Maxay yihiin awaamiirta awoodda badan ee ay isticmaalaan madaxweyneyaasha Maraykanka

Trump

Xigashada Sawirka, EPA

Amar rasmi ah ayaa ah aalad muhiim ah oo loogu tala galay madaxweyne kasta oo Mareykan ah oo doonaya inuu wax weyn ka qabto siyaasada dawlada, wuxuuna u muuqdaa in Donald Trump uusan waqti khasaarin doonin, soo noqoshadiisa uu ku soo laabtay Aqalka Cad.

Waxaa laga filayaa inuu saxiixo in ka badan 200 oo ah talaabooyin rasmi ah. Arrinkaa ayaa waxaa ku jiri doona awaamiir rasmi ah oo u shaqeyn doona si sharci ah oo dhaqangal ah, iyo awaamiir kale sida bayaanno, kuwaasi oo aan ahayn dhaqangal caadiyan.

Trump wuxuu ballan qaaday awaamiir sare u qaadi doona barnaamijyada garaadka macmalka ah kuwaasi oo ka imaanaya Waaxda Waxtarka Dawlada (Doge), wuxuuna sidoo kale ballan qaaday diiwaano la xiriira dilkii loo geystay John F Kennedy 1963 inuu ka dhigo kuwo la heli karo, wuxuu ballan qaaday inuu ku amri doono militariga inay abuuraan nidaamka difaaca gantaallada ee Iron Dome iyo sidoo kale in meesha laga saaro kala duwanaanshiyaha, wuxuuna sidoo kale ballan qaaday siyaasado dhanka militariga ah oo ku saabsan sinnaanta ahna kuwo loo dhan yahay (DEI).

Muddo xileedkii hore wuxuu saxiixay awaamiir rasmi ah oo dhan 220 kuwaasi oo qaarkood la xujeeyay ama laga hor yimid maxkamado gudahood.

Waa maxay amar rasmi ah?

Waa amar qoraal ah oo uu soo saaro madaxweynuhu, una soo saaro dawlada federaalka ah, kaasi oo aan u baahnayn in koongareesku saxiixo.

Awaamiirta ayaa u kala baxa ka laabasho siyasado hore ama baddaalado dhanka qorsheyaasha ama siyaasadaha ah sida ansixinta Trump ee dhismaha dhuumo saliid oo labo ah oo aad loogu hardamay 2017, iyo hawlo caadi ah sida tilmaamihii Barack Obama ee xiritaanka galin ka mid ah maalinta waaxyaha dawlada markii la marayay maalinta ka horreysa Ciidii Masiixiyiinta ee 2015.

Maamulka loogu tala galay soo saarista awaamiirta wuxuu ku jiraa oo dhidibadu ugu aasan yihiin Qodobka II ee dastuurka Mareykankan kaasoo qeexaya in: "Awooda rasmiga ah ee fulinta uu leeyahay madaxweynaha Marekanku."

OBAMA

Xigashada Sawirka, Reuters

Waa maxay sababta ay madaxweyneyaashu usoo saaraan awaamiirtaas?

Mararka qaarkood awaamiirta rasmiga ah ayaa la soo saaraa inta dagaal uu socdo ama markii la doonayo in laga baaqsado dhibaato gudaha dalka ah. Febraayo 1942, Madaxweyne Franklin D Roosevelt ayaa saxiixay amar rasmi ah oo horseeday abuuridda xarumo dadka lagu xiro, looguna tala galay qiyaastii 120 kun oo ah Jabaaneys Mareykan ah.

1952 Madaxweyne Harry Truman ayaa soo saaray amar hoos keenay warshadaha iyo hawlaha la xiriira biraha nooca steel-ka maamulka dawlada taasoo ahayd isku day la doonayay in lagu baajiyo shaqo joojin.

Maalintiisii ugu horreysay ee xafiiska oo ahayd 20kii Janaayo, 2021, Biden ayaa saxiixay amar bilaabayay hannaanka dib ugu soo biiritaanka heshiiskii cimilada ee 2015 ee Paris oo muddo xileedkii hore uu Trump si rasmi ah uga baxay, ka hor intii uusan soo galin Biden.

Wasiirkii maamulka Biden ee arrimaha dibadda, Antony Blinken, ayaa sheegay in ay taasi ahayd arrin ku caawinaysa iyaga sidii ay uga baaqsan lahaayeen mussiibo ah inay dunidu sii kululaato.

