Magaalo ku taalla Mareykanka oo sharcigeedu dhigayo in qof kasta uu hub haysto

Sharciga dhigaya in qof kasta uu haysto hub ayaa dadka aanu quseyn waxaa ka mid ah dadka maskaxda ka xanuusan, kuwa xukun dembi sababay lagu riday, ama si gaar ah u aaminsan arrimo diimeed.
Qoraalka sawirka, Sharciga dhigaya in qof kasta uu haysto hub ayaa dadka aanu quseyn waxaa ka mid ah dadka maskaxda ka xanuusan, kuwa xukun dembi sababay lagu riday, ama si gaar ah u aaminsan arrimo diimeed.

Magaalada Kennesaw, Georgia, oo ku taalla Koonfurta Mareykanka waxaa ay leedahay dhamaan waxyaabaha muhiimka ah ee magaalo looga baahan yahay.

Marka aad gorada galiso magaalada waxaa kugu soo duulaya cafarta ka imaanaysa goobaha lagu sameeyo buskudka, bunka iyo roodhiga,waxaana aad maqlaysaa shanqarta ka imaanaysa wadda tareen oo magaalada dhex marta,oo ay kaabigu ku hayso goob lagu tamashleeyo .

Laakin waxaa jirta arrin kale oo Kennesaw ay leedahay oo laga yaabo in dadka qaar ay la yaabaan - laga soo bilaabo 1980-meeyadii magaalada waxaa sharci ka ah in dadka deegaanka ay haystaan hub iyo rasaas.

Sharciga hubka ee Kennesaw wuxuu si cad u dhigayaa: "Si ilaaliyo amniga iyo daryeelka guud ee magaalada waa in dadka deggan, qof kasta oo qoyska ka mid ah looga baahan yahay inuu haysto hub, oo ay weheliso rasaas."

Sharciga dhigaya in qof kasta uu haysto hub ayaa dadka aanu quseyn waxaa ka mid ah dadka maskaxda ka xanuusan, kuwa lagu riday xukun ka dhashay dembi uu galay, ama wax gaar ah xajir ku ah.

Marka loo eego in ay ka qarqabaan Duqa Magaalada Easterling, iyo madaxda maxalliga ah, ma jiraan dacwado ama dad la xirxiray sababtuna tahay ku xadgudubka Qodobka II, oo xeer ahaan loo ansixiyay sanadkii 1982."

Ma jiro qof ay BBC-da la hadlay oo sheegi kara ciqaabta uu noqon doono haddii lagu helo xadgudub.

Si kastaba ha ahaatee, duqa magaalada ayaa ku adkaysanaya in aysan arrintu ahayn mid biyo kama dhibcaan ah : "Ma aha sharci astaan ah," taasoo la micno ah in isbadel lagu sameyn karo.

Qodobbo ka mid ah sharciga, waxay muujinayaan sida madaxda magaaladu ugu faanayaan in ay qaadatay dhaqanka hubka, halka kuwa kale, ay u tahay ceeb, u galaysa taariikhdooda.

Laakiin aaminsanaanta ugu weyn ee dadka magaalada deggan ee ku saabsan sharciga hubka ayaa ah inuu ilaalinayo ammaanka Kennesaw.

Ma jirin wax dil ah oo dhacay 2023, sida laga soo xigtay xogta Waaxda Bilayska ee Kennesaw, laakiin waxaa jiray laba qof oo rabshado qori loo adeegsaday ku lug lahaa.

Blake Weatherby, oo ah ilaaliye ka tirsan Kaniisadda Kennesaw, ayaa qaba in haysashada hubka ay tahay arrin hoos u dhigaysa dambiyada rabhsdaha wata .

"Waa dhaqanka ka dambeeya hubka halkan Kennesaw ee ka hortagaya dambiyada hubka, maaha hubka," ayuu yiri Mr. Weatherby.

"Taa macnaheedu maaha haddii ay tahay hub, qaado, ama kab cas. Waxaan nafta iyo deriskeenna ilaalineynaa".

