13 qodob oo is badalay 13-kii sano ee dagaalka sokeeye ee Suuriya

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Maarso sanadkii 2011, waxaa bilowday rabshado ballaaran oo loo yaqaanay kacdoonadii Gugii Carabta kuwaas oo ku faafay bariga dhexe iyo waqooyiga Afrika, waxaana qayb ka ahaa dhallinta Suuriyaanka ah, xilli dhowr arday oo Suuriyaan ah oo ku sugnaa magaalada Daraa ee ku taalla Koonfur galbeed dalkaasi ay darbiyada ku qoreen "Waa xilligii isbadalka dhakhtarka".
Waxay ahayd farriin ku socotay Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad oo ahaa dhakhtar ku takhasusay indhaha sidaasna ay u adeegsanayeen kalmadaha la xiriira.
Ardaydaas ayaa la xiray, waxaana la saaray cadaadis iyadoona la silciyay sida ay waalidiintooda sheegeen.
Arintaas ayaana dhalisay mudaharaadyo ballaaran oo ka dhacay Deegaanka Daraa iyo caasimadda magaalada Dimishiq oo ay si xoog leh uga horyimaadeen ciidamada dowlada.
Tobaneeyo qof oo rayid ah ayaa ku dhintay, intaas ka dibna dibadbaxyada ayaa ku sii fiday dalka oo dhan.
Waana sida uu ku billowday dagaalka sokeeye ee Syria.

Xigashada Sawirka, Getty Images
13-kii sano ee la soo dhaafey, in ka badan 600,000 oo qof ayaa ku nafwaayay rabshadihii isku badalay dagaalka sokeeye, sidoo kale lix milyan oo qof ayaa gudaha ku barakacay, halka in kabadan lix milyan oo qof ay ku qasbanaadeen inay dalka ka cararaan oo ay qaxooti noqdaan.
Dagaal yahannada Islaamiga ah ee Hayat Tahrir al-Sham (HTS) oo lala xiriirin jiray Al-Qaacida ayaa si xowli ah ku soo laba kacleeyay iyadoona bishii Nofembar 2024, ay la wareegeen gacan ku haynta gacanka Aleppo, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Syria, kaddibna waxay u sii gudbeen Hama iyo Homs.
8-dii Diseembar, waxay qabsadeen Dimishaq, Bashar al-Asadna wuu isaga baxsaday dalka isagoo magan galyo ahaan u aaday Moscow.
Haddaba waxaan eegaynaa sida ay dalkaas wax uga dhaceen iyo qodobbada ugu waawayn ee isbadalka dagaaladii sokeeye ee Suuriya.
1. July, 2011: Waxaa la aasaasay xoogagga mucaaradka
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Iyadoo ay dibadbaxyada balaaran qabsadeen magaalooyinka waawayn ee dalka oo dhan, ayaa qaybo kamid ah saraakiishii ciidanka Suuriya isaga tageen shaqada si ay ugu biiraan xoogagga mucaaradka ee markaas dhismayay.
Dhammaadkii bishii Luulyo 2011, isbahaysi ka kooban kooxo mucaarad ah ayaa aasaasay Ciidamada Xorta ah ee Suuriya (FSA) ujeedaduna waxay aheyd in ay difaacaan dibadbaxyada nabadda ah iyo in ay bilaabaan hawlgallo milateri oo ka dhan ah taliskii Assad.
Wixii intaa ka dambeeyay, rabshadaha ka aloosan Suuriya ayaa bilaabay in loogu yeero 'dagaal sokeeye'.
Xoogagga mucaaradka ayaa gurmad ka helay mareykanka, Turkiga, Qadar iyo waddamada kale ee Khaliijka.
Turkiga iyo Qadar ayaa sidoo kale billaabay inay martigeliyaan wakiillo ka socda mucaaradka Suuriya.
Bishii August, madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ugu baaqay Assad inuu xilka isaga dego.
"Mustaqbalka Suuriya waa in ay go'aan ka gaaraan dadkeeda, laakiin madaxweyne Bashaar al-asad ayaa is hor taagan," ayuu yiri.
Dalal badan oo reer Galbeed ah ayaa sidoo kale billaabay inay cunaqabateyn ku soo rogaan maamulka Assad.