Yaa wax ka baddali kara?

Amar rasmi ah waa inuu sharciga si waafaqsan u shaqeeyo fikir ahaan ayadoo mid kasta "uu dib u eego Xafiiska Lataliyaha Sharciga ee qaabka iyo sharcinimada".

Tani ma dhacdo mar walba.

Haddii amar loo arko inuu ka baxsan yahay xayndaabyada wixii la aqbali karo, wax ka baddalaad sharci ah ayaa lagu samayn karaa.

Koongareeska ayaa sidoo kale meel marin kara sharci dhaafi kara ama ka weyn amarka rasmiga ah, laakiin madaxweynaha ayaa wali leh cod fiito ah oo uu ku diidi karo sharcigaas sida ay sharraxaad ku bixisay Xarunta Dastuurku.

Waa maxay sababta ay siyaasad ahaan u yihiin xasaasi?

Awaamiirta rasmiga ahi waa kuwo dood badani ka dhalato sababtoo ah waxay hareer maraan ansixinta Koongareeska taasi oo u saamaxaysa madaxweynaha inuu si iskii ah wax u qabto.

Jamhuuriyiinta ayaa si guul leh dacwad ugu soo oogay Obama dacwadaasi oo ku saabsanayd qeyb kamid ah isbaddaladiisii 2010 ee daryeelka caafimaadka ayagoo ku dooday inuu sare u dhaafay awooodiisii dastuuriga ahayd markii si iskiis ah uu u daahiyay taariikhdii kama dambeysta ahayd ee caymiska.

Trump mamnuucitaankiisii safarrada ee uu ku soo rogay dalalka ay Muslimiintu u badan yihiin qaarkood aad ayey doodo uga dhasheen, Biden isna wuu soo afjaray markii uu la wareegay Aqalka Cad.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale soo saari kara amar markii xubnaha Koongareesku si gaabis ah ay wax u qabtaan ama markii madaxweynuhu uu dareemo inuu u baahan yahay faahfaahinta sharci cusub.

Koongareeska oo sharci soo saaray

Xigashada Sawirka, Reuters

Imisa jeer ayaa awaamiirta rasmiga ah lasoo saaraa?

Franklin D Roosevelt ayaa soo saaray amarradii ugu badnaa - 3,721 intii lagu jiray 12kiisii sano ee uu xafiiska ka talinaayay halka Woodrow Wilson iyo Calvin Coolidge ay kala saxiixeen 1,803 iyo 1,203.

Trump ayaa saxiixay 220 amar oo rasmi ah muddo xileedkiisii hore.

Haddii la is barbar dhigo, Joe Biden wuxuu soo saaray 160 amar oo rasmi ah, ayadoo Barack Obama iyo George W Bush, oo labadooduba min labo muddo xileed oo isku xigay xilka hayay ay soo saareen 277 iyo 291.

Miyuu madaxweyne cusub meesha ka saari karaa amarrada madaxweyneyaashii isaga ka horreeyay?

In dhawaale madaxweyneyaashu waxay si sii kordheysa ugu isticmaaleen awaamiirtooda rasmiga ah inay meesha ka saaraan wixii ay qabteen kuwii ayaga ka horreeyay.

2017, Trump ayaa ku bilaabay amar bartilmaameedsanayay barnaamijkii arrimaha caafimaadfka ee Obamacare.

Biden ayaa buriyay shaacintii degdegga ahayd ee maamulkii Trump taasi oo gacan ka geysatay dhismaha gidaar dhanka xadka Mexico ah, sidoo kalana wuxuu soo afjaray mamnuucid dhanka safarka ah oo ka dhan ahaa dalalka Muslimiintu u badan yihiin qaarkood.

Wuxuu sidoo kale soo celiyay heshiiskii cimilada ee Mareykanka galay ee Paris.

Hadda ayadoo uu soo laabtay Trump muddo xileedkiisii labaad ee talada Aqalka Cad, wuxuu wacad ku maray inuu saxiixo amarro badan wax yar un kadib markii la caleemo saaray, amarradaasi oo ku kala saabsan socdaalka iyo masaafurin dad uu doonayo in dalka laga masaafuriyo iyo xaquuqaha baddalaada jinsiga.