Maxay yihiin shuruucda cusub ee Yurub ee saameynaya tahriibayaasha sii mara Turkiga?

Tahriib

Xigashada Sawirka, Getty Images

Komishanka Yurub, oo ah hay'adda fulinta ee Midowga Yurub (EU), ayaa ansixiyay heshiiska cusub ee magangalyada iyo socdaalka, kaas oo ay ku jiraan tallaabooyin adag oo lagaga hortagayo socdaalka aan caadiga ahayn.

Heshiiska ayaa sidoo kale waxaa ka mid ah ka hortagga tahriibka sharci darrada ah iyada oo la xoojinayo iskaashiga lala leeyahay dalalka aan Midowga Yurub ku jirin ee ku-meel-gaarka ah, oo uu ku jiro Turkiga.

Sida laga soo xigtay hay'adaha xuquuqul insaanka, heshiiskan cusub wuxuu horseedi doonaa in tiro badan oo qaxooti ah dib loogu celiyo "waddammadii ay ka yimaaddeen" sida Turkiga iyo Tunisia.

Muxuu sheegayaa sharciga cusub?

Qaybaha ugu muhiimsan xeerkan la ansixiyay ka dib siddeed sano oo dood ah, waa sida soo socota: iyada oo la raacayo heshiiska, in la yareeyo culaysyada dhanka socdaalka eek u dhacaya waddammada badanaa ay beegsadaan tahriibayaashu sida Giriigga, Talyaaniga iyo Spain.

Wadamada kale ee xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay sida oo kale ku qasbanaan doonaan inay qaabilaan qaxootiga si gaar ah tiro yar oo gaar ah oo la cayimay. Magdhow gaar ah ayaa la siin doonaa wadamada aqbala soogalootiga ka sarreeya kootadii loogu talagalay.

Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ee diida in ay qaabilaan qaxootiga waxa ay bixinayaan 20 kun oo Yuuro qofkii ay diidaan ba.

Ujeeddadu waa in lagu go'aansado codsiga magangalyada 12 toddobaad gudahood, iyo haddii ay suurtagal tahay diidmaduba, si loo xaqiijiyo dib ugu soo noqoshada magangalyo-doonka ee waddankiisa.

Mudnaanta ayaa la siin doonaa in si degdeg ah loo dhamaystiro nidaamka magangalyo-doonka ee ay u badan tahay in la diido.

Dadka soo galaya xuduudaha EU-da iyada oo aan wadan fiisaha ama dal ku galka waddamadaas waxaa lagu qaadi doonaa nidaam baadhitaan oo khasab ah ka hor, nidaamkaas oo ay ku jiraan aqoonsiga, ururinta xogta biometric -ga ama indhaha, iyo hubinta caafimaadka iyo amniga, ilaa 7 maalmood.

Shuruudahan caadiga ah ayaa loo isticmaali doonaa habka lagu qiimayn doono dadka codsanaya magangalyada.

Dhammaan magangelyo-doonka, oo ay ku jiraan carruurta, waxaa lagu qori doonaa xogta Eurodac, oo ay ku jiraan faraha iyo sawirrarada wejiyadooda.

Keydkan waxa kale oo ku jiri doona macluumaad ku saabsan haddii soogalootiga sharci-darrada ahi ay khatar ku yihiin ammaanka, haddii ay rabshado samaynayaan ama ay hubaysan yihiin.

Tahriib

Xigashada Sawirka, AP

Xuquuqaha la siiyo dadka magangalyo doonka ah waxay sidoo kale noqon doonaan halbeeg saamaynaya waddan kasta oo xubin ka ah.

Dawladaha xubnaha ka ah waxay si joogto ah dib u eegis ugu samayn doonaan xaalada qaxootinimo, iyaga oo qiimaynaya xaalada wadamada ay tahay in magangalyadoonku ka baxaan,

Iyada oo lagu salaynayo xogta wakaalada magangalyada Midowga Yurub (EUAA).

Heerarka qaabilaada ee u dhigma ayaa la siin doonaa qaxootiga waxaana laga kaabi doonaa sida guriyeynta, waxbarashada iyo adeegyada caafimaadka.

Kuwa codsanaya magangelyo waxay awoodi doonaan inay shaqeeyaan ugu dambayn 6 bilood ka dib taariikhda codsiga.

Xeerarkan ayaa se si weyn loo dhalleeceeyey fikradda ah in kuwa la celinayo la geyn doono dal saddexaad oo ammaan ah ‘sida Turkiga ama Tunisia’ taas oo la arko in ay halis ku tahay dadka magan gelyo doonka ah.

Goorma ayuu hirgeli doonaa sharcigani?

Sharciga ay ansixiyeen Komishanku waxa uu dhaqan gelayaa ka dib marka lagu daabaco joornaalka rasmiga ah ee Midowga Yurub.

Waddamada xubnaha ka ah Midowga Yurub ayaa la siin doonaa labo sano si ay sharcigan u waafajiyaan shuruucdooda gudaha ama xeerarkooda socdaalk. Xeerarka ku qoran sharcigan cusub ayaa si buuxda looga hirgelin doonaa Midowga Yurub oo dhan laba sano gudahood.