Maxaa ku dhici doona beesha Calawiyiinta ee uu ka soo jeedo Bishaar al-Asad ka dib dhicistiisa?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warka ku saabsan in la riday madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-asad ayaa ahaa onkod ku dhacay dhegaha qoyska Cali oo muddo labaatan sano ah ku noolaa gobolka Tartous oo ay ku badan yihiin Calawiyiinta.
Cali (magaciisa dhabta ah ma aha) ayaa BBC-da u sheegay in sida Calawiyiin badan oo ku nool magaalooyinka xeebaha ee Suuriya, uu hadda dareemayo cabsi iyo argagax uusan waligii fileyn.
Dareenkan ayaa sii xumaaday kadib markii uu meesha ka baxay maamulka Bashaar Al-Asad oo ay isku hayb yihiin isla markaana taageero xooggan ka helayay 24-kii sano ee uu ka talinayay dalka Suuriya.
"Markii ugu horreysay ee aan maqlay dhicitaanka nidaamka Asad, waxaan dareemay sida inaan waayay wixii ugu qaalisanaa ee aan haysto. Waxa hadda na cabsi gelinaya in aynu nahay dad laga tiro badan yahay dalkan. Waxaan ka baqaynaa wax aan la garanayn, mana garanayno waxa ina sugaya iyo waxa mustaqbalkayagu yahay.
Subaxnimadii hore ee Axadda, December 8, 2024, kooxda Hayat Tahrir al-Sham oo uu hoggaamiyo Axmed al-Sharaa, oo loo yaqaan Abu Muxammad Al-Julaani, ayaa ku dhawaaqay gacan ku haynta caasimadda Suuriya ee Dimishiq, iyo in la afgambiyay nidaamkii Madaxweyne Bashaar al-Assad.
Cali waxa uu 35 sano ka hor ku dhashay magaalada Badala Mashqita ee gobolka Latakia ee dalka Suuriya, ka hor inta aanu qoyskiisa u guurin 18 sano ka hor Baniyas, Tartous.
"Waqtigii Madaxweyne Asad marnaba kamaan baqayn in qof u yimaado oo gowracayo bulshadayada iyadoon lala xisaabtamin, sharci baa jiray, hadda guryahayagii ayaanu iska joognaa, mucaaradkuna waxay na leeyihiin ha cabsanina, gowracna ma jiro. Ereyadan wax badan ayaa lagu soo celceliyaa, laakiin ma garanayno inay na khiyaanayn doonaan iyo in kale," ayuu u sheegay BBC isagoo murugo ay ka muuqato.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Tiro-koob sax ah lagama hayo tirada Calawiyiinta ee Suuriya, balse qiyaasaha la sameeyay ayaa tilmaamaya in ay yihiin 12% dadka dalkaas oo ah 23 milyan oo qof.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Kadib afgambigii 1970-kii ee uu hogaaminayay Hafez al-Assad, oo ahaa aabaha madaxweyne Bashaar Al-asad, Calawiyiintu waxay awoodooda xoogga ku saareen hay'adaha muhiimka ah iyo hay'adaha amniga Suuriya.
Calawiyiintu waa ay haystaan mad-habta Shiicada. Erayga Calawi waxa uu macnihiisu yahay "raacii Cali.
Calawiyiinta Suuriya waxay inta badan ku badan yihiin xeebta Mediterranean-ka ee dalka, gaar ahaan magaalooyinka Latakia iyo Tartus.
Marka la eego meelaha ka baxsan Suuriya ee ay ku noolyihiin Calawiyiinta, sida Turkiga oo ay ku nool yihiin bulshooyin yaryar oo Calawiyiin ah (gaar ahaan Gobolka Hatay), waqooyiga Lubnaan, iyo qaybo kale oo Bariga Dhexe ah.
Cali waxa uu sheegay in uu arkay xubno ka tirsan Hay'at Tahrir al-Sham oo guri guri u galayay magaalada Tartous si ay dadka deegaanka uga dalbadaan in ay ku soo wareejiyaan hub kasta oo ay haystaan, taas oo keentay in uu dareemo tabar darro. Laakiin isla mar ahaantaana, wuxuu sheegay in isaga iyo cid uu garanayo midna aanay dhibaatayn xubnaha Hay'at Taxriir al-Sham.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhowr bayaan oo ay ku saxiixan yihiin culumada Calawiyiinta iyo mashaa'ikhda ku sugan deegaanka Qardaha – oo ah magaalada uu ka soo jeedo Asad ee waqooyiga gobolka Latakiya – ayaa ka soo baxayay, waxayna ku muujinayaan taageerada ay u hayaan "habka cusub iyo ciidanka qaranka", iyo sidoo kale "la shaqeynta ururka iyo qaranka xorta ah.
Ciidanka si loo dhiso Suuriya cusub." War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale loogu baaqay "Shacabka ku dhaqan deegaankaas in aysan hub qaadan oo ay isa soo dhiibaan" waxaana sidoo kale loogu baaqay in dhammaan taallada iyo sawirrada laga qaado goobaha ay dadku isugu yimaadaan. Hadalkan ayaa yimid kadib markii koox ka mid ah culimada Calawiyiinta oo ku sugan magaalada Qardah ay la kulmeen wakiilo ka socday hay'ad Taxriir Al-Shaam.
Cali waxa uu sheegay in xaaladda ay uga sii dartay duqeymaha ay diyaaradaha Israa'iil ka wadaan deegaano kala duwan oo ka tirsan dalka Suuriya.
Waxa uu xaaladda Calawiyiinta ee hadda ku sugan yihiin ku sifeeyey inay "dhexda u galeen dubbaha mucaaradka Suuriya iyo ciriiriga weerarrada Israa'iil," waa sida uu hadalka u dhigaye.
Ka dib markii la afgambiyay Assad, ciidamada Israel ayaa qaaday weeraro badan oo warbaahinta Suuriya ay sheegtay in lala beegsaday bakhaarrada hubka ee koonfurta Suuriya, oo ay ku jiraan goobo ku yaal baadiyaha Daraa iyo gobolka Quneitra ee koonfur-galbeed ee dalka, marka lagu daro agagaarka garoonka diyaaradaha Mezzeh ee Dimishiq.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Israa'iil, Israa'iil waxay doonaysaa inay ku burburiso hubka istiraatiijiga ah ee Suuriya, si ay uga hortagto mucaaradka Suuriya inay qabsadaan kaydka hubka ee ciidamada Suuriya "iyaga oo ka baqaya inay u adeegsadaan hubka mustaqbalka."
Labadii maalmood ee la soo dhaafay, tiro badan oo reer Calawiyiin ah oo ku noolaa magaalada Dimishiq, ayaa u ambabaxay dhanka xeebta. Xubno ka mid ah dadkaas ayaa BBC-da la wadaagay wixii ay la kulmeen. Waxaa ka mid ah Faarax oo ka soo jeedda beesha Calawiyiinta ee Dimishiq degganaa.
Waxa ay sheegtay in iyada iyo qoyskeeda ay ka baxeen Dimishiq ka dib markii ay aad uga walaacsanaayeen subaxnimadii Isniinta ee la soo dhaafay, waxayna sheegtay in ay soo mareen 11 isbaaro ka dib markii ay ka soo anbabexeen caasimadda Suuriya. Waxay sheegtay inay ku sii jeeday magaalada Jableh ee Latakiya. Safarkeeda waxa uu qaatay ilaa 15 saacadood, halka inta badan aanu qaato 3 saacadood.













