Ma waxaa fiican in la qubeysto subixii mise habeenkii?

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka qaarkii waxay door bidaan inay qubaystaan subaxdii, qaar kalena fiidkii. Yaa saxan labadan kooxood?
Dunidan aan ku nool nahay ee ay ku sii kordheyso kala qaybsanaanta, waxaa jirta hal su'aal oo laga yaabo in ay ina kala qaybiso si ka badan kuwa kale - ma waxaad qubeyska ka dhigtaa waxa ugu horreeya subaxdii, ama waxa ugu dambeeya habeenkii? Ama laga yaabee inaad tahay mid ka mid ah 34% dadweynaha Mareykanka ee aan qubaysan maalin kasta.
Qeyb kasta oo aad ka tirsan tahay, waxaa laga yaabaa inaad la yaabto saameynta doorashadaadu ku leedahay caafimaadkaaga.
Qaar badan oo naga mid ah, ka dib markii aan kacno iyadoo indhuhu ina cas yihiin subaxdii mid ka mid ah waxyaabaha ugu horreeya ee aan sameyno ayaa ah inaan ku boodno qubeyska. U doodayaasha qubeyska subaxda waxay inta badan ku doodaan in hoos istaagidda durdur biyo kulul ah muddo 10 daqiiqo ah ay ka caawiso inay toosaan oo ay dareemaan firfircooni iyo faxfax oo ay diyaar u yihiin inay bilaabaan maalintooda.
Haddana dadka habeenkii qubaysta ayaa ku dooda in qubaysiga ka hor sariirta uu ka caawiyo in ay iska maydhaan wasakhda maalinta ka hor inta aanay hoosta ka gelin bustaha oo aysan gam'in hurdo macaan.
Haddaba muxuu saynisku ka leeyahay tan inoo faa'iido badan?
Qubaysku wuxuu qofku ka saaraa wasakhda, dhididka iyo saliidda maqaarkeenna. Tani waxay ururi kartaa maalintii oo dhan, waxaana ku jira wasakhda iyo boorka deegaanka. Haddii aadan qubaysan ka hor sariirta, wasakhdan waxay gashaa go'yaashaada iyo barkimadaada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Intaas oo qura ma aha. Maqaarkaagu wuxuu la ciirciirayaa noolaha il-ma-qabatada ah. Soo dhowee sentimitir walba oo labo jibbaaran oo maqaarka ah waxaadna ka heli doontaa inta u dhaxaysa 10,000 ilaa hal milyan oo bakteeriya ah oo halkaas ku nool. Waxay quutaan saliidda laga soo daayo qanjidhada dhididkaaga. Inkasta oo dhididka laftiisu aanu uraynin, maaddama salphuric ee ay soo saarto bakteeriyada ayaa sameeya urta.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markaa qubeyska sariirta ka hor wuxuu u ekaan karaa doorashada ugu wanaagsan. Si kastaba ha noqotee, siday ahayd weligeed, runtu way ka sii adag tahay intaas.
"Haddii aad qubeysato habeenkii waxaad sariirta tegi doontaa adiga oo nadiif ah, laakiin weli waad dhidideysaa habeenkii," ayay tiri Primrose Freestone, khabiir ku takhasustay microbiology (noola ail-ma-qabatada ah) oo ka tirsan Jaamacadda Leicester.
Sida laga soo xigtay Freestone, xitaa cimilada qabow qofku weli wuu ku dul dhididayaa sariirta.
