Maxay yihiin buuraha Golan ee ay Israa'iil haysto oo hadda lagu eedeynayo inay ka gudubtay?

Xigashada Sawirka, AFP/Getty Images
Ciidamada difaaca Israa'iil ayaa markii ugu horeysay qiray in ciidamadooda ay ka howlgalayaan meelo ka baxsan aagga difaaca ee buuraha Golan.
Warbixin kooban, afhayeenka IDF Nadav Shoshani ayaa sheegay in Israa'iil "ay rabeen in ay caddeeyaan xaqiiqada" in ciidamadeedu ay ka howlgalayeen meel ka baxsan aaggaasi.
Wuxuu intaas ku daray in meelahaas ay yihiin "goobaha difaaca" IDF-na ay ku hawlan tahay qayb ka mid ah "nidaamka isku dayga lagu hubinayo in aagga ammaan yahay" iyo in la xaqiijiyo xasilloonida.
Laakiin Shoshani waxa uu sidoo kale si adag u beeniyey warar ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahinta Suuriya oo sheegayey in ciidamadu ay ku soo wajahan yihiin Dimishiq, isaga oo ku sifeeyey kuwa "gabi ahaanba been abuur ah".
Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa soo saaray bayaan rasmi ah oo ay ku diidan yihiin qabsashada la sheegay in Israa'iil ay ku qabsatay aagga difaaca ee Suuriya ee buuraleyda Golan ee la haysto.
Wasaaradaha arrimaha dibadda ee Masar, Qatar iyo Sacuudiga ayaa sheegay in tallaabada Israa'iil ay xad gudub ku tahay madaxbannaanida Suuriya, sharciga caalamiga ah, iyo heshiiskii calaamdeynta ee la saxiixay 1974-kii – kaas oo Israa'iil ay sheegtay in uu burburay.
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda Qatar ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay Talaadadii sheegay inay u arkaan wax aan la aqbali karin in Israa'iil ay "ka faa'iidaysato" xaaladda hadda ka jirta Suuriya.
Ka dib markii la riday nidaamka Bashaar Al-asad, Israa'iil waxay u dhaqaaqday aagga difaaca, iyadoo Ra'iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu sheegay in 1974-kii heshiiskii xadeynta Suuriya uu "burburay" maadaama fallaagdu la wareegeen dalka.
Dhanka kale Warbaahinta dalka Suuriya ayaa ku warramaysa in diyaaradaha dagaalka Israa'iil ay tobannaan weeraro ah ka fuliyeen guud ahaan dalkaasi oo ay ku jirto caasimadda Dimishiq.
Kooxda u dooda xuquuqul insaanka Suuriya ee fadhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ay jiraan in ka badan 100 weerar oo lala beegsaday bartilmaameedyo militari.
Xarun cilmi baaris oo laga shakisan yahay inay xiriir la leedahay wax soo saarka hubka kiimikada ayaa ka mid ah goobaha la weeraray, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah.
Israa'iil ayaa sheegtay in ay qaadayso sidii ay u joojin lahayd hubka "gacanta u galay kooxaha xagjirka ah" ka dib markii la riday taliskii Asad.
Isniinta shalay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa kulan ay yeesheen waxa ay kaga hadleen xaaladda dalka Suuriya ka dib markii la riday Madaxweyne Bashaar Al-Asad, waxaana ay sheegeen in maalmaha soo socda ay soo saari doonaan war ku saabsan xaaladda.

Maxay yihiin buuraha Golan hights?
Buuraha Golan waa dhul dhagax ah oo ku yaal koonfur-galbeed ee Suuriya, kuna sii fidsan waqooyi-bari ee Israel. Waxayna qiyaastii 60 kiilomitir u jirtaa magaalada Dimishiq.
Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, Israa'iil waxay qabsatay ilaa 1,200 km² ee buuraha Golan, oo ay Suuriya ka soo weerartay.
Israa'iil ayaa aaggaas la wareegtay 1981-dii, tallaabadaas oo aysan aqoonsanin inta badan beesha caalamka. Maamulka Trump ayaa jebiyay tobanaan sano oo siyaasad Mareykan ah isagoo aqoonsaday madaxbanaanida Israel ee buuraha Golan ee la haysto sanadkii 2019.
Suuriya ayaa sheegtay in dhulkaasi ay weligeed lahaan jirtay, waxayna wacad ku martay inay dib u soo ceshan doonto, halka Israa'iil ay sheegtay in ay muhiim u tahay difaaceeda, ayna weligeed gacanteeda ku jiri doonto.
Ilaa 20,000 oo Israa'iiliyiin ah ayaa ku nool Buuraha Golan Heights, oo sidoo kale hoy u ah saldhigyada ciidamada Israa'iil iyo saldhigyada kale.
Qowmiyada degta Buuraha Golan
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Qowmiyadda Druze waa qoomiyad ku hadasha luqadda Carabiga oo inta badan ku nool Lubnaan, Israa'iil, Urdun iyo Suuriya. Qayb bulshadaas ka mid ah ayaa qarniyo badan ku noolaa buuraha Golan.
Kuwii Buuraha Golan joogay waxay ka soo ambabaxeen Suuriya oo ay Israa'iil xukumaysay June 1967, markaas oo Israa'iil ay qabsatay inteeda badan.
Israa'iil waxay siisay dhalasho dhammaan dadka deggan Buuraha Golan Height, in kasta oo qaar badan ay doorteen inay sii wataan muwaadin-nimadooda Suuriya.
Qiyaastii 20% Druze ee maanta halkaas ku nool waxay aqbaleen ama dhaxleen dhalashada Israa'iil. Kuwa haysta dhalashada Suuriya waxay sidoo kale haystaan sharciga degenaanshaha Israel, iyagoo leh inta badan xuquuqaha ay leeyihiin muwaadiniinta Israel marka laga reebo xaqa ay u leeyihiin inay codeeyaan.
Marka laga soo tago Buuraha Golan ee la haysto, waxaa jira ilaa 110,000 Druze kuwaas oo haysta dhalashada Israa'iil. Waa bulshada ugu badan ee aan Yuhuudda ahayn ee ka shaqeeya Ciidanka Difaaca Israa'iil (IDF), taas oo qayb ka ah shaqada qaranka ee qasabka ah ee dalka.
Waxaa jira ilaa hal milyan oo Druze adduunka ah, in kasta oo qiyaasuhu ay kala duwan yihiin. Caqiidadoodu waa farac ka mid ah laanta Shiicada, laakiin diintoodu waa diin gaar ah oo leh dhaqamo iyo caqiidooyin u gaar ah.













