Maxaa qabsaday dad ay khiyaameen Mukhallasiin sheeganaya inay fududeeyaan fiisaha Canada

Dadkaan ayaa laga qaatay lacago badan oo qaarkood ay soo daynsadeen
Qoraalka sawirka, Dadkaan ayaa laga qaatay lacago badan oo qaarkood ay soo daynsadeen

Henry Katurima oo ah Kenyan markii uu go'aansaday inuu u guuro dalka Canada , wuxuu u maleynayay in shaqo cusub iyo nolol cusub ay ka horreeyaan.

"Rajo weyn ayaan lahaa. Waxaan u maleeyey inaan halkaas aadi doono oo aan si degdeg ah u bilaabi doono shaqada, si ay nolosheydu dhaqso isu beddesho," ayuu yiri.

Henry wuxuu ahaa baare dawladda u shaqeeya. Waxa uu aaminsanaa in noloshiisu ay khatar geli doonto haddii uu ku sii noolaado Kenya shaqadiisa darteed.

"Waxaan bilaabay inaan ka fikiro meesha aan aadi lahaa oo aan magangelyo weydiisan lahaa," ayuu yiri.

Si uu dhaqso uga baxo Kenya, waxa uu raadiyay cid arrintaas ka caawin karta isaga oo xiriir la sameeyay mid ka mid ah xafiisyada tikidhada jara oo lagu magacaabp Skypins, kaas oo uu ka helay baraha bulshada.

"Waxay u muuqdeen inay shaqo fiican qabanayaan," ayuu yiri.

Bishii Abriil 2023, xafiiskii uu la xiriiray waxay tusiyeen Henry shaqooyinka uu qaban doono haddii uu Canada tago iyo dhaqaalaha uu heli doono.

Henry Wuxuu yiri, "Waxay ahayd fursado fiican iyo lacag fiican,"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dukumentiyada ayuu u gudbiyay Skypins wuxuuna bixiyay lacag dhan 930 doollar si uu u bilaabo helista dal ku galka isagoo mar kale bixiyay lacag gaaraysa 386 oo fiisaha ah.

Waxa uu sheegay in inkasta oo qolyaha uu la xiriiray ay Akoon magaciisa ku fureen haddana loo diiday inuu ogaado xogta Akoonka.

Kenyaan kale oo xiriir la sameysay Skypins si ay Canada u tagto waa Mary, ma ahan magaceeda dhabta ah, waxay iyana xiriirkooda ka heshay baraha bulshada .Waa kalkaaliso caafimaad oo ka shaqeynaysay cisbitaal dawladeed. Waxay bilawday hawsha iyada oo aaminsan in ay sahlanaan doonto in ay Canada tagto, isla markaana sii wadato barashada xirfadeeda kalkaalisnimo.

"Waxay ii sheegeen inaan heli doono shaqo. Waxaan u maleeyay in shaqadan aan aadi doono oo aan bilaabi doono waxbarasho si aan u sii wato xirfadayda, ayay tiri.

Waxay qaadatay deyn sababtoo ah ma awoodin inay bixiso lacagta ay dalbadeen muqalasiintu.

"Waxaa saxiixay qandaraas. Waxaan bixiyay 50 doolar oo fiisaha ah iyo 930 doolar oo dadka howsha ii qabanayay ay qaateen,".

Sida Henry, Mary looma ogolaan inay aragto akoonkeeda magaceeda lagu furay .

Ma jiraan xaruumo laga codsado dal ku gal.

Henry Kathurima

Xigashada Sawirka, Henry Kathurima

Qoraalka sawirka, Henry Kathurima

Safaaradda Canada ee Kenya ayaa sheegtay in xaqiiqda ah in Henry iyo Mary ay codsadeen in ay arkaan akoonnadooda oo aan loo oggolaan ay abuurtay shaki.

"Qof walba si toos ah ayuu akoon u furi karaa oo uu ula socon karaa akoonkiisa," ayuu yiri Maripir Kote, oo ah maamulaha barnaamijka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee safaaradda Canada ee Nairobi. Waxay intaa sii raacisay."Ma jirto baahi loo qabo in la shaqaaleysiiyo lataliye ama wakiil si uu u furo oo uu ula socdo akoonkaada.

Safaaradda Canada ayaa ka digtay in hay'ado ama wakiillo aaney safaaradda magaceeda dad ugu dalbi karin dal-ku-gal.

" Codsadayaasha fiisaha ayaa mas'uul ka ah macluumaadka ay ku qoraan akoonnadooda. Haddii ay jirto xog been ah, waa mas'uuliyadda codsadaha fiisaha, ee maaha wakiillada'. Sidaa darteed, codsadayaasha fiisaha waa inay saxaan wixii macluumaad been ah. Wakiiladu waxay samaynayaan khiyaamo badan," ayuu raaciyay Maripir Kote.

