Odayaasha Waqooyi bari Kenya oo ka walaacsan saameynta ay ku yeelaneyso hadii lagu dagaallamo Jubbaland

Dhadhaab

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Guddoomiye Cismaan Ibrahim wuxuu sheegay in dantooda ay ku jirta nabadda Soomaaliya.

Qaar ka mid ah odeyaasha ka soo jeeda deegaanka Dhadhaab ee dalka Kenya oo kulan yeeshay ayaa walaac ka muujiyay xiisadda ka taagan gobolka Jubbaland.

Odayaasha waxay sheegeen hadii aan arrintaas wax laga qaban oo ay sii baahdo in ay sababi karto in qaxooti badan oo hor leh soo qaxaan kuwaas oo ugu dambeyn imaanaya xeryaha qaxootiga Kenya.

Cismaan Ibrahim Cabdi, waa guddoomiyaha guddiga nabadgelyada Dhadhaab waxa uu BBC-da u sheegay in waxa hadda ka socda xadka dhankiisa kale ay horseedi karaan dhacdooyin la mid ah wixii dhacay 1992-dii taas oo keentay in qaxooti badan yimaado.

"Waxaan ka walaacsannahay hadii mar labaad uu dagaal dhaco, meesha ugu horeyso ay ku soo ordayaan dadkaas waa gobolka Waqooyi Bari Kenya, gaar ahaan deegaanda Wajeer".

Guddoomiye Cismaan Ibrahim wuxuu sheegay in dantooda ay ku jirta nabadda Soomaaliya.

1991-kii markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa Kenya galay qaxootii badan. Welwelka odayaasha ayaa ku saleysan in xiligan uu qaxootiga ka sii badnnaano karo sidii hore.

"Hadda waxaa jooga qaxooti gaaraya ilaa 900 oo aan weli la diwaan gelin, mana dhammaadaan qaxootiga soo galaya" ayuu yiri Guddoomiye Cismaan.

Dadab

Xigashada Sawirka, AP

Qoraalka sawirka, Cabashada odayaasha ayaa ku saleysan in laga hortago wax keeni kara in ay dad soo qaxaan.

Sida la sheegay ma jiraan qaxooti hadda galaya Kenya oo ka qaxaya colaad gobolada Jubbooyinka ka taagan balse odayaasha waxay sheegaan in markasta ay yimaadaan dad qaxooti ah.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Cabashada odayaasha ayaa ku saleysan in laga hortago wax keeni kara in ay dad soo qaxaan.

"Waxaan ka cabaneyno waa wax rasmi ah, ma ahan dad naceyb ama dowlad naceyb" ayuu yiri Guddoomiye Cismaan oo intaas ku daray in deegaankooda uu yahay mid aan ku fiicneyn beerashada.

"Deegaankeena waa kuleyl, dhulkeena beero ma leh, wabi ma leh, waxba ma leh. Dadka dhulka deggan iyo umadda soo qaxeysay ilaa iyo 1991-kii ma qaadi karo, meeshaas nabadgalyo la'aan ayaa ka soo socota iyo kuwii dhulka hore u joogay oo qxooti sii noqda". Ayuu yiri Guddoomiye Cismaan oo intaas ku daray in aysan hayn xero kale oo qaxooti la dajiyo.

Odayaasha gobolka Waqooyi Bari Kenya waxay sheegeen in weli ay xusuustaan saameyntii ay ku reebtay ammni xumadii ka dhalatay dagaalada 1991-kii.

Odayaasha beelaha deggan xadka Soomaaliya iyo kenya ayaa sheegay in xitaa dagaalka uu saameyn ku yeelan karo dhulkooda. Hadda waxay doonayaan in dowlada Kenya ay bilowda wadaxaajoodyada heshiis nabadeed oo u dhexeeya labada dhinac si loo helo xal dhammaan qeybaha ay ku heshiiyaan.

Odayaasha waxay ugu baaqeen dowladda Soomaaliya in ay ka fiirsato wixii keeni kara burbur.

Qaxootiga waxay deegaan u noqotay Dhadhab 1991-kii markaas oo Soomaali badan oo dalkooda ka soo qaxay la dajiyay. Madaxweyne Xasan ayaa hore u booqday xerada muddo xileedkiisa hore.

Wasiirka amniga Kenya ayaa hore shaaciyey in Kenya ay albaabada u laabi doonto xerada qaxootiga ee Dhadhaab, halkaas oo ay ku nool yihiin boqolaal kun oo qaxooti ah balse go'aankaas lagu xirayay xeryaha qaxootiga Dhadhaab ma hirgelin.

Dhadhaab ayaa ah xerada qaxootiga ee dunida ugu weyn iyadoo ay ku noolyihiin in ka badan nus malyuun ruux oo Soomali u badan. Qaxooti badan oo xerada ku jiray ayaa dib u dejin looga sameeyay dalalka reer galbeedka iyadoo qaarna ay dib ugu noqdeen Soomaaliya.

Walaaca ay odayaasha muujiyeen ayaa imanaya iyadoo ay cirka isku sii shareereyso khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubaland waxaana laga cabsi qabaa in xiisaddu ay gaarto gacan ka hadal oo saameyn ku yeelan karto dadka reer Jubaland iyo dalalka dariska ah labaduba.