Sanadkii 2012,ciidamadii dowladda ayaa ka baxay degaannada ugu badan ee ay ku badan yihiin Kurdiyiinta ee waqooyiga dalkaas si ay xooga ugu saaraan sidii ay ula dagaalami lahaayeen kooxaha mucaaradka meelo kale, waxaana gacantooda ka baxay maleeshiyaadka Kurdiyiinta ah, Turkiga ayaa ka welwelsanaa tallaabadaas.
2. February 2013: Iran ayaa qayb ka soo noqotay ku lug la haanshaha
Si loo ilaaliyo mid ka mid ah xulafadooda ugu muhiimsan ee gobolka, dowladda Iiraan waxay bilowday inay dowladda Assad ku taageerto hub, maleeshiyo iyo taageero tababar ah iyada oo loo marayo Quds Force, oo ah laan ka tirsan Iran's Islamic Revolutionary Corps (IRGC).

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ku lug lahaanshaha Iran ee dagaalka Suuriya ayaa la soo bandhigay bishii Febraayo 2013 markii IRGC ay ku dhawaaqday in mid ka mid ah taliyayaasheeda ay dileen fallaagada.
Bishii June, ciidamada dowladda Suuriya ayay u suuragashay inay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Qusair ee ku taalla xadka Lubnaan, iyaga oo taageero ka helaya xoogagga Quds ee Xisbullaah iyo maliishiyaadka kale ee Iiraan lala xiriirinayo.
3. Agoosto 2013: Gaaska Sarin ayaa la adeegsaday
21kii Agoosto 2013, waxaa la isticmaalay gaaska Sarin iyadoona lagu weeraray beeraleyda Ghouta ee agagaarka Dimishiq, boqolaal qof oo ay ku jiraan dad rayid ah ayaa ku naf waayey suntaas.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-moon ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inuu aaminsan yahay in weerarkaasi uu yahay dambiyo dagaal.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanadkii 2012-kii, madaxweynaha Mareykanka Obama ayaa sheegay in adeegsiga hubka kiimikada ama baayoolajiga uu noqon doono 'khadka cas' dad badanna waxay filayeen in Maraykanku uu faragalin ku sameeyo Suuriya ka dib weerarkii Ghouta.
Taas beddelkeeda, maamulka Obama ayaa heshiis la galay Ruushka oo ah xulafo xoogan oo taageersan Assad si hubka kiimikada looga saaro Suuriya.
Taasi waxay horseeday eedeymo ah in Mareykanka oo ku dhowaa inuu waqtigaas heshiis nukliyeer ah la galo Iran, uu ka gaabsaday inuu ku lug yeesho Suuriya si aysan u kordhin xiisadda ka taagan magaalada Tehran.
4. January 2014: Kooxda islamic State ayaa qabsatay Raqqa
Kooxda jihaad doonka ah ee Islamic State ee Ciraaq oo sidoo kale loo yaqaanno ISIS, ama DAACISH ayaa weerar ku qaaday xoogagga mucaaradka ee ku sugan magaalada Raqqa ee Syria.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Jannaayo 2014, waxay magaalada ka saareen kooxo Islaamiyiin ah oo ay ka mid yihiin Axrar al-Shaam iyo Al-Nusra, waxayna ku dhawaaqeen Raqqa.
Kooxda oo markii dambe qaadatay magaca 'Dowladda Islaamiga' ayaa qabsatay qiyaastii seddex meelood meel kamid ah Suuriya, waxa ayna ahaayeen ku dhawaad 30,000 oo dagaalyahanno sida ay sheegeen hay'adda la socodka xuquuqda aadanaha ee Suuriya.
Waxay weerarro waaweyn ka fulisay dalalka dariska ah iyo Yurub, waxaana ku dhintay dad aad u badan.
5. Sebtember 2014: Go'doominta Kobani
Bishii Sebtembar 2014, kooxda Khilaafada Islaamka (IS) ee Suuriya waxay bilowday go'doominta magaalada Kobani (oo sidoo kale loo yaqaano Ayn al-Arab) taas oo ku taalla waqooyiga dalkaas, una dhaw Turkiga.
Go'doomintaas waxa ay la kulantay duqeymo dhanka cirka ah oo ay fuliyeen mareykanka iyagoo ku bartilmaameedsanaysa kooxdaasi, waxaana maamulka Obama uu billaabay in uu taageero militari oo toos ah u fidiyo maleeshiyaadka kurdiyiinta YPG (People's Protection Units) ee dagaalka ay kula jiraan kooxda IS.

