“Waxaan ahay dhaqtar, 10 sanana ma qubeysanin.” Sabab?

Xigashada Sawirka, JAMES HAMBLIN
Magaciisu waa Dr. James Hamblin oo 37 jir ah, waxa uu bare ka yahay jaamacadda Yale , mac-hadkiisa Caafimaadka dadweynaha, isaga oo sidoo kale shahaadada sare oo dheeraad ah ka haysta cilmiga difaaca jirka ee immunology.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dhaqtarkan oo ka mid ah kuwa aadka loo tixgaliyo oo ahayd 10 sano ka hor ayuu joojiyay in uu qubeysto gebi ahaanba.
"Hadda waan la qabsaday, hala yaabin" ayuu u sheegay BBC-da.
Marka laga tago shaqadiisa caadiga ah, waxa uu sidoo kale maqaal ku qoraa majalladda American Atlantic Magazine. Maqaal ciwaankiisu ahaa "Waan joojiyay qubeyska, iyo waxa aan shiilo" ayaa waxaa la yaab leh tuduca uu ku bilaabay maqaalka.
"Waa arrin murugo leh in nolosheena oo dhan aan ku dhamaysano qubeys iyo qubeys" ayuu ku yiri maqaalka.
Sanadkii 2020-kii wuxuu daabacay buug uu kaga hadlay waxyaabaha jirka lagu xanaaneeyo, taasi oo aanan ahayn arrin la yaab leh.
Waxaase la yaab leh in uu buugga kaga hadlayo nadaafadda iyada oo isaga qudhiisauusanba qubeysanin.
Hase yeeshee Dr James waxa uu qabaa in gacmaha saabuun lagu dhaqdo, ilkahana la cadaysto, balse jirkiisa ma rabo in uu biyo mari, saabbuuna ku rugo.
Markii koowaad waxa uu qubeyska ku joojiyay si tijaabo ah, balse markii dambe toos ayuu usii watay.
Waxa uu sheegay in maalmaha hore ee qubeys la'aanta uu qofka dareemi karo wasaq, balse marka dambe uu caadi iska noqon doono
Si tartiib tartiib ah ayuu u bilaabay qubeys la'aanta, illaa markii dambe uu gebi ahaanba iska gooyay qubeyska.
Shiirta Jirka
Waxa uu qabaa in shiirta jirka ay sababto bakteeria jirka ku jirta , wuxuuna sheegay in marka la qubeysto dhaawac loo geysto bakteeriyadaas iyo habka dabiiciga ah ee jirka.
Wuxuu sheegay in qubeyska badan ay bakteeriyada kusii badato, ama ku Taranto, taas oo siyaadisa shiirta.

Xigashada Sawirka, .
Waxa uu intaasi ku daray in marka qofka qubeyska joojiyo, shiirta jirkana ay si toos ah u joogsanayso.
Mar la weeydiiyay in uu isaga shiiro ayuu sheegay in saaxiibadiis iyo dhammaan dadka uu aamino oo dhan ay si daacadnimo ah ugu sheegeen in uusan shiirin, waxa kale oo uu sheegay in xaaskiisa ayba jeceshahay qaabka uu hadda yahay oo uu caraf ku tilmaamay.
Dr James waxa uu qabaa in badeecooyinka suuqa yaala ay ka tan bateen cilmi seeyniska, iyada oo dad badan lagu caddaadiyay in ay isticmaalaan saabuun iyo waxyaabo kale oo lagu qubeysto,
"










