Wax badan ka ogow danjirihii saameynta badan ku lahaa doorashadii 2022 oo hadda Qaramada Midoobay si rasmi ah Soomaaliya ugu Matalaya

James swan

Xigashada Sawirka, UNSOM

Qoraalka sawirka, James swan

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Jimcihii ku dhawaaqay in James Swan, oo u dhashay Mareykanka, dib loogu magacaabay Wakiilkiisa Gaarka ah ee Soomaaliya iyo Madaxa Hawlgalka ku meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Swan ayaa tan iyo bishii Maajo 2024 si ku meel-gaar ah u hayay xilka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Madaxa UNSOM/UNTMIS.

James Swan kuma cusbo Soomaaliya oo waxaa uu horey u soo noqoday wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Waxa uu badelay Catriona Laing oo u dhalatay dalka UK oo uu mudda xileedkeedu dhamaaday.

Waa kuma James Swan?

James Swan 30-kii Bishii May ee sanadkii 2019 ayaa loo magacaabay wakilka xoghayaha guud ee qaramada Midooben ee soomaalya xilkaasi oo uu hayay ilaa 2022-kii.

Waxa uu baddalay xilligaasi danjire Nicholas Haysom oo u dhashay dalka Koonfur Afrika oo sanadkii 2019 dowladda Soomaaliya ay ka eriday dalka kaddib markii ay ku eedeysay in uu fara gelin ku sameeyay hawlaheeda khaaska ah ee gudaha.

Waxyaabaha lagu xusuusto Swan waxaa ka mid ah doorkii uu ka qaatay doorashadii aadka loogu murmay ee sanadkii 2021-kii.

Mr. Swan ayaa lagu qeexay inuu yahay diblomaasi khibrad leh oo muddo dheer kasoo shaqeeyay caalamka, howlo bandanna usoo qabtay dowladda Mareykanka.

Wuxuu horay u ahaa wakiilka gaarka ah ee dowladda Mareykanka u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Xirfaddiisa shaqo xilligeedii hore, Mr Swan wuxuu soo noqday ku xigeenka kaaliyaha xog hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika laga billaabo 2006-dii ilaa 2008-dii.

Waxa uu sidoo kale muddo hal sano ah oo u dhaxeysay 2005-tii ilaa 2006-dii soo noqday Agaasimaha Afrika ee hay'adda sirdoonka iyo cilmi barista ee Mareykanka.

Mr Swan ayaa shaqooyin kala duwan kasoo qabtay dalalka Koongada Dimuqraaddiga ah, Koongo, Soomaaliya, Cameroon, Nicaragua iyo Haiti.

Magacaabistiisa ayaa ku soo aadaysa xilli ay dolwdda soomalaiya ka fikirayso xiritaanka xafiiska howlaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale magacaabidisa ku soo beegmaysa xilli uu khilaaf xooggan ka taagan yahay arrimaha wax-kabadelka dastuurka Soomaaliya.

Astaanta Qaramada midoobey

Xigashada Sawirka, UNSOM

Qoraalka sawirka, Astaanta Qaramada midoobey
Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Shaqada xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Hawgalka UNSOM xafiisyadiisa kala duwan ee Soomaaliya waajibaadkiisa waxa kamid ah in uu kala shaqeeyo Dawladda Federaalka iyo dawlad Gobolleedyada hawllaha dibu heshiisiinta, talo bixinno istraatijayeed oo kala duwan oo ku saabsan nabad iyo dawlad dhiska Soomaaliya, la socoshada xuquuqda aadamaha iyo isku xirka dadaallada caalamiga ah ee lagu taageerayo Soomaaliya.

Tan iyo markii uu hawgalkan bilowday 2013-kii, waxa ay gacan ka geysteen hannaanka federaalaynta Soomaaliya,. Waxa kale oo ay kaalin ku leeyihiin dawlad dhiska, amniga iyo dib u soo kabashada dhaqaalaha. Hawlahaas in badan oo kamid ah hadda ayay qayb ka ahaayeen sida xoojinta nidaamka federaalka, dhameystirka dastuurka iyadoo loo marayo wadatashiyo ballaaran iyo dib u habeynta qaybaha amniga iyo caddaaladda ee Soomaaliya.

Arimaha kale ee waaweyn ee xafiiskan kaalinta ku leeyahay waxa kamid ah u kala dab qaadidda dhinacyada siyaasadda Soomaaliya marka uu dhex maro khilaaf siyaasadeed. Xiliyada kaalintoodu muuqato waxa kamid ah marka doorashooyinka heer federaal ama heer dawlad gobolleed la qabanayo, markaas oo ay dhinacyada u sameeyaan kulamo xal loogu raadinayo isdiidooyinka jira.