Faa'iidooyinka qubeyska habeenkii sidoo kale waxay hirgeli karaan oo keliya haddii aad si joogto ah u dhaqdo marada sariirtaada. Bakteeriyadu waxay ku noolaan kartaa duf, go'yaal iyo barkimo muddo toddobaadyo. Boodhka ayaa sidoo kale isa soo urursan kara waqti ka dib, sida fangaska, gaar ahaan meelaha qoyan sida barkimahaaga. Halka dadka nidaamka difaacoodu si buuxda u shaqeeya ay la qabsan karaan weerarkan noolaha il-ma-qabatada ah, ilaa 76% dadka qaba neefta daran waxay xasaasiyad ku leeyihiin ugu yaraan hal nooc oo fangas ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxay u badan tahay inay aad muhiim u tahay inaad nadiifiso go'yaasha sariirahaaga intii ay ahayd inaad maydhato fiidkii," ayay tiri Holly Wilkinson, oo wax ka dhiga Jaamacadda Hull ee UK. "Sababtoo ah haddii aad sariirta seexanayso adigoo qubaystay laakiin aadan iska beddeleyn go'yaasha sariirahaas muddo bil ah, markaa taasi waxay isu ururin doontaa bakteeriyada, wasakhda iyo boodhka."
Tani waa dhibaato, maaddaama neefsashada boodhka muddo dheer ay kordhiso halista xasaasiyadda. Haddii aad tahay qof horeyba ugu nugul xasaasiyadaha sida boodhka, ka dibna aadan dhaqin dharka sariirtaada waxay u badan tahay inay ka sii dari doonaan calaamadahaaga. Waxaa kale oo suurtogal ah in si joogto ah sariirta loogu seexdo go'yaal wasakh ah ay kordhin karto khatarta caabuqa maqaarka - inkastoo caddaynta tani ay tahay mid aan dhammaad lahayn.
Faa'iidada hurdada
Qaar ka mid ah taageerayaasha qubeyska habeenkii ayaa ku doodaya inay ka caawiso inay si fiican u seexdaan, waxaana jira caddaymo taageeraya tan. Tusaale ahaan falanqaynta Meta oo is barbar dhig ku samaysay natiijada 13 cilmibaadhisood ayaa lagu ogaaday in 10 daqiiqo oo qubays diirran ah saacad ama laba saacadood ka hor waqtiga jiifka ay soo gaabisay waqtiga hurdada si aad u weyn. Waxaa suurtogal ah inuu kor u kaco heerkulka jirka ka hor inta uusan qaboobin taas waxay noqotaa calaamad wareeg ah oo u sheegaysa jirkeenna inuu u diyaargaroobo hurdo, inkastoo mar kale loo baahan yahay cilmi-baaris dheeraad ah si taas loo xaqiijiyo.
Haddaba halkee ayay tani noo weecineysaa marka la eego ka jawaabista su'aasha ah kan fiican qubeyska subaxda ama fiidkii? Freestone waxay door biddaa qubeyska subaxda, sababtoo ah tani waxay tirtiri doontaa in badan oo dhididka ah iyo noolaha il-m-aqabatada habeenkii ee laga soo qaado sariirta, taas oo kuu oggolaanaysa inaad billowdo maalinta mid cusub oo nadiif ah.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa suurtogal ah in go'aankaagu uu wax yar ka beddelo caafimaadkaaga - waa mid ku xiran haddii aad doorbidayso inaad nadiif ahaato maalintii, ama habeenkii.
"Haddii aad qubaysanayso hal mar maalintii, waxay u badan tahay in aanay macno lahayn waqtiga maalintii aad samayso," Wilkinson ayaa yiri.
Dhab ahaantii intiiba aad si maalinle ah u dhaqeyso waxyaabaha muhiimka ah, qubeyska labo jeer toddobaadkii ayaa laga yaabaa inay ku filan tahay ilaalinta caafimaadka iyo nadaafadda.
"Waxay ku xiran tahay nooca shaqada aad qabato, si kastaba ha ahaatee, haddii aad tahay beerallay, tusaale ahaan, waxaad u baahan doontaa inaad qubeysato marka aad guriga timaaddid habeenkii, laakiin waxaan u maleynayaa in ilaalinta nadaafadda sariirta ay aad muhiim u tahay guud ahaan," ayuu yiri Wilkinson.