Xigashada Sawirka, Getty Images
YPG waxay dib uga celisay kobani xoogagga IS, waxayna si xawli ah ugu sii durkeen xadka Turkiga, kaddibna iyagoo u jeestay dhanka koonfureed, waxay qabsadeen Raqqa.
Turkiga ayaa YPG u aqoonsatay koox argagixiso ah, isagoo ku adkeysanaya in ay tahay muddo kordhin uu sameeyay xisbiga shaqaalaha Kurdiyiinta ee PKK, oo muddo tobannaan sano ah u dagaalamayay ismaamulkii Kurdiyiinta ee Turkiga.
Xoogagga YPG ee ku soo kordhaya xadka Turkiga iyo taageerada ay ka helaan isbahaysiga caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxda dawladda Islaamka ayaa Ankara waxa ay ka muujisay walaac.
Turkiga ayaa bilaabay howlgallo ka dhan ah IS ee ay ka fulinayso Suuriya iyo bartilmaameedyada PKK ee waqooyiga Ciraaq, isla waqtigaasna wuxuu ogolaaday in saldhigga Maraykanku uu ku lahaa Incirlik ee koonfurta Turkiga loo adeegsado bartilmaameedyo ka dhan ah kooxda IS.
Waxay qaadday hawlgallo kale oo waaweyn oo xadka ah sanadkii 2016, sidoo kale sanadihii 2018 iyo 2019 iyadoo lagu bartilmaameedsaday ciidamada YPG.
6. September 2015: Ruushka ayaa si toos ah u soo farageliyay dagaalka
Sannadkii afraad ee dagaalka, ayaa Ruushku wuxuu si toos ah ugu lug yeeshay Suuriya duqeymo cirka ah oo lagu taageerayo ciidamada dowladda.
Wareysi ay la yeelatay BBC-da, ayuu Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ku sheegay in kooxaaha jihaadiga ah ee ka dhisan Suuriya ay khatar ku yihiin Ruushka sidaasna ay ku galeen dagaalka si ay u soo afjaraan kooxahaas.
24-kii November 2015, diyaarad dagaal oo Ruushku leeyahay oo la sheegay in ay ku soo xad gudubtay hawada Turkiga ayay diyaaradaha Turkiga soo rideen.
Kadib dhowr bilood oo uu gaab ku jiray xiriirka moscow iyo Ankara, ayaa madaxweynaha Turkiga Erdogan uu warqad uu ku bogaadinayo u diray Putin, kaasoo wadada u xaaray isu soo dhowaanshaha labada hogaamiye.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dhamaadkii sanadkaan, xabad joojin ayaa lagu dhawaaqay in laga dhaqan galiyo Aleppo 'Xalab' oo ah magaalo ku dhowaad gebi ahaanba lagu burburiyey duqeyn, isla markaana mucaaradka ayaa dib isaga laabtay idlib oo ku dhow xadka Turkiga. Assad wuxuu u arkay dib u qabsashada Xalab inay tahay culays ka wareegay.
Ruushka ayaa sii waday taageerada uu la garabtaagnaa dowladda Assad, hase yeeshee taageeradiisa milatari ayaa si tartiib tartiib ah u gaabinaysay, sababo la xiriira dagaalka uu kula jiro Ukraine.
7. Dhibaatada muhaajiriinta
Dagaalka sokeeye ee ka socday dhulka iyo ku luglahaanshada dalaka shisheeye sida Mareykanka, Ruushka, Iran, Turkiga iyo dalalka Khaliijka ayaa dhaliyay qaxooti badan oo ka imaanaya Suuriya.
Turkigu wuxuu qaatay 'siyaasad albaab furan' oo loogu talagalay mucaaradka iyo dadka rayidka ah ee ka cararaya waddanka.
In ka badan saddex milyan oo qaxooti Suuriyaan ah iyo muhaajiriin ayaa ku nool Turkiga tirada ugu badan ee qaxootiga hal waddan oo adduunka ah.
Wadamada dariska ah ee Lubnaan iyo Urdun ayaa sidoo kale qaabilay boqolaal kun oo Suuriyaan ah.