Si kastaba ha ahaatee, duqa magaalada ayaa ku adkaysanaya: "Ma aha sharci astaan ah," taasoo la micno ah in isbadel lagu sameyn karo.
Qoraalka sawirka, Si kastaba ha ahaatee, duqa magaalada ayaa ku adkaysanaya: "Ma aha sharci astaan ah," taasoo la micno ah in isbadel lagu sameyn karo.
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Pat Ferris, oo ku biiray golaha deegaanka ee Kennesaw 1984, laba sano ka dib markii sharciga la ansixiyay, ayaa sheegay in sharciga loo abuuray in uu noqdo "mid siyaasadeed oo ka badan wax kasta".

"Kadib markii Morton Grove, Illinois, ay noqotay magaalada ugu horreysa ee Mareykanka ee mamnuucda lahaanshaha hubka, Kennesaw waxay noqotay magaalada ugu horreysa ee ka dalbata, taasoo dhalisay hadal hayn."

"Qoraal ra'yi ah oo ku soo baxay New York Times sanadkii 1982 ayaa tilmaamay in mas'uuliyiinta Kennesaw ay "farxad badan" ka muujiyeen ansixinta sharciga, balse waxay xustay in "cilmi-nafsiga dambiyada Yankee" aysan sidaas oo kale ahayn."

"Majallada Penthouse ayaa sheekada ku daabacday boggeeda hore iyadoo lagu qoray ereyada 'Gun Town USA: Magaalo Mareykan ah oo Sharci darro ay tahay in aadan hub haysan, iyadoo" sawirka ka muuqdo laga dhigay haweeney ku labisan dhar binki ah."

Sharciyo la mid ah hubka ayaa lagu ansixiyay ugu yaraan shan magaalo, oo ay ku jiraan Gun Barrel City, Texas iyo Virgin, Utah.

Mr Ferris ayaa sheegay in 40-kii sano ee lasoo dhaafay tan iyo markii la ansixiyay sharciga hubka gabi ahaanba la ilaawayay jiritaanka sharci ee hubka" Ma garanayo inta qof ee xitaa og in qaanuunku jiro," ayuu yiri.

Blake Weatherby
Qoraalka sawirka, Blake Weatherby

Isla sanadkaas sharciga hubka ayaa dhaqan galay, Mr Weatherby, oo ah ilaaliyihii kaniisada, ayaa dhashay.

Waxa uu soo xusuustay caruurnimadii uu aabbihii si kaftan ah ugu oran jiray jiray: "Waxba igama gelin haddii aanad jeclayn qoryaha, waa sharciga."

"Waxaa la i baray haddii aad nin tahay, inaad qori haysato," ayuu yiri.

Hadda 42 sano jir, xilligaas wuxuu ahaa 12 sano jir markii ugu horeysay ee uu hub iibsado

"Waxaan ku dhawaaday inaan iska tuuro sababtoo ah aad ayay ii cabsi galisay," ayuu raaciyay

Mr Weatherby waxa uu lahaa in ka badan 20 qori hal mar balse hadda waxa uu sheegay in aanu midna lahayn. Waxa uu iibiyey qoryo badan - oo uu ku jiro kii aabbihiis ka tagay markii uu dhintay 2005 - si uu uga gudbo waqtiyo adag.

"Waxaan u baahnaa gaas in ka badan qoryaha," ayuu yiri.

Halka meel oo uu aadi karay si uu ugu iibiyo hubkiisa waa Dukaanka Qoryaha Deercreek oo ku yaal Waddada Weyn ee Kennesaw.

James Rabun, oo 36 jir ah, wuxuu ka shaqaynayay dukaanka qoryaha tan iyo markii uu ka qalin jabiyay dugsiga sare.Waa ganacsigii qoyska, ayuu yiri, oo ay fureen aabbihii iyo awoowgiis.

Sababo muuqda dartood, Mr Rabun waxa uu taageere u yahay sharciga qoriga Kennesaw. Waxay u fiican tahay ganacsiga sida uu qabo.

"Waxa ugu fiican ee ku saabsan hubka," ayuu yiri isaga oo si xamaasad leh, u oranaya "waa in dadku u iibsadaan is difaacidda awgeed-, laakiin dad badan ayaa jecel iyaga oo jecel farshaxanka."

Waxaa ka mid ah daraasiin iyo daraasiin hub ah oo gidaarka suran oo iib ah waxaana ka mid ah qoryaha budada madaw ee foosto oo labanlaaban iyo kuwa kale.