Labo sano ka dib maxaa u qabsoomay dowladda Xasan Sheekh, maxayse ka gaabisay?

XASAN SHEEKH MAXAMUUD

Xigashada Sawirka, baraha bulshada

Waxaa maanta ay labo sano u buuxsantay markii madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud loo doortay xilka.

Waxay ahayd 15-kii May sanadii 2022-kii markii madaxwayne loo doortay Xasan sheekh Maxamuud.

Waxaan faaladan ku eegi doonaa waxa dowladda madaxwayne Xasan u qabsoomay iyo waxyaabaha aan u qabsoomin.

Waxyaabaha u hirgalay.

15 May 2022 waxaa uu madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud uu galay taariikhda oo waxaa uu noqday qofkii ugu horey oo mar labaad madaxwayne loo doortay taariikhda Soomaaliya.

Madaxwayne Xasan sheekh ayaa muddada labada sano ee uu xilka hayay waxaa u qabsoomay oo ay dowadiisa ku guuleysatay dhowr arrimood.

xilligii doorashada

Xigashada Sawirka, Soomaaliya ayaa waxa ay ku biirtay urur goboleedka bariga Afrika oo ah urur ay dalalka gobolka ku mideysan yihiin.

Qoraalka sawirka, Soomaaliya ayaa waxa ay ku biirtay urur goboleedka bariga Afrika oo ah urur ay dalalka gobolka ku mideysan yihiin.

Ku biiradda ururka bariga Afrika

Soomaaliya ayaa waxa ay ku biirtay urur goboleedka bariga Afrika oo ah urur ay dalalka gobolka ku mideysan yihiin.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii tan iyo xilligaasina waxay dadaal ugu jirtay ka mid noqashada ururka.

Ugu dambeyntii Soomaaliya ayaa bishii March ee sanadkan si rasmi ah loogu soo dhaweeyay ka mid noqashada dallada guur ee ururka bariga Afrika.

Deyn cafinta

Muddadii labada sano ahayd ee u xilka hayay madaxwayne Xasan sheekh waxaa Soomaaliya laga cafiyay deentii lagu lahaa oo dhaneyd balaayiin doolar.

Geedi socodka deyn cafinta soomaaliya ayaa soo maray marxalado kala duwan oo waxaa dadalo akla duwan u galay dowladihii u kala dambeeyay xukunka oo mid-ba meel uu soo gaarsiiyay.

Howshaas deyn cafinta ayaa soo bilaabatay 2014kii intii lagu gudo jiray muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh.

ugu dambeyntii dowladda madaxwayne Xasan sheekh ayaa ku guuleysatay in deynta la cafiyo bishii March ee sanadkan.

Deynta lagu lahaa Soomaaliya waa shan bilyan iyo labo boqol oo kun oo doolar. Waxaa la amaahday soddonkii sanno ee ugu horreeyay xornimada. Laakiin deynta ugu badan waxaa la galay intii u dhexeysay 1978dii – 1990kii. Waa intii askartii xukunka la wareegtay ee kacaanka ay hayeen talada dalka.

Qaadida cunaqabateyntii hubka

Markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa Soomaaliya lagu soo rogay cunaqabateyn dhanka hubka ah.

Cunaqabateynta Soomaaliya waxa la saaray sanadkii 1992, markaasi oo hoggaamiyayaashii dagaalka ay ku ku dagaallamayeen gacan ku heynta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Golaha Ammaanka ayaa xilligaas qaraarkoodu ku saleeyay si looga hortago qulqulka hubka ee dalka xilli dagaallo ahli ah ka jireen dalka kuwaas oo ka dhashay markii meesha laga saaray dowladii uu hogaaminayey Maxamed Siyaad Barre.

Dadaallo is daba joog ah oo ka soo billowday sanadkii 2012-kii ayey Soomaaliya ku gaysay masraxyda caalamiga sidii dalka looga qaadi lahaa cunaqabtayntan iyagoo ku andacoonaya inuu dalku helo hub uu ku qalabeeyo ciidamadiisa si ay ugu adkaato kooxda al-Shabaab oo muddo 15 sano ka badan dagaal kala horjeedda dowladda iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa uu dowladda madaxwayne Xasan Sheekh nasiib u yeelatay in cunaqabateynta hubka la qaado bishii December ee sanadkii aanus oo dhaafnay.