Sannadkii 2015-kii, markii ay Suuriyaanku isku dayeen in ay Yurub u sii gudbaan si ay magangelyo u helaan, qulqulka muhaajiriin badan oo ka safrayay Turkiga una socday Giriiga ayaa bilowday iyaga oo sii maraya badda Aegean.
Sida lagu sheegay xogta Hay'adda Socdaalka Adduunka ee sannadkii 2015-kii, in ka badan 821,000 oo qof ayaa si sharci darro ah ugu tallaabay dalka Giriigga, iyagoo ka soo raacay Turkiga, 706 qofna waxay ku naf waayeen safarkii halista ahaa ee badda.
Dadkaas waxaa ka mid ahaa Aylan Kurdi oo saddex jir ahaa, kaas oo meydkiisa ku soo caariday xeebta Bodrum ee loo dalxiis tago ee Turkiga muuqaallada wiilka dhintay oo si weyn ugu faafay warbaahinta caalamka ayaa ahayd mid xusuusin xanuun badan u ahayd xaaladda Suuriya.
Midowga Yurub iyo Turkiga ayaa bishii March ee sannadkii 2016-kii wada saxiixday heshiis lagu xakameynayo qulqulka muhaajiriinta, Ankara ayaana sheegtay in Midowga Yurub uusan garab istaagin gorgortanka, waxayna sheegeen inay xuduuddooda u furi doono muhaajiriinta kicinaya xiisadda gobolka.
8. May 2017: Xaalado kacsanaan ah ayaa lagaga dhawaaqay Idlib
Kulan ka dhacay magaalada Astana ee caasimadda Kazakhstan bishii May 2017, Ruushka, Iiraan iyo Turkiga ayaa go'aamiyay in afar aag oo 'goob militariga ka caagan' laga sameeyo meelaha ay mucaaradku haystaan.
Midka koowaad wuxuu ahaa gobolka Idlib, kan labaadna wuxuu ahaa Rastan iyo Talbisa, kan saddexaadna wuxuu ahaa bariga Ghouta, kan afraadna wuxuu ahaa Dera iyo Quneitra.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Bishii Luulyo 2018, kumannaan dagaalyahano ah oo ka soo jeeda gobolladan ayaa lagu soo raray basas waxaana loo diray Idlib iyaga iyo qoysaskooda, taas oo ka dhigaysa waqooyi galbeed ee dalka oo ah meesha kaliya ee u hartay xoogaga fallaagada.
Bishii Sebtembar 2018, Ruushka, Iran iyo Turkiga waxay saxiixeen heshiis lagu dhisayo goobo indho indhayn ah Idlib si loo abuuro aag difaac ah oo u dhexeeya xoogaga mucaaradka iyo ciidamada Suuriya.
Idlib ayaa waxaa gacanta ku hayay dhowr kooxood oo mucaarad ah oo iska soo horjeeda tan iyo markii ciidamada dowladda ay gacantooda ka baxeen gobolka 2015. Muddooyinkii dambe waxaa inta badan gacanta ku hayay HTS.
9. Diseembar 2018: Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in IS ay lumisay dhammaan dhulkeeda
Bishii Diseembar 2018, madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in kooxda dowladda Islaamiga ah aysan hadda hayn wax dhul ah oo ay maamusho oo Suuriya ku yaal.
Wuxuu kaloo amray in 2,000 oo askari oo Mareykan ah laga saaro Suuriya, balse wuxuu ku guuleystay inuu soo celiyo kala bar askarta Mareykanka. Waxaa weli dalka jooga ku dhawaad 900 oo askari oo Mareykan ah.
Meeshii ugu dambaysay ee IS ay ku xoogaysteen Suuriya waxa ay ahayd magaalada Baghuz oo ay Kurdiyiinta hogaaminayaan ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF) ay qabsadeen February 2019.
10. Asad wuxuu helay fasax
Markii kooxda Dawladda Islaamka si weyn loo ciribtiray, waxaa is badalay qaabkii ay dalalka Carabta iyo kuwa reer galbeedku ula dhaqmijireen Madaxweyne Assad iyo Xisbigiisa Baath.
Dalalka Cumaan, Urdun, Imaaraatka Carabta iyo Baxrayn ayaa dib u furay xafiisyadoodii diblumaasiyadeed ee Dimishiq, qaarkood ayaana safiiro u diray dalkaas.
