Daawooyinka la isku caateeyo siyaabo badan ayay caafimaadka wax uga tari karaan

Xigashada Sawirka, Getty Images
- Author, James Gallagher
- Role, Weriyaha Caafimaadka iyo Sayniska, BBC News
Daraasaddii ugu horreysay ee lagu qiimeynao sida daawooyinka la isku caateeyo ay u saameeyaan caafimaadka guud ee bani'aadamka ayaa lagu ogaaday saameyn "indhaha fureysa" oo ay ku leeyihiin jirka, sida ay sheegeen baarayaasha.
Daraasadda, oo ay ka qeyb qaateen ilaa labo milyan oo qof, ayaa daawooyinka la xiriirisay caafimaadka wadnaha oo hagaaga, caabuqyo yar oo qofka ku dhaca, khatar yar oo dhanka si xun u isticmaalidda daawooyinka ah iyo kiisas yar oo xanuunka asaasaqa ah.
Baarayaasha Mareykanka ayaa sidoo kale ka digay in daawooyinka aysan "khatar la'aan ahayn" ayna u muuqdaan inay kordhiyaan xanuunka kala goysyada ayna beer-yaraha ku keeni karaan caabuq dhimasho sababi kara.
Si kastaba, natiijooyinka ayaa u baahan falanqeyn laga taxadaray.
Daawooyinka la isku caateeyo ayaa aad usoo caan baxay - balse waxaan weli laga heysan faham buuxa oo ah wax walba oo ay u qabtaan jirka.
"Kan waa aag cusub," ayuu yiri Dr Ziyad al-Aly, hormuudka daraasadda waxna ka dhiga Jaamacadda Washington.
Markii hore, waxaa la caddeeyay inay daawo u yihiin nooca labaad ee sokorowga. Kadibna, miisaanka oo dhaca ayaa la ogaaday inay saameyn taban u tahay - iyadoo daawooyinka Ozempic iyo Wegovy ay noqdeen magacyo guri walba laga yaqaanno.
Daraasadda ayaa adeegsatay xog laga helay dad u dhashay Mareykanka oo qaba nooca labaad ee xanuunka macaanka, oo qaarkood la siiyay Ozempic ama Wegovy qaarna la siiyay daawooyin xoogaa ka tayo fiican - si loo cabbiro saameyntooda xanuunno kale oo 175 ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Waxaa la ogaaday in xoogaa ay u fiican tahay caafimaadka, iyagoo sidoo kale ay yar tahay khatartooda wadno garaaca, wadno-istaagga iyo dhiig-kar sare, marka la eegay dadka qaadanayay daawooyinka cusub ee la isku caateeyo.
Waxay sidoo kale jareen khatarta si xun u isticmaalidda daroogada (oo ay ku jiraan aalkolada, opioids iyo cannabis) iyo sidoo kale yareynta xanuunka qallalka ee schizophrenia, fekerka is dilka iyo suuxdinta.
Inkastoo daraasadda ay yar tahay, dadkana ay qaadanayeen daawooyinkana keliya 3.5 sano sababo la xiriira inay cusbaayeen, waxaa la sheegay in 12% ay yareysay xanuunka Alzheimer.
Waxaa sidoo kale lagu arkay inay yareeyeen khatarta kansarka beerka, xanuunka murqaha iyo kan kilyaha iyo sidoo kale inay yareeyeen caabuqa bakteeriyada iyo qandhada.
Dhanka kale ee saameynta taban, dadka ayaa dhibaato ka dareemay hannaankooda dheef-shiidka. Inay xanuunsadeen, xanuun caloosha ah iyo mindhicirka iyo baabasiir ayaa ku badnaa dadka qaatay daawooyinka Ozempic ama Wegovy.
'Waa mid gebi ahaanba dadka baraarujineysa'
Xogta, oo lagu daabacay joornaalka Nature Medicine, ayaa sidoo kale muujineysa dhiig-kar hoose, oo ay ka mid tahay suuxdin, madax-xanuun, hurdo yari, dhagaxaanta kilyaha, caabuq kilyaha ah iyo xanuun dhanka lafaha iyo kala goysyada ah.
"Gebi ahaanba waxay ii ahayd mid indhaha ii furtay inaan arko in dhammaan kuwaasi kala duwan ay garayaan hannaan kala duwan oo xubnaha ah," ayuu Dr Aly u sheegay BBC News.
Sharraxaadda laga bixiyay 'saameynta ballaaran ee daawooyinka waa kuwo muuqda haddana isku qasan oo aan la fahmi karin.
Inaad iska riddo miisaanka ayaa isku beddeli karta caafimaadka oo hagaagay. Tusaale ahaan waxaa yaraanaya khuurada qofka maaddaama qofka uu ka dhacay culeyskii ka saarnaa agagaarka carrabka iyo qoorta, kaasoo xiraya neef-mareenka.
Dr Aly ayaa yiri: "Cayilka xad-dhaafka ah wuxuu u daran yahay maskaxda. Cayilka xad-dhaafka ah wuxuu u xun yahay caafimaadka maskaxda. Cayilka xad-dhaafka ah wuxuu u daran yahay wadnaha. Cayilka xad-dhaafka ah wuxuu noqon karaa waxa ka dambeeya dhammaan cudurrada ."

Xigashada Sawirka, Matt Miller/WashU Medicine
Ozempic iyo Wegovy ayaa waxaa ku jira isla hal maaddo, waa semaglutide, oo xaddi kala duwan leh, waxayna cajilaan hoormoonka glucagon-like peptide-1.
Hoormoonkan GLP-1 oo ay sii deyso caloosha kadib markaad wax cunto, wuxuu dhex maraa dhiigga wuxuuna ku dhegaa sagxadda unugyada maskaxda.
Tan ayaa u sheegeysa maskaxda in caloosha ay cunto ku jirto taasina waa sababta ay dadku u dareemin gaajo kadib marka ay wax cunaan.
Si kastaba, falceliyeyaasha u jawaaba GLP-1 ayaa laga helaa jirka oo dhan, oo uu ku jiro wadnaha iyo qeybo ka mid ah hannaanka difaaca.













