Waa kuma hogaamiyaha Xamaas ee ku jiray dhismaha ku yaalla Dooxa ee ay Israa'iil duqaysay

Khaliil Al-Xayya

Xigashada Sawirka, X

Qoraalka sawirka, Khaliil Al-Xayya

Milateriga Isrraa'iil iyo hay'adda amaanka gudaha e Shin Bet oo kaashanaya ciidanka cirka ayaa "Weerar aad u saxsan" ku bartilmaameedsaday hogaanka ururka Xamaas ee marinka Qasa, sida ay ciidanka Israa'iil sheegeen.

Sida lagu xusay hadal ay soo saareen hogaamiyeyaasha la bartilmaameedsaday ayaa ka mid ah "kuwa ugu cadcad ee mas'uulka ka ahaa hawlihii ururka sanooyinkii la soo dhaafay, waxayna qaadayaan mas'uuliyadda tooska ah ee weerarkii 7 Oktoobar, ayagoo hagayey hawlagallada milateri ee ka dhanka ah Israa'iil".

Milater igu wuxuu xaqiijiyey in ay qaadeen "talaabooyin lagu yaraynayo in waxyeello ay gaarto dadka rayidka ah, waxaana ku jira hubka sida saxda ah wax u beegsada iyo xogo sirdoon oo dheeraad ah, kuwaasoo si sax ay u ogaanaya bar-tilmaameedka".

TVga Channel 14 ee Israa'iil oo so xiganaya saraakiil Israa'iiliyiin ah ayaa sheegay in milaterigu ay beegsadeen hogaanka Xamaas ee Dooxa oo uu ku jiro hogaamiyahooda, Khaliil al-Xayya.

Waa kuma Khalil al-Xayya?

Khalil al-Hayya waxa uu dhashay 5 November 1960 waa siyaasi falastiini ah oo soo noqday gudoomiye ku xigeenka Xafiiska Siyaasada ee Xamaas ilaa August 2024.

Al-Hayya waxa uu shahaadada koowaad ka qaatay Jaamacadda Islamic University of Gaza, halka heerka labaad ee jaamacadana uu uga baxay Jaamacadda Urdun.

Shahaadada PhD waxa uu kaqaatay ka qaatay Jaamacadda Qur'aanka Kariimka iyo Culuumta Islaamka. Waxa uu ku biiray Xamaas ka dib markii uu dhammaystay heerka koowaad ee jaamacadda. Xiligaas waxa uu ku shaqayn jiray macalinimo.

Al-Xayya waxa uu tobanaan sano ahaa sarkaal ka tirsan Xamaas. Waxaa loo arkay inuu ahaa nin si aad ah ugu dhaw hogaamiyihii hore ee Xamaas Yahya Sinwar, waxaana lagu tilmaamay "mid ka mid ah dadka tirada yar ee Sinwar uu dareemay inuu isku haleyn karo."

Bishii November 2019, al-xayya iyo Rouhi Mushtaha waxay hogaaminayeen wafdi ka ambabaxay Marinka Qaza iyagoo booqday dhowr wadan oo ay ku jiraan Turkiga iyo Lubnaan.

Safarkan ka hor waxa la sheegay in wefdigu ay Qaahira kula kulmeen saraakiisha sirdoonka Masar.

Hogaamiyayashi hore ee Xamas
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Al-Xayya waxa uu sidoo kale hoggaamiyay wadahadallo dib u heshiisiin ah oo ay yeesheen kooxda Fatah. Bishii Janaayo 2022, wuxuu booqday Algeria, ka dib martiqaad uu ka helay madaxweynaha Algeria.

Bishii October2022, al-Xayya wuxuu ku dhawaaqay in isaga iyo wakiillo ka socda kooxaha kale ee Falastiiniyiinta ay kulan "taarikhi ah" magaalada Dimishiq kula yeesheen madaxweynahii Suuriya Bashar al-Assad. Al-Xaya ayaa waxa uu markaasi sheegay in ay isku afgarteen in la soo afjaro khilaafkii u dhexeeya Xamaas iyo Suuriya, kaas oo soo bilowday markii Xamaas ay diiday in ay taageerto Nidaamka Bashaar Al-Asad, intii uu socday dagaalka sokeeye ee Suuriya.

Al-Xayya waxa uu u matalayay Xamaas intii lagu jiray gorgortanka dadban ee lala galay Israa'iil kaas oo looga hadlayay sii deyntii dadkii ay Xamaas Israa'iil ka soo qafaalatay iyo xabbad-joojinta. Ka dib dilkii Yahya Sinwar ee bishii October 2024, al-Xayya waxaa loo arkayay musharrax suuragalka ah ee badali kara Sinwaar.

Toddobo ilaa siddeed ka mid ah qaraabada al-Hayya, oo ay ku jiraan laba walaalihiis ah, ayaa lagu dilay weerarro ay Israa'iil ku qaadday gurigiisa 2007.

Waxaa fashilmay isku dayo dil oo lagu doonayay in isaga lagu khaarajiyo. Sanadkii 2008 ayaa sidoo kale mid ka mid ah wiilashiisa lagu dilay duqayn dhanka cirka.

Wiil kale, gabadh uu soddog u ahaa, iyo wiil uu awoowe u ahaa ayaa lagu dilay weerar cirka ah oo lagu qaaday gurigiisa bishii July 2014 intii lagu jiray dagaalkii Gaza ee sanadkaas.