Wejiga 2aad ee Burcad badeedda: BBC oo la kulantay burcadda cusub ee badaha

.
    • Author, Sahnun Ahmed
    • Role, BBC Somali

Waa laba nin oo kalluumaysato ah oo cimaamado waaweyn ay madaxa ugu duuban yihiin si aan wajiyadooda loo aqoonsan, ayagoo u sii socda qol ay ku lahaayeen kulan qarsoodi ah si ay iigu sheegaan sababta ay dhawaan u go'aansadeen inay noqdaan burcad hubaysan.

"Xor ayaad u tahay in aad duubto – waan ogol nahay" ayuu mid igu yiri ayagoo markaas oo dareenkoodu kacsanaa sii fariisanayey si ay u bixiyaan waraysi diyaarintiisa ay muddo bilooyin ah qaadatay, magaalo-xeebeedka yar ee Eyl.

Dhaqanka noocan ah ayaa ka soo hor jeeda sida lagu yaqaanno burcad badeedda ka hawl gali jirtay magaaladaas dekedda qadiimiga ah leh ee dhexda uga jirta buuraley oomane ah iyo badweynta Hindiya.

Waxaa mar kasta loo arkaa meel istaraatiji ah, kaliya ma aha halka ay ku taallo, laakinse waa biyaha macaan ee ay leefdahay iyo xilligii burcad badeeddu ay aadka u kacsanayd, bartamihii 2000 oo oo burcaddu at saldhig ka dhigteen.

Waxaa loo yaqaan "Xarunta Burcadda". Waxay halkaa ka bartilmaameedsadaan maraakiibta sida konteynarrada ee badeecadaha u kala gudbiya dunida, iyo xataa kuwa shidaalka, ayagoo ku khasbay shirkadaha maraakiibta inay marinnadooda beddelaan.

Maamulka gobolka wax awood ah kuma aysan lahayn, booliska deegaankana way ka cabsanayeen inay magaalada galaan.

Burcad badeeddu waxay halkaa barroosinka u dhigi jireen maraakiibta ay soo qafaashaan, ganacsiga magaalada iyo gobolkana wuxuu ka faa'iiday lacagaha madax furashada. Intii u dhaxaysay 2005 iyo 2012, bankiga adduunka wuxuu ku qiyaasay kooxaha burcad badeeda ah inay ka heleen inta u dhaxaysa $339 malyan iyo $413 malyan.

Laakin Burcad badeedda waxaa soo foorsaaray in lacagihii ay waayeen markii askratta badaha ee dunida ay billaabeen inay roondo ka qabtaan badaha Soomaaliya, waxaana maalmahaas Eyl saldhig ka samaystay booliska badda ee Puntland.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Badi dadka magaalada way soo dhaweeyeen arrintan, ayadoo burcad badeeddu ay keeneen sicir barar, daroogo, aalkol iyo sumcad xumo ay u diideen odayaasha muslimiinta ah ee deegaanka.

Laakin dareen nacayb oo qoto dheer ayaa lagala hortagay maraakiibta shisheeye, gaar ahaan doomaha kalluumaysigaee aan marnaba ka tegin magaalo ay ka buuxaan kalluumaysato noloshoodu ku tiirsan tahay badda. Ilaa maanta waxay ku eedeeyaan doomahaas kalluumaysiga inay dhacaan wixii ay nolol ahaan ku tiirsanaayeen – mararka qaar si rabshad ay ku jirto.

"Maraakiibtu way yimaadaan, waxayna qaataan qalabkeenna iyo wixii aan lahayn oo dhan" ayuu yiri Faarax oo ka mid ah kalluumaysatada isku beddelay burcad badeedda oo cimaamad buluug ah isku qariyey, isagoo u muuqday inuu is difaacayey.

Magacyada isaga iy saaxiibkii Diiriye, oo cimaamad cad wajiga ku duubtay ayaa la beddelay - waxayna ahayd shardi ka mid ah kulankeenna.