Henry ayaa sheegay in hay'addu ay abuurtay dukumeenti si been abuur ah ay ugu sheegtay in bangiga ay taallo lacag dhan 40,000 oo doolar. Khiyaanada noocan oo kale ah waxay keeni kartaa dhaawac weyn.

Dowladda Canada ayaa Henry u diiday fiisaha, waxayna ka mamnuucday inuu soo galo Canada muddo shan sano ah.

Waxa kale oo laga mamnuucay inuu soo galo Australia, New Zealand, Boqortooyada Ingiriiska, iyo Maraykanka.

"Uma jeedin inaan been sheego. Ma aanan ogeyn in aan qaldanahay ama aan khiyaano sameynayo, "ayuu yiri.

Mary waxay kaloo tiri, "Waxay ku dareen magaca awoowgay magacayga waxayna soo gudbiyeen codsiga fiisaha. Waxay yiraahdeen waan hagaajin doonaa, laakiin ma aysan sameyn."

"Dukumentiga bangiga ay soo gudbiyeen aniga ma siin, ma garanayo sida ay ku heleen, laakiin waxay soo gudbiyeen dukumeenti bangi oo aan anigu laheyn oo khaldan," ayay hadalkeeda ku dartay.

Way sugaysay, iyadoo rajaynaysa in codsigeeda fiisaha uu heli doono jawaab wanaagsan.

"Waxay ii sheegeen Skype in aan sugo oo aan u dulqaato. Waxaan filayey inaan Email ka helayo safaaradda, laakiin waxba iima iman," ayay tiri.

Sanad ka dib, Mary waxay bilowday inay ka shakiso in la khiyaameeyay.

Markii ay la xiriirtay Skype, waxaa loo sheegay in codsigeeda fiisaha la diiday.

BBC-da ayaa la xiriirtay Dennis Kimoto, madaxa socdaalka ee Skypins, si uu uga jawaabo cabashada Henry iyo Mary. Dennis ayaa beeniyay eedeymaha ka dhanka ah shirkadiisa.

Waxa uu sheegay in hay'addu aysan qaadan shaqaale, isla markaana aan ka diiwaan gashanayn heer qaran, isagoo sheegay in shaqadoodu ay tahay safarro iyo dalxiis, isla markaana ay ka diiwaan gashan yihiin xafiiska dalxiiska ee dalka.

Marka la eego kiiska Henry, Dennis ayaa ku jawaabay, "Waan ka warqabaa arrinta. Haddii qof uu jiro wax cabasho ah, si toos ah ayay ula xiriiri kartaa hay'addayada. Waxaan si toos ah ula macaamilnaa macaamiisheena. Waxay na waydiin karaan macluumaad kasta oo ay u baahan yihiin".

Wuxuu dafiray inuu dalbaday fiisaha shaqada iyo inuu soo gudbiyay dukumentiyo been abuur ah oo loogu talagalay habka fiisaha.

Iidhehyada baraha bulshada

Xayaysiimaha ayaa ka mid ah meelaha dadka lagu qaldo
Qoraalka sawirka, Xayaysiimaha ayaa ka mid ah meelaha dadka lagu qaldo

Henry iyo Mary kaliya maahan dadka lagu khiyaameeyay lacagtooda wakaaladaha ku xayaysiiya shaqadooda baraha bulshada.

BBC-da ayaa heshay boqollaal bog oo baraha bulshada ah oo ay isku xayaysiinayaan in ay yihiin hay'ado dadka Kenyaanka ah ee doonaya in ay u safraan Canada u qaban kara howshaas sida ugu wanaagsan.

Bogaggan waxaa inta badan laga helaa TikTok, Facebook, iyo Instagram, waxayna inta badan beegsadaan dadka shaqo doonka ah.

Sida laga soo xigtay waaxda socdaalka, jinsiyadda iyo fiisaha ee dawladda Canada, tirada wakiillada fiisaha khiyaanada ku dhisan ee ku sugan waddamada Saxaraha ka hooseeya ee Afrika ayaa korortay.

Tiradoodu waxay sidoo kale ku korotay dalalka Nigeria, Tanzania, iyo Uganda.

Sannadkii hore, ilaa 29,577 codsiyada fiisaha deganaanshaha ku meel gaarka ah ee Canada ayaa waxaa soo gudbiyay Kenyan, iyadoo ku dhawaad 47 boqolkiiba fiisaha la bixiyay, halka 53 boqolkiiba codsiyada fiisaha la diiday.

Kuwa codsiyadooda fiisaha la diiday, 14 boqolkiiba waxay soo gudbiyeen macluumaad aan sax ahayn ama been ah.

