Sidee bay cirbaddan loogu talo galay cayilka u dhimaysaa halista wadne xanuunka iyo cudurro kale

cirbad

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cilmibaarayaasha daawada looga hortago macaanka taas oo ah daawo ay dhakhaatiirta qoraan ayaa yareyneysa rabitaanka qofka ee cuntada. Suuqa marka ay taalo waxaa ku qoran magacyada Wegovy and Ozempic.

Waxay sheegeen in toddobaad kasta oo laysku diro ay faa’ido u leedahay caafimaadka wadnaha qof adeegsada. Natiijadii ugu dambeysay weli laguma daabicin wargeysyada balse waxaa lagu soo bandhigay shirarka.

Prof John Deanfield oo ah khabiirka horkacaya cilmibaaristan ayaa sheegay in daawadan ay wax ka qabaneyso sokorta ku jirta dhiigga, dhiigkarka iyo saameynta kale ee murqaha wadnaha iyo xididdada.

Xogta la helay qaarkeed waxay muujineysaa in ay faa’idooyin kale leedahay iyadoon la eegin miisaanka qofka iyo inta uu iska riday.

Prof. Deanfield waxa uu Golaha Midowga Yurub u qaabilsan yahay arrimaha cayilka. Daraasadda inta aysan soo bixin ka hor ayuu ka hadlay

“Ugu dambeyn, waxaan ogaanay in ay jiraan daawooyin wax ka badali kara habka cudurrada ugu fidaan dad badan. Waa guul weyn oo la gaaray, waxayna wax ka beddeshay shaqada wadnaha”

Habka daawada loo isticmaalayo ayaa ah mid fudud. Dhakhtarka waxa uu qofka cayilan siinayaa qalin leh cirbado ay daawada ku jiraan kaas oo qofka toddobaadkii uu isku durayo hal xabo.

Ka dib labaatan usbuuc oo daawada la qaatay 62 boqolkiiba bukaanada waxay lumiyeen 5 boqolkiiba miisaankii saarnaa.

Prof Deanfield ayaa BBC-da u sheegay in daawadan ay leedahay muhiimad weyn marka loo isticmaalo in wax looga qabto cayilka.

Daawadan dad badan ayaa si suuq madow ah hore ugu isticmaalay. Dhammaantood waxaa dhibaato ku hayay cayilka iyo xanuunada uu keeno.

Maxay dareemeen dadkii isticmaalay?

miisaan cayil

Xigashada Sawirka, Getty Images

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Gabar magaceeda ku soo koobtay Caasha oo BBC la hadashay ayaa nooga sheekeysay markii ay qaadatay daawada wixii ay dareentay iyo ka hor xaalkeeda sidii uu ahaa. Waxay noo sheegtay in markii hore ay aheyd bukaan socod.

“Madax-xanuunka ayaa iga yaraaday, dhiigkarka wuu iga yaraaday, sokorta jirkeyga way ka yaraatay, awood iyo fudeyd ayaan dareemay”

Sidoo kale waxay noo sheegtay Caasho in miisaankeeda uu markii hore ahaa 100 kiilo balse markii ay bilowday isticmaalka daawadan in ay ka dhacday 15 kiilo muddo saddax bilood ah.

“Cadaadiskii madaxa iga saarnaa ayaa yaraaday, cuntadii badneyd aan u cuni jiray 'welwelka ku yaree' ayaa iga yaraatay” ayey tiri.

Caasho waxay kaloo noo sheegtay in ay cuntada ay u cuni jirtay in ay farxad ka hesho markii hore balse taasi ay joojisay.

“Ugu horeyn markii aan qaatay daawada waan matagay sababtoo ah cunto badan ayaa caloosheyda ku jirtay”

Dad badan oo qaatay daawadan ayaa sheegay in ay joojiyeen cuntada ay iska cuni jireen iyagoo baahneyn. Sidoo kale waxay noo sheegeen in ay bilaabeen in ay cabaan biyo badan iyo in ay cuni waayeen cuntooyinka dufunka leh.

Khatarta ay leedahay daawadan

cayil

Xigashada Sawirka, bbc

Waxyaabaha daawadan ku jira ayaa la mid ah kuwa ku jira tan cudurka macaanka. Khubarada ayaa hore uga digay in aysan aheyn mid degdeg wax ku xalisa ama lagu beddeli karo cunno fiican ama jimicsi. Waxay sheegeen in la qaadan karo oo kaliya marka dadka caafimaadka aqoonta u leh ay la socdaan habka loo qaadanayo. Khubaradu waxay sheegeen in ay muhiim tahay in dhakhtar uu kuu qoro.

Dhibaatooyinka ay leedahay daawadan waxaa ka mid ah lallabo, calool xanuun ama gaas. Marka la joojiyana miisaanka la riday ayaa dib u soo laabta sida lagu ogaaday tijaabada.

Prof. Rameen Shakuur oo ah khabiir daaweynta wadnaha ku takhasusay kana tirsan jaamacadda Brighton ee UK kaas oo aan cilimibaaristan ku lug laheyn ayaa sheegay in loo baahan yahay taxadar.

“Ma cadda habka bayoolaji ee daawawadan mareyso marka ay yareyneyso waxa sababa in loo dhinto xanuunada wadnaha” ayuu yiri.

Dhibaatada uu leeyahay cayilka

Cayilka xad dhaafka ah waxaa sababa waxyaabo badan waxaana ka mid ah cunidda cuntooyinka ay ku badan tahay maaddada kaarboohaydaretka, sida waxyaabaha laga sameeyo burka cad.

Jirka oo culayskiisu bato, baruurtuna ay xad dhaaf ku noqoto waxaa ka dhasha cudurro badan oo ay ka mid yihiin 13 nooc oo kansar ah, sokorowga iyo xanuunnada sambabbada.

Dr. Najiib Ciise Diiriye waa guddoomiye ku xigeenka jaamacadda Simad ee arrimaha cilmi baarista waxa uu BBC uga warramayaa dhibaatada caafimaad ee la xiriirta arrimaha cayilka. Wuxuu sheegay in dhibaatada cayilka ay waddanka ka jirto.

“Annaga waxaa dhibaato nagu hayo dadka oo aad u isticmaala sokorta, hilibka iyo baruurta” ayuu yiri Dr. Najiib oo sidoo kale sheegay in aysan jirin meelo badan oo jimicsi lagu sameeyo.

“Soomaaliya waxaa jira in dadka dhaqdhaaqoodu uu yar yahay, waddanka ma laha meelo lagu socdo oo dadka waaweyn iyo dhallinyarada ay ku socdaan ama ku ordi karaan”.

Jimicsiga ayaa lagula dagaallamaa cayilka. Goobaha jimicsiga ee ka furan gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho ragga waxay heli karaan waqtiyo ku haboon, balse inta badan gabdhaha waxay u furan yihiin waqtiyo go’an oo ah 8-da subaxnimo ilaa 3da galabnimo. Gabdhaha shaqeeya waxaa ku adag inay waqtiyadaas tagaan. Intaas waxaa dheer in aysan jirin meelaha dadka ku socdaan.