Isaga iyo dhowr kale ayaa $10,000 ku maalgaluyey doon kalluumaysi, matoor, iyo shabaag. Laakinse Faarax wuxuu sheegay in sannadkii hore shaqaalaha mid ka mid ah maraakiibta shisheeyaha ay xadeen shabaagtoodii iyo wixii ugu dhacay, ka dibna ay matoorkii xabbad ku dhufteen oo ay burburiyeen.

Labadaba waxay bixiyeen tusaale kale, qaar ka mid ah ehelkooda ayaa u kacay inay soo eegaan shabaagahooda, mana aysan soo noqon. Inta badan kalluumaysatada arooryadii hore ayey baaxaan, waxayna soo laabtaan ka hor duhurnimada inta aysan qorraxdu aad u kululaan.

Seedex maalmood ka dib ayaa la helay ayagoo sabbaynaya oo xeebta ku soo socda.

"Rasaas ayaa jirkooda ku taallay" ayuu yiri Diiriye. "Ma aysan wadan qoryo, waxay shabaagahooda badda ula galeen inay nolol ka helaan.

Faarax oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: "Waxaan ka shaqeysanaa oo ku noolnahay badda, badda waa ganacsigeenna.

"Marka qof uu ku cabsi galiyo oo uu ku dhaco, waa waajib in la dagaalamo, iyagaa dagaalka keenay, haddii aysan hantideenna qaadan lahayn, burcad badeed ma aadi lahayn" ayuu yiri.

Raggan - oo ay da'doodu tahay 30-jir - kali kuma aha go'aanka ay sannadkii la soo dhaafay ugu jeesteen burcad-badeednimada.

Ciidamo ka tirsan ciidamada badda Puntland ayaa hadda ku sugan degmada Eyl

Xigashada Sawirka, Hassan Lali / BBC

Sida laga soo xigtay ciidamada badda ee Midowga Yurub ee howlgalka Atalanta, oo gaaf wareegaya meel u dhow, waxaa jiray 26 weerar oo burcad badeed intii u dhaxaysay 2013 iyo 2019 - ka dibna ma dhicin hal weerar 2020 ilaa 2022. Laakin waxay dib u bilaabeen 2023, lix weerar ayey qaadeen, waxayna kor u kaceen 22 sanadkan, tirooyinka ilaa 5 December ayaa muujinaya.

Inta badan weerarrada ay qaadaan kuma dhamaadaan afduub guul leh - laakiin marka ay qaadaan, wax bay ka helaan. Burcad badeeda ayaa sheegay inay madaxfurasho lacageed oo dhan 5-milyan oo doollarka Mareykanka ah ku heleen si ay u sii daayaan markabka MV Abdullah ee laga leeyahay dalka Bangladesh, kaasoo la afduubay bishii Maarso ee sannadkii 2024-kii.

Ilo-wareedyo ku sugan maamul-goboleedka Puntland oo ay Eyl ka tirsan tahay, ayaa BBC-da u sheegay in ay ku qiyaasayaan ilaa 10-koox oo midkiiba 12 xubnood ka kooban yihiin inay aagaas ka hawl galaan.

15 ilaa 30 maalmood ayay badda aadaan markiiba, iyagoo doomaha yar yar ee dheereeya ku guraya AK-47, baasuukayaal, raashin iyo shidaal.

Wayna sahlan tahay in qori lagugu qabto Soomaaliya – xitaa Eyl waxaad ka soo qaadan kartaa AK-47 lacag ku dhow $1,200, taasoo dhaxal u ah dagaalladii sokeeye ee socday labaatankii sano ee la soo dhaafay iyo sannado badan oo sharci darro ah.

Faarax iyo Diiriye ayaa sheegay in aysan wax lug ah ku laheyn xilligii burcad badeeddu aadka u sarraysay, isla markaana aysan wax talo ah ka qaadan burcad badeeda howlgabka ah, kuwaasi oo qaarkood ay bilaabeen inay yihiin kalluumeysato.

Inta badan burcad-badeeddaas hore way ka tageen deegaanka – inta badan waxay aadeen dibadda ama way ka towbad keeneen.

