Muhiim maaha inaad maalin walba qubeysato-sababta ogow

Qubeys

Xigashada Sawirka, Getty Images

Inaan maalin walba qubeysanno ma muhiim baa? Khubarrada qaar ayaa aaminsan in qubeyska maalinlaha ah lagu saleeyay 'qandaraas bulsho' marka loo eego baahida dhabta ah.

Sanado yar kahor, waxaan joojiyay inaan qubeysto. Guri ka shaqeynta uu coronavirus sababay, inaan la degay lammaane aan inta badan qubeysan oo nadiif ah iyo caajiska da’da dhexe ayaa igu kallifay inaan iska daayo caadadii ku dhowaad 30 sano: Muddo dheer aniga oo aan jimicsi sameyn, haatan keliya saddex jeer baan qubeystaa toddobaadkii. Qaar ka mid ah saaxiibbadeyda ayaaba intaa in ka yar qubeysta – qaar yar ayaa toddobaadkii mar qubeysta xilliyada qaboobaha, mararka qaar sababo la xiriira dhibaatooyinka maqaarka amaba naceybka timo qoyan – balse qaar kale ayaan awoodin inay i fahmaan. "Si hagaagsan uma soo kici karo aniga oo aan subixii qubeysan," ayay dhahaan. "Maalin walba waa inay ku bilaabataa qubeys iyo koob shaah ah." "Ma dhici karto sabab aan sariirteyda ugu hurdo [aniga oo aan qubeysan] kadib marka aan ka imaado London." "Saddex jeer toddobaadkii? Uff."

Dadka aan inta badan qubeysan aalaaba waa laga shakiyaa. Taas keliya maaha dadka jecel dabiiciga, kuwa teendhada ku hoyda balse waxaa ku jira TikTokleyda iyo xitaa dadka caanka ah. Bishii lasoo dhaafay, war-tebiyaha Britain u dhashay Jonathan Ross ayaa dunida qabsaday kadib markii uu sheegay in mararka qaar oo wax ka yar hal jeer xitaa qubeysto toddobaadkii, sanadkii 2023, sidoo kale jilaa America Ferrera ayaa wareysi ay bixisay ka yaabiyay taageerayaasheeda kadib markii ay sheegtay in mararka qaar aysanba qubeysan. Dadka qaar ayaa iyaguna keliya dhaqa qeybo ka mid ah jirkooda.

Balse iyadoo dhaqidda gacmaha oo la joogteeyo ay muhiim u tahay joojinta faafitaanka jeermiska, sida ay dhaqaatiir badan qabaan ma jiro faa’iido caafimaad oo laga dhaxlo qubeyska joogtada ah. Xaqiiqdii, kuumaba wanaagsana mararka qaar maaddaama taas ay qallajineyso maqaarkaaga ayna wiiqeyso difaaca jirkaaga. Weli, daraasadaha ayaa sheegaya in in ka badan kala bar dadka Ameerikaanka ah iyo UK ay maalin walba qubeystaan. Ma xilligii dib u eegis lagu sameyn lahaa baa la joogaa?

Qubeys

Xigashada Sawirka, Toby Madden

Qoraalka sawirka, Donnachadh McCarthy

In la helo qof doonaya inuu ka sheekeeyo dhaqankiisa qubeys la’aanta ma aha wax fudud. Sanadkii 2015, khabiirka kimistariga David Whitlock ayaa caalamka qabsaday kadib markii uu sheegay inuusan qubeysan muddo 12 sano ah. Taas beddelkeed, wuxuu isku buufin jiray bakteeriyo fiican. Sanadkii ka dambeeyay, khabiirka fiisigiska James Hamblin ayaa sidoo kale wax ka qoray sida uu u joojiyay qubeyskiisa. Sanadkii 2020, makrii buuggiisa Clean uu soo baxay, wuxuu BBC u sheegay: "Waxaan leeyahay ur, xaaskeyga dhib kuma qabto, dadka kalena waxay dhahaan ma xuma."Markii aan farriin u qornay si uu nooga sheekeeyo dhaqankiisa qubeyska saddex jeer toddobaadkii, wuxuu sheegay inuu mashquul yahay, balse wuxuu yiri: "U sheeg qof walba oo kugu jeesjeesa inay ka war la’yihiin sida uu maqaarku u shaqeeyo, kadibna ka soco."

Ugu dambeyn, waxaanu helnay khabiirka deegaanka Donnachadh McCarthy. "Keli kuma ihi inaan la qubeysan maalin walba," ayuu yiri. "Waxa aan keli ku ahay ayaa ah inaan geesi ku ahay inaan rabo inaan ka hadlo."

Siddeed sano kahor, McCarthy ayaa arrintan maqaal uga qoray wargeyska Guardian. Wuxuu sheegay inuu isku tilmaamo inuusan inta badan qubeysan ay ahayd wax cabsi leh, sababtoo ah wuu ogaa inuu la kulmo doono aflagaaddo badan. Balse markii maqaalka la daabacay, dadka ayaa dhegta ugu sheegay inay iyaguna sidiisa oo kale sameeyeen.

Qubeys

Xigashada Sawirka, Toby Madden

Kahor inta uusan dhaawac soo gaarin, McCarthy wuxuu ahaa qof qoob ka cayaarka sameeya maalin walbana qubeysta. Kaddib markii uu labo toddobaad la qaatay bulshada la yiraahdo Yanomami ee keymaha Amazon ku nool, ayuu go’aansaday inuu arrintan u sameeyo deegaanka dartiis, isagoo masharaafta roobka iyo dab-dhaliye qorraxda ku shaqeeya soo dhigtay gurigiisa London ku yaalla, isagoo sidoo kalena koontarooli jiray isticmaalkiisa biyaha.

Sanadihii ku xigay, wuxuu bilaabay inuu yareeyo qubeyska. Maalmahan, bishiiba mar ayuu qubeystaa. Wuxuu isticmaalaa keliya hal koob oo biyo ah iyo maro uu qyebo ka mid ah jirkiisa ku dhaqo. Cidna kuma tiraahdo waad soo ureysaa.