Madaxda sirdoonka Turkiga iyo Suuriya ayaa shir ku yeeshay magaalada Moscow si ay uga wada hadlaan suurtagalnimada iskaashi ka dhan ah 'ururada argagixisada'.
Markii dagaalka sokeeye laga joogo ku dhawaad toban sano, ayaa madaxweyne Assad waxa uu ku dhawaaqay in uu kor u qaadi doono ciidamada Suuriya oo taageero ka helaya Ruushka.
11. May 2023: Asad waxa uu ka qayb galay shirka Jaamacadda Carabta
Suuriya ayaa ka mid ahayd dalalkii aasaasay Ururka Jaamacadda Carabta, balse xubinnimadeeda ayaa la hakiyay, kaddib markii la joojiyay dibadbaxyadii dowladda looga soo horjeeday sannadkii 2011-kii.
Ka dib 12 sano oo go'doon ah, Madaxweyne Bashaar Al-Asad ayaa lagu soo dhaweeyay inuu dib ugu mid noqdo ururka dalalka Carabta, waxa uuna ka qayb galay shir ka dhacay magaalada Jeddah ee dalka Sacuudiga.
Isbeddelka ayaa sabab u ahaa isbeddelka Sucuudiga ee ku wajahan Dimishiq.

Xigashada Sawirka, Getty Images
12. October 2023: Xamaas ayaa weerartay Israa'iil
Weerarkii Xamaas ee ka dhanka ahaa Israa'iil 7dii Oktoobar 2023, iyo dagaalkii xigay ee Israa'iil ay ku qaadday Qasa ayaa ruxay dhaqdhaqaaqii gobolka ee xudunta u ahaa, taas oo keentay in dhammaan habraacyadii caadiga ahaa ee u dhexeeyay Israa'iil iyo dhowr waddan oo Carbeed ay istaageen.
Dagaalka Israa'iil ee Qasa ayaa sii ballaartay waxaana ku soo biiray kooxo ay taageerto Iran, Xisbullah oo ka dhisan Lubnaan ayaa qayb ka ah waxa ayna dhibaato weyn kala kulmeen Israa'iil.
Iran waxa ay ka mid ahayd kuwa ugu muhiimsanaa ee ka qayb qaatay in xisbiga Baath Party uu sii jiro xilligii dagaalka sokeeye ee Suuriya.
13. November 2024: Weerarkii hillaaca ee HTS
Maleeshiyada islaamiga ah ee ay hogaamiso kooxda jihaad doonka ah ee HTS ayaa 27-kii bishii November weerar aan kala joogsi lahayn ku qaaday ciidamada dowladda Suuriya.
Waxaa la yaab ku noqotay dhammaan beesha caalamka in ay maalmo gudahood ku qabsadeen magaalooyinka Xalab iyo Xama, 8-dii Decemberna ay u suurtagashay in ay la wareegaan Xumus iyo magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.
Warbixin laga sii daayay telefishinka ayay ku shaaciyeen in Dimishiq la xoreeyay, iyo in xukunka Bashaar Al-Asad uu dhamaaday 24-sano kadib.
Telefishinka qaranka Ruushka ayaa sheegay in Asad uu ka tagay xafiiska iyo Suuriya kadib markii uu bixiyay amar ah in si nabad ah xukunka lagu wareejiyo, isaga iyo qoyskiisuna ay magangelyo ka heleen Moscow.
Ra'iisul Wasaare Mohammed Ghazi al-Jalali ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo "hoggaan kasta oo ay doortaan dadka Suuriya."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Hogaamiye Abu Mohammad al-Jolani waxa uu meesha ka saaray magaciisii hore, waxa uuna bilaabay in uu isticmaalo magaciisa saxda ah ee Axmed al-Sharaa.
Dowladda cusub ee lagu dhisayo Suuriya waxay la kulmi doontaa caqabado waaweyn oo isugu jira dhaqaale xumo iyo dhibaatooyin xagga kaabayaasha dhaqaalaha ah.
Isku dheelli tirka dalabaadka kooxaha mintidka ah ee ku loolamaya dalka, iyo danaha iska soo horjeeda ee Maraykanka, Ruushka iyo quwadaha gobolka ayaa sidoo kale halis gelin kara xasilooni darada Suuriya.













