Buurnidu ma waxa ay u baahan tahay qeexitaan cusub?

cayil

Xigashada Sawirka, Thinkstock

Waxaa jira khatar ah in dad aad u badan lagu sheego cayilnaan ama buurnaan iyada oo loo baahan yahay "qeexid sax ah" oo "faahfaahsan", sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen khubaro caalami ah.

Dhakhaatiirta ayaa la faray inay tixgeliyaan guud ahaan caafimaadka bukaanka leh dufanka xad-dhaafka ah, halkii ay ku koobnaan lahaayeen cabirka miisaanka jidhka (BMI), ayay warbixintu sheegtay.

Kuwa qaba cudurrada daba-dheeraada ee ka dhashay miisaankooda waa in loo aqoonsado "buurnaan caafimaad ahaan lagu xaqiijiyay" - laakiin kuwa aan qabin wax dhibaato caafimaad ah waa in loo aqoonsado "Buurnaan aan caafimaad ahaan loo xaqiijin".

In ka badan hal bilyan oo qof ayaa la qiyaasayaa inay la nool yihiin cayil caalamka oo dhn, halka dawooyinka miisaanka lagu dhimo ee dhakhtarradu qoraan aad loo dalbado.

Warbixinta, oo lagu daabacay joornaalka The Lancet Diabetes & Endocrinology, waxaa taageeray in ka badan 50 khabiir oo caafimaad oo caalamka ah.

.

Xigashada Sawirka, Getty Images

'Dib u qeexid'

'dib u qeexid'

"Buurnaantu waa mid soo badanaysa," ayuu yidhi Prof Francesco Rubino oo ka socda King's College London, oo madax u ahaa kooxda daraasaddan.

"Qaar baa qaba oo haddana si caadi ah ulu noolaada, kuwaas oo wax dhib ah ku qabin"

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

"Kuwa kale uma socon karaan si wanaagsan, uma neefsan karaan si caadi ah, ama waxay ku fadhiyan kursi curyaanimo iyagoo la ildaran dhibaatooyin caafimaad oo waaweyn."

Warbixintu waxay ku baaqaysaa in dib loo qeexo buurnaanta si loo kala saaro bukaannada qaba cudurka iyo kuwa weli caafimaad qaba laakiin halis ugu jira in ay mustaqbalka cudur ku dhacaan.

"Waxaan dareemayaa inaan nasiib leeyahay inaan helo cirbadaha miisaanka dhima" – laakiin ma awoodi karaa NHS in qof walba la siiyo?

Sidee ayay u shaqeeyaan dawooyinka miisaanka dhima ee sida Mounjaro iyo Wegovy?

Hadda, wadamo badan, buurnaanta waxaa lagu qeexaa in BMI-gu ka badan yahay 30 - taas oo ah cabbir lagu qiyaaso dufanka jidhka iyada oo lagu saleynayo dhererka iyo miisaanka.

Si kastaba ha ahaatee, BMI-gu waxba kama sheego guud ahaan caafimaadka bukaanka, ayay warbixintu leedahay, mana kala saari karto murqaha iyo baruurta jidhka, mana tixgeliyaan dufanka khatarta badan ee ku wareegsan uurkujirta iyo xubnaha muhiimka ah.

Khubaradu waxay ku doodayaan in la hirgeliyo qaab cusub oo diiradda saaraya calaamadaha buurnaanta ee saameeya xubnaha jirka - sida cudurrada wadnaha, neefsashada oo dhib ku noqota, macaanka nooca 2, ama xanuunka kala-goysyada - iyo saameyntooda waxyeellada leh ee nolosha maalinlaha ah.

Tani waxay tilmaamaysaa in buurnaantu ay noqotay cudur caafimaad ahaan u baahan dawooyin.

Dadka qaba "buurnaanta ka-hor caafimaad" waa in halkii laga siin lahaa dawooyin iyo qalliino, loo bandhigaa talo ku saabsan dhimista miisaanka, la-talin iyo kormeer si loo yareeyo halista caafimaad ee soo kordhaysa. Waxa kale oo ay noqon kartaa in daawayn loo baahan yahay.