Ogolaanshaha codsiga fiisaha ayaa hoos u dhacay 8 boqolkiiba lixdii bilood ee ugu horreysay 2024. 26 boqolkiiba codsiyada fiisaha deganaanshaha Canada waa la diiday sababtoo ah soo gudbinta macluumaad aan sax ahayn ama been ah.

Tirada ayaa laba jibaarantay tan iyo sanadkii hore. Dhibaatadu maaha kaliya diidmada fiisaha.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada sanadkii hore ayaa muujinayay dad Kenyan ah oo ku xaniban wadooyinka dalka Canada.

Badankoodu waxay Canada ku galeen fiisaha dalxiiska ee ku meel gaarka ah iyagoo rajeynaya inay shaqo helaan.

Markii ay awoodi waayeen in ay shaqo helaan, ma ay haysan doorasho aan ahayn in ay codsadaan magangalyo.

Madaxa dambi baarista ee Nairobi Benson Kasieki ayaa sheegay in baaritaano lagu sameynayo hay'ado been abuur ah oo sheegta inay shaqo siiyaan dadka.

"Waxaa na soo gaaray 615 dacwooyin oo ay ku lug leeyihiin 263 Hay'adood, baaritaan ayaan wadnaa, dhibanayaasha ayaa tilmaamay in laga musuq maasuqay lacagihii ay wateen oo la sheegay in loo qaadayo sida Canada, dadkaasi ma aysan helin codsiyo fiisaha hay'adaha, mana aysan u safrin Canada," ayuu yiri.

In qaar kamid ah hay'adahan ay shaqada joojiyaan ama ay magacyadooda bedelaan oo ay dib u soo galaan suuqa ayaa keentay in howsha baaritaanka ay noqoto mid adag.

Lacagaha la dhacay

Henry iyo Mary ayaa dib u helay qayb ka mid ah lacagtii ay bixiyeen ka dib markii ay marar badan u dacwoodeen booliiska.

Qof kale oo ay BBC la hadashay, oo aan ugu yeernay Paul, ma aha magaciisa dhabta ah, dib looma soo celin lacagtiisii.

Paul waa 37 jir. Waxa uu qarash fiican ka heli jiray wadida mid ka mid ah gawaarida isaga kala gooshta magaalooyinka kenya.

Laakiin shaqada ayaa hakad gashay markii la dhisay waddo tareen.

"Saaxiibkey wuxuu ii sheegay inaanan bedelin shaqadayda. Waxa uu yiri waan tagi kartaa labada waddan, waadna ka shaqeyn kartaa sababtoo ah waxaa jiray shaqaale yaraan Canada. Waxa uu sheegay in ay raadinayaan wadayaasha gaadiidka xamuulka qaada ah. Kadib waxa uu ii gudbiyay hay'ad la yaqaan," ayuu yiri.

Hay'addu waxay isku xayaysiisaa in ay tahay lataliye qaxooti.

Hay'adda ayaa Paul u sheegtay in ay suurtagal tahay in qofku uu bishii ka heli karo shaqada gaadiid wadista lacag dhan 4,000 ilaa 7,000 oo Doollarka Canada ah. Paul ayaa ku qasbanaaday inuu iibiyo hantidiisa si uu u bixiyo qarashku hay'adda ka rabto.

"Wax lacag ah iiguma jirin akoonka, waxaan ku qasbanaaday inaan iibiyo dhul aan lahaa," ayuu yiri.

Wuxuu bixiyay 5,454 oo doolar oo uu siiyay hay'adda, waxaana ku jiray tikidka diyaaradda, fiisaha, iyo halkii uu ka degi lahaa Canada.

Ma uusan saxiixin qandaraas hay'adda. Lama siin ogolaansho uu ku eego akoonnkiisa. Hay'adda ayaa gacanta ku haysay hawsha oo dhan.

"Waxaan fahmay in markaan codsanayo fiisaha, inaan u baahanahay inaan tuso xisaab bangi oo aan caddeeyo in aan qoys leeyahay iyo in kale. Laakiin wakaaladdu ima waydiin xogtan," ayuu yiri Paul.

Ugu dambeyntii, ninkaan waxaa la siiyay fiisaha wuxuuna bilaabay inuu isu diyaariyo safarkiisa.

Reerkiisii ayuu sii macasalaameeyay, wuxuuna u ambabaxay garoonka diyaaradaha.

Si kastaba ha ahaatee, markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha, waxaa lagu wargeliyay in dowladda Canada ay joojisay fiisihiisii, sababo la xiriira khalad ka dhacay habka codsiga fiisaha.

Hay'adda ayuu marar badan ka codsaday inlacagtiisa loo soo celiyo , balse muusan ku guulaysan. Wuxuuna arrintiisa u gudbiyay booliska.

In kasta oo kiiska uu boolisku baarayo, Paul weli ma helin caddaaladdii uu sugayay.