Daraasad: Dad badan oo cayilan ayaa u heysta inay caato yihiin

Xigashada Sawirka, Getty Images
Malaayiin qof oo da'da dhexe ah ayaa si khaldan u rumaystay in aanay aanay buurnayn, sida laga soo xigtay cilmi-baadhis Talyaani ah oo si gaar ah u qiimaysay miisaan korodhka dadka.
Habkan cusub ee cilmi-baadhiseed ayaa lagu ogaaday in dadku habab kala duwan u cayili karaan.
Da'da, hoos u dhacyada ku yimaadda murqaha iyo baruurta ayaa qofka ku keena isbedllo jidheed iyada oo aanu is beddelin miisaankii qofka.
Caqabadda jirta ayaa a in la helo qalab si fudud u baadha buurnaanta.
Habka caadiga ah ee loo kala saaro miisaanka dadka waa iyada oo la xisaabinayo cabbirka cufka jirkooda, ama BMI, taas oo macnaheedu yahay in miisaanka qofka weyn loo qaybiyo kiiloogaraam iyada oo lagu labajibbaarayoo dhererkiisu mitir ahaaneed.
Waa hab degdeg ah oo sahlan, oo ay taageerto Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), waana mid sax ah inta badan - laakiin habkaasi ma kala saari karo baruurta, muruqa iyo lafaha.
Daraasad lagu sameeyay dad gaadhaya 4,800 kuwaas oo dhammaantood qaangaadh ah, da'doodu ay u dhaxayso 40-80 sano, oo ay hoggaaminaysay Jaamacadda Tor Vergata ee Rome, laguna soo bandhigay Congress-ka Yurub ee si gaar ah waaxda qaabbilsan Cayilka, ayaa eegay beddel kale – oo ah in la cabbiro boqolley ahaan baruurta jidhka.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Habkaa cusub ayaa lagu ogaaday in ku dhawaad in da’aadda dhexe 71% iyo 64% uu jidhkoodu baruur ahaa.
"Haddii aan sii wadno isticmaalka halbeegga WHO ee baaritaanka buurnaanta, waxaan waayi doonaa dad badan oo da' dhexaad ah iyo kuwo waaweyn oo halis u ah cudurrada la xidhiidhaa buurnaanta oo ay ku jiraan nooca 2-aad ee sonkorowga, cudurrada wadnaha, iyo kansarrada qaarkood," ayuu yidhi qoraaga daraasaddan, Prof. Antonino De Lorenzo.
In ka badan hal bilyan oo qof ayaa la nool cayilka ama miisaanka badan ee jirkooda adduunka oo dhan, waana qiyaasaha caalamiga ah ee lagu daabacay The Lancet show.
Baaritaankan waxaa lagu sheegay in ay ku jiraan ilaa 880 milyan oo qaangaar ah iyo 159 milyan oo carruur ah, marka loo eego xogtii 2022-ka.
Heerarka ugu sarreeya ayaa laga diiwaan geliyay Tonga, iyadoo 70-80% dadka waaweyn ay la nool yihiin cayil saaid ah.
Kooxo seynisyahanno calami ah ayaa sheegay in baahi degdeg ah loo qabo isbedel weyn oo ku saabsan sida loola tacaalayo miisaanka badan ama buurnida.