Mid ka mid ah kiisaska caanka ah ee burcad-badeeddii hore – Cabdiraxmaan Bakeyle – wuxuu ku bixiyey hantidiisii. Sanadkii 2020 ayuu guryihii iyo hoteeladii uu Garoowe ka iibsaday ugu deeqay hay'ado samafal oo muslimiin ah, wuxuuna hadda noqday daaci safar ku mara magaalo ilaa magaalo oo u kala goosha Puntland, isagoo dadka ugu baaqaya inay ku noolaadaan nolol qallafsan iyo akhlaaq fiican.

Magaalada Cadaado oo ah magaalo ku taal bartamaha Soomaaliya oo ay burcad-badeeddu mar maal-gashadeen, waxay ka heleen naaneesta "Magaalada Buluugga" sababtoo ah guryaha cusub ee ay dhisteen ayaa inta badan lahaa saqafyo bir ah oo buluug ah.

Wax badan oo guryahan ah ayaa hadda madhan - ama diyaar u ah in lagu kireeyo wax ka yar $100 bishii.

Eyl, odayaasha magaalada ayaa sheegay in waxyaabaha ugu weyn ee laga dhaxlo burcad-badeednimada ay tahay khamriga oo inta badan laga keeno Itoobiya, iyo maandooriyeyaasha ay ka mid yihiin opioids- ayadoo ay u dher tahay qaar ka mid ah dhallinyarada oo horay u cuna caleenta maan-dooriyaha ah, oo la caadaystay in waqti galabnimo ah la cuno.

Raggu galabtii waxay isugu yimaadaan bannaanka maqaaxiyada shaaha lagu cabo, si ay u ciyaaraan dumnad, wararkana uga sheekeystaan, waxay sheegeen inaysan raali ka ahayn burcad badeednimada - inkastoo ay fahamsan yihiin cadaawadda ay u qabaan maraakiibta shisheeye.

Dhacdadii u dambaysay ee saddexda kalluumaysatada ah ee la toogtay ayaa si cad uga sii caraysiisay tiro badan.

Cali Mursal Muuse oo muddo ku dhow 40 sano ka kalluumeysanayay Aargoosatada iyo Libaax badeedka Eyl, si uu u masruufo xaaskiisa iyo 12 carruur ah oo uu dhalay, ayaa rumeysan in laga yaabo in lagu qalday burcad badeed – sidii isaga ku dhacday sannado ka hor.

"Halkan waxaan kaga tagnay dooni kale oo kalluumeysi, waxaana aadnay badda, isla markaana burcad badeeddu waxay isku dayeen inay afduubtaan markab, diyaarad ayaa timid. Doontaydu waxay timi xeebta, doontii kale ee kalluumeysiga ayaa la weeraray," ayuu yiri.

Xaawo Maxamed Zubery ayaa aaminsan in ninkeeda kalluumaysatada ah lagu qalday budhcad-badeed – oo la la’aa muddo 14 sano ah.

Xigashada Sawirka, Hassan Lali / BBC

Xaawo Maxamed Zubery oo ah afartan jir ah carmalad ah ayaa aaminsan in ninkeeda uu 14 sano ka hor sidan oo kale la kulmay markii la waayay.

Tani waxay ahayd markii ay burcad badeednimadu gaadhay heerkii ugu sarraysay, xilli ay dhashay wiil, kaas oo ay doonayeen in ay gudaan.

"Ninkaygu waxa uu ku fakarayay in haddii uu soo qabto libaax badeed, markaas aan bixin karno lacagta gudniinka," ayay u sheegtay BBC-da, iyadoo si cad uga welwelsan dhimashadiisa. Waxay sheegtay inay ku dhibtooto inay carruurteeda ka bixiso kharashka dugsiga oo ay ka hesho sambuuska ay iibiso.

Muuse waxa uu sheegay in arrinta ugu weyn ee maalmahan isaga haysata ay tahay dhaqan xumada ay ku kacaan maraakiibta ka kalluumeysta dalal ay ka mid yihiin Iran iyo Yemen oo inta badan dhaca qalabkiisa.

