uu dhammaaday iska horimaadkii 1967.

Deegaameeyntan ayaa loo arkaa sharci-darro marka loo eego sharciga caalamiga ah, in kasta oo Israa'iil ay arrintaas ka doodo.

Dadka deegaanka ayaa la nool ilaa 20,000 oo Suuriyaan ah - intooda badan kasoo jeedaan dariiqada Druze, kuwaas oo aan cararin markii Golan la qabsaday.

Ma dow baa cabsida ciidamada Israa'iil?

Ciidamada Israa'iil ayaa la geeyay meel ku xigta xayndaabka amniga ee u dhow tuulada Druze ee Majdal Shams, oo ku taalla buuraha Golan ee ay Israa'iil haysato (8 Diseembar 2024)

Ciidamada Israa'iill ayaa la geeyay meel ku xigta xayndaabka amniga ee u dhow tuulada Druze ee Majdal Shams, oo ku taal buuraha Golan ee ay Israa'iil haysato (8 Diseembar 2024).

Mr Netanyahu ayaa sheegay in qabsashada Ciidaammada Difaaca Israa'iil ee aagga difaaca ee Golan Heights ay tahay mid ku meel gaar ah, balse ka bixitaanka uu ku xirnaan doono hab-dhaqanka dowladda soo socota ee Suuriya.

"Haddii aan xiriir derisnimo iyo xiriir nabadeed la sameyn karno ciidamada cusub ee kasoo baxaya Suuriya, taasi waa rabitaankeena," ayuu yiri. Laakin haddii aysan sidaas yeelin, waxa aanu samayn doonnaa wax kasta oo lagu difaaco dawladda Israa'iil iyo xuduudka Israa'iil.

"Waxa maskaxda Israa'iil ka guuxaya ayaa ah in ay dhici karto in ay xoog ku soo galaan Golan xoogagga Suuriya ku sugan, iyo in la hubiyo in aanay taasi suurtogal ahayn in ay dhacdo, ," ayuu yiri Dr HA Hellyer oo ka socda machadka Royal United Services Institute, oo fadhigiisu yahay London, kaas oo ah hay'ad cilmi baaris .

Asad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Bashaar al-Asad ayaa dhowaan xukunka laga tuuray

"Si kastaba ha ahaatee, Israa'iil waxay hore u qabsatay dhul ku yaalla buuraha Golan sababo ammaan aawgeed, kadibna way sii xoojisay, waxana laga yaabaa inay mar kale sidaas sameyso."

Wasiirka arrimaha dibadda ee Israa'iil Gideon Saar ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee lagu qaaday saldhigyada ciidamada Suuriya loo sameeyay oo kaliya in lagu difaaco muwaadiniintooda.

"Taasi waa sababta aan u weerarno hababka hubka istiraatiijiga ah sida, tusaale ahaan, hubka kiimikada ama gantaallada riddada dheer si aysan ugu dhicin gacanta xagjiriinta," ayuu yiri.

Si kastaba ha ahaatee, Prof Achcar ayaa yiri: "Hubka kiimikadu kuma baahsana Suuriya. Waxay ku jiraan laba ama saddex meelood oo keliya. Laakin in ka badan 300 oo duqeymo ah, waxaad isku dayaysaa inaad dalka ka dhigto mid aad u daciif ah."

Israa'iil waxay Bashaar al-Asad u aragtay inuu yahay "shaydaan ay garanayeen", ayuu yiri, laakiin lama hubo waxa soo socda.

"Waxay filayaan in Suuriya ay u kala go'do kooxo iska soo horjeeda, sida Liibiya oo kale, waxayna ka baqayaan in koox cadaw ku ah Israa'iil soo dhex gasho.

"Waxay rabaan inay ka hortagaan koox sidaas oo kale ah inay iyaga u adeegsato hubka ciidamada Suuriya."