Xasan Sheekh iyo Xamsa Cabdi Bare

Xigashada Sawirka, VILLA SOMALIA

Maxaa u suragaliyay guulahan dowladda dhexe?

Guulahan ay dowladda madaxwayne Xasan sheekh Maxamuud ayaa lagu micneeyay arrimo kala duwan.

Mursal Maxamuud Saneey oo ah agaasimaha machadka cilmi-baarista ee heritage ayaa qaba in guulahan ay dowladda ka gaartay ku biirada ururka bariga afrika, cunqabataynta o la qaaday iyo cafinta deymaha ay dadaal dheer galisay.

"Sida muuqata madaxwaynaha hadda talada haya, madaxwayne Xasan Sheekh juhdi badan ayuu galiyay, dadka badankiisa safaradiisa badan waxay u arkaan caqabad marka juhdi ayuu galiyay.

Mr Saneey ayaa dhanka kale sheegay in waxyaabaha u suuragaliyay madaxwaynaha qodobada u qabsomay ay ka mid yihiin in uu ahaa nin khibrad leh islamarkana horey uu saaxo badan oo dhanak dibadda ah laah.

"Juhdigii uu galiyay iyo isaga oo saaxibo hore lahaa, nin la yaqanay ahaa horey u soo shaqeeyay ahaa marka dolwadda ayaa dadaal badan ku bixisay.

Agaasimaha heritage Mursal Maxamuud Saneey ayaa dhanka kale sheegay in waxyaabaha ay dowladda labadan sano ku amaanantahay ay ka mid tahay dagalkii lala galay al-Shabab.

"Kow waxa u qabsoomay waa La dagaalankii aragagixisada oo shantii sano ee ka horeysay aan waxba laga qaban, ma lagu guuleystay malgu guuldareystay waa sheey kale , laakiin dagaalkii uu la galay ayaa ahaa guul weyn oo soomaali u soo hoyatay" ayuu yiri Mr Saney.

Madaxwayne Deni iyo madaxwayne Xasan sheekh

Xigashada Sawirka, PUNTLAND STATE HOUSE

Maxaa ka mid ah waxyaabaha ay dowladda ka gaabisay?

Inkastoo ay dowladda madaxwayne Xasan sheekh ay ku guuleysatay qodobada kor ku xusan hadana waxaa jira waxyaabo sida ay khubarada sheegeen ay ak gaabisay.

Mursal Maxamuud Saneey oo ah agaasimaha machadka cilmi-baarista ee Hertage ayaa qaba in waxyaabaha ay dowladda ka gaabisay ay ka mid tahay xal u helidda khilaafka Puntland.

"Waxa ugu muhiimsan ee aan u qabsoomin waa arrinta maqnaashiyaha Puntland, maqnaashiyaha Puntlan Soomaali-na caqabad ayay ku tahay, Puntland-na caqabad ayay ku tahay"

Waxaa uu intaa ku daray in arrinta Puntland ay dowladda dhexe ay u fududeyd inay xaliso, balse ay ka gaabisay.

"Dowladan way u fududeyd(xalka) marka xaqiiqda runta aan ka hadalno, madaxwayne Farmaajo iyo madaxwayne Xasan waxay hal jiho in madaxwayne Farmaajo uusna dalka u wadin meel sax ah marka inay is waayaan xaqiiqatan waa wax caqabad wayn ku ah dadka iyo dalka soomaaliya arrintaasi gaabis wayn ayaa nooga muuqda,". ayuu yiri Mr Saneey.

Mr Saneey ayaa dhanka akle farta ku fiiqay in waxyaabaha ay dowladda ka gaabisay ay ka mid tahay arrinta dhismaha hay'adaha dowladda.

"Qodobka labaad ee u muuqda in uu gaabis ka jiro waxaa waaye in hay'adihii dowladda iyada oo aan loo dhisin Soomaaliya , shaqsiyaad wax ma badalaan oo shaqsiyaadka way imanayaaan waan tagayaan islamarkana in Soomaaliya dib loo dhiso hay'ado xooggan ayay u baahan tahay" ayuu intaa ku daray.