Cuntooyinka madaxweynaha Uganda ka caawiyay inuu iska rido 30 kiilo

Yoweri Museveni

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Mr Museveni ayaa baraha bulshada ku beeniyay "inuu daal ka muuqdo", wuxuuna sheegay inuu miisaan badan iska riday

Cunto ka kooban xidiidka loo yaqaanno kasaafada, bataatiga iyo khudaarta dabiiciga ah ayaa ka caawiyay madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni , inuu iska rido miisaan dhan 30 kiilo, sida uu isaga qudhiisa u sheegay BBC-da.

"Aniga mar walba caafimaadkeygu wuu fiican yahay, laakiin dhakhaatiirka ayaa soo saaray khaladaadka ka dibna waxaan go'aansaday inaay culeyska iska dhimo", ayuu yiri Mr Museveni.

Hoggaamiyahan 75 jirka ah ayaan markii hore la soconin culeyskiisa oo gaaray ilaa 106 kiilo.

Wuxuu beeniyay qoraallo faallo ahaan looga bixiyay baraha bulshada, oo lagu sheegayay "inuu daal ka muuqdo", isagoo sheegay inuu xoogaa iscaateeyay kaliya.

Bartiisa shakhsi ahaaneed ayuu bishii lasoo dhaafay ku yiri: "Waxaan isku fasaxay cayil jirka oo dhan iga galay, sababtoo ah dhakhaatiirku iima sharrixin inuu dhibaato keenayo ama in loo baahnaa in cayilka lala dagaallamo".

Wuxuu intaas ku daray in hadda miisaankiisa uu yahay 76 kiilo, kaasoo ku habboon dhirirkiisa oo ah 5ft 7in (170cm).

Hase ahaatee Mr Museveni ma uusan sheegin muddada ay ku qaadatay inuu iska rido 30 kiilo.

"Waxaan cunaa xoogaa xididka kasaafada ah, sababtoo ah ma cuno raashinkiinna Yurub iyo kuwa Aasiya toona. Waxaan cunaa raashinkeenna sida; kasaafada, mooska, misirta iyo khudaarteenna dabiiciga ah", ayuu yiri Mr Museveni oo u warramayay BBC-da.

"Marka sida caadiga ah raashinkaas ayaan xoogaa ka cunaa subaxdii. Kadibna waan ku qadeeyaa, waxa intaas ii dheerna waa inaan biyo cabo, qaxwadana sokor la'aan ku cabo, waayo sokortu aad bay u xun tahay - sokortu ma fiicna", ayuu yiri.

"Ka dib marka ay saacaddu tahay qiyaastii toddobada fiidnimo, waxaan cunaa labo bataati oo nooca Irish-ka ah iyo khudaar badan, si aan caloosha ugu khiyaano inaan wax galinayo laakiin runtii waa raashin iska fudud", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Presentational grey line

Sidey caafimaad u leeyihiin cuntooyinka Museveni?

Philippa Roxby, Wariyaha BBC-da ee arrimaha caafimaadka

Way adag tahay in fikir laga qaato raashinka uu cuno Museveni iyadoo aan la ogeyn qiyaasta ay yihiin.

Hase ahaatee, in sokorta la iska gooyo waa arrin aasaasi ah oo lagula taliyo dadka iscaateynaya.

Haddii qadada laga hadlana, taasi micnaheedu waa inuu wax aad u yar cuno, ayna ugu badan tahay khudaarta dabiiciga ah.

Bataatiga iyo kasaafada waxaa ku jira carbohydrates farabadan iyo macdan - inta badanna laguma daro raashinka la isku caateeyo.

Presentational grey line

Sanadkii 2015-kii, wuxuu Museveni sheegay in madaxweynihii xilligaas ee Mareykanka uu u sheegay inuu dhalinyaro u muuqdo, xilli ay ka wada qeyb galayeen shir ka dhacay Itoobiya.

"Waan illoobay inaan u sheego in sababta aan dhalinyaro u ahayd ay tahay maadaama aan cuno raashinka ka baxa Uganda", ayuu yiri Mr Museveni.

Wuxuu marar badan dadka reer Uganda ku boorriyay inay iska dhaafaan cuntooyinka reer galbeedka, oo kuwa waddankooda ay u bataan.

Mr Museveni wuxuu xukunka hayay tan iyo sanadkii 1986-kii, wuxuuna qorsheynayaa inuu u tartamo doorashada madaxweynaha ee Uganada ka dhaceysa sanadka 2021-ka.

Fannaanka isu baddalay siyaasiga ee lagu magacaabo Bobi Wine, oo 37 jir ah, ayaa la loollami doona.

Labo isbuuc ka hor Mr Museveni wuxuu lugeeyay masaafe dhan 195km (121 miles) isagoo sii dhex marayay shacabka reer Uganda, ujeeddadiisuna ay ahayd inuu dib usoo nooleeyo safarkii ay ciidankiisu sameeyeen sanadkii 1986-kii, xilligii uu maamulka qabanayay.