Waxa uu rumeysan yahay in ay siiyeen shatiyo kalluumeysi oo been abuur ah oo Soomaali ah oo ay siiyeen dad awood badan oo deegaanka ah kuwaas oo sidoo kale siiya dabley ilaalisa. Waxa uu ku eedeeyay in ay bililiqeysteen wixii ay qabteen oo ay xoog kaga saarayaan goobihii ay ka kalluumaysanayeen.

"Waxay leeyihiin aag ay ka shaqeeyaan, lakinse xitaa xeebta ayay yimaadaan, marka aan tagno oo aan weydiisanno qalabkeena way na soo xabadeeyaan, dhawaan waxay dhaawaceen dadka qaar, waxay toogteen wiil, oo ay ka dhaawaceen gacan iyo lug".

Kalluumaysatada ayaa sheegay in marar badan ay u dacwoodeen maamulka deegaanka, balse aan weli waxba laga qaban.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir wuxuu qirtay in ay jiraan Maraakiib sharci darro ah, wuxuuna sheegay in Maraakiibta Shisheeye qaarkood laga yaabo in la siiyo shati oo ay si khaldan u adeegsadaan.

"Kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa ka jira dhammaan badaha, burcad-badeednimaduna meel walba way ka dhici kartaa. Horumarka si tartiib tartiib ah ayaa loo sameynayaa," ayuu u sheegay BBC-da.

Kalluumeysiga sharci darrada ah ayaa ahaa muran sanado badan Soomaaliya ka taagnaa.

Maraakiib badan oo kalluumeysi ayaa ku shaqeeya ruqsad la'aan ama ruqsado ay bixiyaan hay'ado aan awood u lahayn inay sidaas sameeyaan, sida ay qabto hay'adda caalamiga ah ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee dalalka isaga gudba.

Waxay soo xiganaysaa caddaymo ay ku jiraan xogta dayax gacmeedka, si ay u muujiso in qaar badan oo ka mid ah maraakiibta ay ka yimaadeen Shiinaha, Iran, Yemen iyo Koonfur-bari Aasiya. Warbixin kasoo baxday safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay lumiso lacag dhan $300 malyan sanad walba.

Howlgalka Atalanta's Admiral Manuel Alvargonzález Méndez ayaa sheegay in ciidamadiisu ay kaliya beegsadaan maraakiibta burcad badeedda, ayna hadda sidoo kale ku qasban yihiin in ay maraakiibta ka difaacaan fallaagada Xuutiyiinta Yemen.

Laakiin waxa uu ku adkaystay in aaggu aad u nabdoon yahay, Soomaaliduna ay hadda "dhigan karaan shabaqooda kalluumaysiga cabsi la'aan" - si la mid ah sida ciidanka badda Puntland, oo si dhow ula shaqeeya howlgalka badda ee Midowga Yurub.

Taliyahooda Farxaan Cawil Xaashi waxa uu ku kalsoon yahay in aanay dib ugu noqon doonin "maalmihii xumaa" ee burcad-badeednimada.

Wuxuu aaminsan yahay in jawaabta xilliga fog ay tahay "shaqo abuur".

"Dhallinyaradu waa inay helaan shaqooyin, had iyo jeer, haddii qofku ku mashquulsan yahay inuu wax sameeyo, kama fikiri karo inuu aado badda oo uu maraakiib afduubto" ayuu u sheegay BBC.

Faarax iyo Diiriye ayaa dood isku mid ah ka qaba - waxay sheegeen in kaluumeysiga hadda aan waxba laga helin, in markab loo qafaasho madax furashana ay tahay sida kaliya ee ay carruurtooda ku masruufi karaan.

Waa ay ogyihiin in burcad badeednimadu ay khaldan tahay – Diiriye waxa uu qiray in uu aad uga baqayo in uu hooyadii u sheego.

"Haddii ay ogaan lahayd, aad bay u niyad jabi lahayd, run ahaantii, waxay u sheegi lahayd maamulka".